Huri-waa – W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

RIDWAANLaba aan is hurinoo,

Hadana aan is haynoo,

Intuu caashaq wada helay,

Hayaan kala foogaado,

                        Kala heeray waayuhu,

                        Mid waliba halkiisu,

                        la jeefaa haraadkee… waxa <Xaliimo Khaaliiif Magool>

Waxa ila qumaanatay in aan si kooban uga hadlo sababta dareenkan dhalinteena ku laxaadsaday uu u noday mid kugu abuuri kara inaad huriba weydo shaqsiyaad niyadaada ku weyn oo ku milan waaxyahaaga iyo qalbigaagaba, waayo waxaad inbadan iiga aayo-aragsan tahay in uu dareenkani uu yahay mid ay ku weyn tahay da’yar badan ruumeyntiisu iyo ka midho dhalintiisa sidii aad u dheefsan lahayd anficiisa ka beerma labadiina dhinac.  Sidaa awgeed waxaan odhan karaana shaki kuma jiro in Jaceylku yahay meere kudul wareega aduunkan oo idil uuna raadeyn ku yeesho wax walbo oo nolosha xidhiidh la leh ama lagama maarmaan u ah jiritaanka nolosha qeebaheeda kala duwan.

Waxaan ahay qof aan marnaba ka maarmin inuu muujiyo dareen aaan u qabo qof ku lamaan qalbigayga, waxaan la tiiranyeysanahay kala maqnaanshiyahayga aniga iyo qofkay niyadaydu raacday waana nabar igu yaal oo dhaymihiisu noqday mid ugu qaatay wakhti dheer………>

Waa erayo kasoo baxay qalbiyo ay isku ooman yihiin niyadoodu taaso ay tahay mid ay ugu wacan tahay kala maqnaanshiyahooda ku imid dareenkoodii ay muddo soo barbaarinayeen abqaalkiisan lahayeen intii ay ku dhex jireen noloshoodii ku dhisneyd jacayl iyo isdoonis. Waxaan jeclaystay in aan dhaxtaal qoraalkaygan uga dhigo erayo aan afkiisa ka hayo wiil dhalinyaro ah oo ay beegsatay dhacdo runtii idareen gelisay, damqaysana qalbi naxariisi ku dheehan tahay.

Waxaan ku hamiyi jirnay nolol ku dhisan dareenkayaga guud iyo rabitaankayaga oo ahaa mid ku wajahnaa mustaqbalkayaga nololeed oo aanu u arkaynay in aan ku unki karno nolol ku dhisan qalbiyo isku san isku sidkan iskuna qanacsan…..>

Waa laga yaaba inaad iska hilmaamto qof aad mar baratay adigoo aan wax ahmiyada siinayn barashadiisa ama quudhsadayba laakinse ay barashadaadu noqon karto mid saameyn ku aburi karta shaqsiyaad kale oo aanad filanayn, sidaasna ay niyada aanad dareensanay kugu raacdo rabitaankeedu, waan wax laga yaaba in soo bandhigidiisuna ay kugu noqoto amakaak iyo fajiciso aanad qaadan karayn.

Waa hubaal in niyad meel u jeeda ay adag tahay soo jeedinteed iyo qacinteeduba taasina ay tahay mid dhaawac aad ugu geysan karto qalbi aanad dareemey saameyntiisa laakinse isagu ku huri-waayey kaana go’yi waayey, waana xaalad adag in aad xalisa. Bal kawaran qof aad beryo wax wada abuurteen ma hilmaami lahayd shaqsiyadiisa iyo dareenkiisaba adigoo anay jirin waxaad kaga go’daaba.

