IBRAAHIM DHEERE GEESI LA HILMAAMAY!

 

Dadkan iyo dalkan ummad dhan baa usoo rogmatay oo mood iyo noolbana dabka usoo saartay sidda hadraawi ku doodo waxay ahayd in halganka la habeeyo oo aan dabka lawada saarin cidkasta sidii dhacday oo qoriga loo dhiibay qofkasta dhakhtar ilaa xoola dhaqato, si kastaba ha ahaatee ciddina ma gaadhi karto kuwa dhuuxoodii iyo dhiigooii aynu ku dul taaganahay, hooyooyinkood iyo aabayaashoodna u goblameen. Kuwaas oo si naf hurid leh wajiga u dhigay xabadii caddawga si aynu ugu noolaano, nolol gobonimo leh mar uun.

Dadka dalka iyo dadka wax taray way badnaanyeen balse waxa biyo kama dhibcaan ahaa raggii naftooda u huray ee maanta la hilmaamay ama aan loogu hiilin wixii ay mudnaayeen, waxa soo raaca ragg baddan oo magacyo lahaa maantana meel hoose kaga jira kala saraynta maamuus ee umaddani leedahay kuna dhisan maalinba cadceeda usoo baxda lana gado ah wakhtiga taagan si yarna u hilmaama halyayadii hogaaganka ummada marar badan usoo qabtay xaalado adkaa, mudnaana in magacooda la dhawro haddii aan waxba lagu tarayn waa haddii ay u baahan yihiin wax tar, wax tarka ugu wayn ee qof helaana waa in loo garaabo ama la maamuuso sida uu mudan yahay waayo qofkasta waxaa la dhigaa halka uu gayo.

Sidda laga wadda war qabo waxaa Allaah la kulmay Ibraahim Cabdi Kaahin(Ibraahim dheere) Allaah Naxariistiisa ha ugu deeqee, ibraahim oo ahaa ganacsadde reer Somaliland iyo Reer Jabuuti ah kaasi oo muddo nus qarni ah ku jiray ganacsiga ahaana dadka ugu maggaca dheer ganacsatada, taariikh dheerna ku lahaa geeska Africa lagguma tilmaamo in uu ahaa Somaliga kaliya ee haystay lacag gaadhaysa Billion Dollar siday ku doodaan dadka qaarkii. Dadku waxay xasuustaan in wakhtigii uu allaabta sida tooska ah u keeni jiray Somaliland uu u dhaqmi jiray qaab ka duwan qaabka hadda ee tafaariiqaynta waxaana kasii hoos ganacsan jiray ganasato kale oo maanta kamida kuwa ugu tunka wayn ee dalka ka ganacsada.

Haddaan usoo gundo dago dulucda waxaa jiray in kaalintii uu Soomaaliland ugu jiray Ibraahim  dheere wakhtigii Dawladii Cigaal ee dhismaha waddanku hana qaaday uu ahaa wasaaraddii maaliyada ee cigaal wakhtigaasi sidda uu ku doodo Oday Muuse Dalab wakhtigii geeridii Craxmaan faarax Sugaal oo mar ahaa wakiilka Ibraahim dheere ee Somaliland. Sidaa daraadeed oday Muuse Dalab waxa uu xusay in badnan ku celceliyay in lacag kasta oo Madaxwayne Cigaal Allaa ha unaxariiste uu u baahdo ay kasoo qaadi jireen Cigaal taasi oo taabogal ka dhigtay Nidaamkiisii Maamul una suurto galisay in uu dhidibada u taago maamul hana qaaday oo  ilaa maanta ay ku caano maaleen dhamaan ummad reer Somaliland.

Mida aan ciddina ilaabi doonin waa in uu bixiyay lacagtii lagu soo daabacay lacagta Soomaaliland oo dhamaan ummada reer Soomaliland abaal wayn ugu hayso, noqotayna astaan gaara oo siddeeda u taaga laggun tilmaansado in si dhaba loo dareemo jiritaanka ummadan, dhinaca kale si toosa looga xoroobo in maamul lacageed la hoos tago dad aan ummadan jiritaankeeda qawadsan oo quudhi la.

Waxyaabaha xusudida muddan waxa kamida in marararka qaarkood sida uu sheegay Muuse Dalab Allaa khayr ha siiyee oo isna dadkan iyo dalkan wax badan usoo qabtay in ku odhan jireen Ibaahim dheere markay lacag dheeraada u baahdaan ( na amaahi 5 ta sono ee soo socda Cashuurtooda) taasi oo si aan  laab laabad lahayn uu jeebka gacanta ugu galin jiray si  faxalnino waafiya oo waddaniyad xaddhaafi ku dheehan tahay oo aan tiisa oo kale la arag, waxa intaa sii dheeraa in uu lacaga kaasha oo ka badan 5 milyan wakhtigaa u dhigmaysay 50 milyan hadda ah uu gacanta Cigaal ugaliyay sidda ay soo wariyeen wasiiro goob joog ahaa oo hadda nooli waa wakhtiyadii Cigaal la doortay, taasi oo wasiiraddaasi sheegeen in markii ugu horaysay ee ay arkaan lacag intaa leeg noloshooda mar ay ka sheekeeyeen.

waxa aan iyana qalinku koobayn waxtarkiisii halkgankii oo aan u dhaafayo dadka xog ogaalka ahaa dhinaca kale waxa taariikhdu marna hilmaami doonin in uu ahaa qofkii u horeeyay ee Dakada Barbara Xoolihiisa si badheedha u keena iyadoo xabadu dhacayso, ciddina kusoo aamini karin hantidooda in ay keenaan khasabna kaga dhigay markabkii in uu ku xidho Barbara taasi oo dad badan oo reer Barbara ahi ilaa maanta xasuusan yihiin isku soo wadda duub waxa uu ahaa muwaadin aad qiimo wayn ugu lahaa Somaliland

qaabka geerida loo qaabilaa waa qaab Islaamiya oo allaah inoo dhigay in aan la buunbuunin qaddarkeedana aan la dhaafin, balse dhaqankeena iyo curfiga hadda jira marka aad u eegto kuna miisaanto sida loo qaabilay ama loo qaabilo kuwa la midka ah waxa la dhigay meel aad u hoosaysa marka lagu dhereriyo geeriyooyin ka dhacay Somaliland gudaha ama dibada taasi oo inna xasuusinaysa (Abaal nin gala waa la arkaa se nin gudda lam arko), waliba dawladan oo ragg badan oo uu abaal gaara ku lahaa maanta maddax yihiin waxay ku gaabsadeen tacsi idacada laga sii daayo balse milgihii iyo maamuuskii uu laa midna lama marin iska daa in ay ka qayb gallaan Aaska Marxuumkee, waxaan kusoo koobi lahaa dadkii dadkan iyo dalkan lexejeclada ka lahaa badankoodii xabaal bay ku hoobteen isna kuwaasi uunbuu ka mid ahaa cid uu marti uga ahaa in ay u mahadcelisaana may jirin balse waxa uu aha a waajib inna saarnaa innaga manaynu garan.

Allaah Waxaa uga baryayaa dhamaan waalidiinteenii iyo intii dadkan iyo dalkan usoo hurtay wax wayn iyo waxyarba in Allaah ka abaal mariyo.

Ahmed Ali Kaahin

Ahmedcakhin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.