Igaar Wax Caadiya Kolaba Maaha!

 

Sida aynu lawada socono markii soomaaliland iyo soomaalia isku biireen waxaa jirtay dhibaato dhinaca is fahamka luuqada ah taasi oo keensatay in ilaa mudo dheer dadka labada gobol is fahmi waayaan oo shay woqooyiga magic looga yaqaano koonfurna magic kale looga yaqaaano xataa waa iyana caqabad noqotay siiqada hadalka loo odhanaayo iyo dhawaqa ka soo baxaaya labada qof ee labada gobol kasoo jeeda oo midiba uu si u dhawaaqaayo.

 

Hadaba isla sanadadaasi ay jirtay caqabada dhanka isfahamka luuqada ah ayaa waxaa xamar ama magaalada muqdisho waxaa tagay nin reer woqooyi ah oo hargeysa ka tagay  dabeeto waxaa uu ninkii guursaday gabadh reer xamar ah waxaanay ugu curatay oo ay u dhashay gabadh dhanka maskaxda ka jiran.

Ninkii odayga ahaa waxaa uu dhib la mutay inantiisii yarayd ee jiranayd mudo markuu la mashaqoobay ayaa hadana amarka ilahay waxaa u calool galay ilmo kale dabeeto ninkii waxaa uu qaaday warwar dheeraada oo waxaa uu is yidhi ilmahana waa uu xanuunsanayaa malaha sida gabadhan yar oo kale mudo waxa uu dhawraba gabadhii ayaa fool qaaday waanay umushay.

Ninkii odayga ahaa ayaa yimid gabadhii umulisada ahayd ayuu dibada kula kulmay dabeeto waxaa uu ku yidhi maxay umushay dabeeto waxay ugu jawaabtay igaaray dhashay ilayn waa shakisnaaye igaarkiibuu u qaatay inay ku tidhi waxay dhashay  ilmo xanuunsanaaya ma buu hubsane waxaa uu ku tiraabay igaar wax caadiya kolaba maa oo uu cararay waxaa uu u tagay mid kale oo reer hargeysa ah balse isagu mudo kaga soo horeeyay xamar waxaa uu ku yidhi waryaa igaar waa maxay waxaa uu ugu jawaabay markuu ugu so keeyo waa libaax dhal ah.

 

Halkiibuu gaadhay ka soo raacay ilaa uu hargeysa soo gaadhay dabeeto markii uu hargeysa soo gaadhay ayuu aqoonsaday inuu igaar wiil yahaya oo magaca igaar dhinaca koon furta igaar looga yaqaano.

IGAAR WAX CAADIYA KOLABA MAAHA!!!!!!!!!!

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com