“Idinka ayaa shaydaanka soo dooranaaya hadana waad calaacalaysaan..” Muuse Biixi

Muse Bihi

 

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa culimada u soo jeediyay inay siyaasada dalka soo galaan oo ay dadka u naqeeyaan hogaamiye wanaagsan, waxa uu Muuse Biixi culimada ku canaantay in aanay talada dalka ka qaybgalin hadana ay calaacalaan.

waxaanu guud ahaan shabiga u soo jeediyay inay doortaan hogaan wanaagsan oo daacad ah, waxaanu hadalkan ka yidhi khubad uu ka jeediyay qalinjabin loo qabtay ardayda maxadka Ibnubaas “Culimada waxaanu ka codsanaynaa inuu naga yaraado khilaafka culimadu, waayo dadku oo caalimo ah quraankii ka hadlaaya oo misaajidka kuugu yeedhaaya oo hadana iyagii is khilaafsan waa dhibaato, alle waxaynu ka rajaynaynaa inuu khilaafka culimada inaga yareeyo, marka khilaafka culimadu inaga yaraado ayaynu horumargaadhaynaa”

Gudoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“hadii la yidhaahdo xisbigaasi waa beenaalayaal oo waa ay kugu dangaadhayaan iska qabo oo mid wanaagsan oo daacad ah oo kitaabka alle ku dhaqma dooro yaa idiin diiday,idinka ayaa shaydaanka soo dooranaaya hadana waad calaacalaysaan, yaad eersanaysaan. wadaadada  waxaan leeyahay waxaad tidhaahdaan ma codaynayno xisbina galimayno, oo hadii aad ka qaybqaadan waydaan markii dalka la dhisaayay aayadiina aad ku akhriyaysaan tashada hadii uu hadhaw shaydaan idiin taliyo maxaad la calaacalaysaan. dalka taladiisa iyo hogaamintiisa sadex xisbi ayaa u xilsaaran, maxadka Baas iyo Ictisaam iyo ikhwaantoona uma xilsaarna, bal kaad doontaan sadexdaas xisbi taga oo mid wanaagsan oo islaam ah ka soo saara dadka idinkaa ugubadane. dalku waxa uu u baahan yahay in loo soo saaro madax islaam ah oo iimaan leh oo aan been sheegin oo dalka ka naxaya”