Iiraan oo Loo Fasaxay Boqol Bilyan Oo Doolar Oo Cunaqabtayntii La Saaray Ay Kaga Xanibtay Dalka Dibadiisa

Iiraan(SLpost)-Iran ayaa sheegtay in loo fasaxay inay hesho in ka badan boqol bilyan oo dollar, oo laga xayiray markii ay saarnayd cuna qabataynta Qaramada Midoobay ee la xidhiidhtay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

04469ADF-122B-41A3-BAF7-444D41178F89_w268_r1

Lacagta la fasaxay waxaa ka mid ah lacag shidaalkii ay ka iibisay waddamada Shiinaha, Hindiya, Japan iyo Kuuriyada koonfureed.

Cunaqabataynta Iran ayaa la qaaday kadib markii ay heshiis la gashay waddamada ugu xooga wayn adduunka.