Waxaan wada abuurnay dareen aan ka mideysanahay aas-aasna aan ugu dhignay dacaadnimo ay ku lamaan tahay qalbiyo saafiya, go’aan xadhig adag oo ku salaysan mawqif mideysan, iyo jacayl gundhigiisu ahaa rumeynta ka midho dhalinta dareenkayaga…..>

Laakinse ma kula tahay inaad niyadaada aad ilowsiin karto dareen kugu dheer oo runtii ku bariidsaday waaxyahaaga laakinse nasiibku kaa hiishay, waxaan filayaa inay jawaabtu tahay mid ku cad indhaha da’yar badan oo ku nool arladan aanu ku nool nahay dareensana waxay tebayaan iyo wax ka maqanba. Waxaaan ideylkeenba aan dareensanahay in uu jacaylku yahay wax ku abuuran nolosha aadamaha taaso loogu tallo-galay in lagu mideeyo nolol raaxo iyo raali ahaanshu ku dhisan taasina anay ahayn dhalin yaroy mid lagu abuuri karro si dhib-yar ay u baahan tahay samir, dulqaad iyo dacadnimo Kaata shaqsiyaadkaaga si aad wax u kasban karto. Waa marxalad weji gabax ku noqotay dhalin badan inay qalbiyadooda ka tir-tiraan dareen ku sidkan nafahooda, sida ku cad weedhahan;

Waxaan habeen iyo maalinba ku taami jiray in aan mar uun helo farxada ay ku nool yihiin da’yarta filkayga ah, waxaan ahaa qof mar kasta keligii la nool tiraanyo iyo warwar ka mid ahaatay naftaydii waayo may jirrin meel aan ka soo celiyo niyadayda kolba hadii ay raacday ruux kale……..>

Waa mar xalad adag in naftaada aad u hurtaa naf kale, mana fududa inaad hurto qof kugu lamaan, mana aha inaad ahaato qof u dayacan waxkasta waayo ma haboona in aad hawadaada raacdo adigoo isbidaya karaankaaga waxa laga yabaa inaad ku dhacdo surmooyin cidhiidha ah oo aan naf, naafac iyo naruuraba aan lahayn.  Waxaa inbadan layaab kugu noqotay in aad aragto da’yar aanay jirin wax isku haya oo aan ahayn jacayl, waa layaab in aad maqasho qof naftiisiiba u huray dareen dartii. Hadaba maxay tahay sababta ugu wacan dhalintan dhibaatadan iyo waxyeeladan nafahoodii wiiqday, waxaan su’aashan u bandhigay shaqsiyaad aan u arkay inuu waayo-arag u yahay dareenkan waxaanu jawaabta u dhigay sidan;

Waxa dhibatadan ugu wacan dhawr arrimood oo aanay go’aan buuxa laga gaadhi Karin marka loo eego dareen ahaan lakinse ay yarta tahay sida loo goyo go’aankan waayo waxa jira caqabado xidhaya in lamaanaha isjeceli ay gaadhaan go’aano ay ku xakamaynayaan naftooda kuwaas oo ay kamid yihiin;

  • In lamaanaha is jeceli ay yihiin kuwo jacaylkoodu dheeli yahay oo mid uun ku eeg yahay, taasina ya keeni karto in waaxda kale ay sameyso waxkasata oo ay ku kasban karto dhinacan ka maqan taaso ay xadidayso rabitaankiisu.
  • In lamaanaha is jecel midkood u yahay mid ujeedo gaar ah wada oo uu ku fushanayo danihiisa gaarka ah, isagoo aanay jirin wax raja ah oo uu ka qabo garabkiisan ku lamaan, taasina ay abuuri karto dhibaatooyin hor leh oo dhawaac u geysan kara qalbi aan qaadi karayn.
  • In lamaanuhu ay yihiin kuwo aan isku kalsoonayn oo midba mid kale u arko in aanay jirin wax dareen ah oo ugu jira, taasina ay keeni karto khilaaf sahlan sida loo xaliyaa lakinse ay qalbiyada qaar ku hamiyaan inay siyaabo kale ama waddo kale xal ka raadiyaan.
  • In lamaanuhu noqdaan da’yar dabeecad ahaan is fahmin karayn oo mid kastaaba jecel yahay in dabeecadiisa lagula dhaqmo loona tix geliyo iyada oo aanay jirin wax tanaasul ahi, taasina ay dhib horseedi karto.
  • Waxa laga yabaa in lamaanaha mid kood uu noqdo mid waalidkii u huri waayey dareenkiisu qofkuu raacay taasina dhibteeda leedahay.
  • Qodobka soo raaca ayaan waxaan filayaa inuu yahay in da’yarta qaar ay yihiin kuwo jacaylkooda ama garabkooda ku qasba in loo yeelo wax kasta oo ay rabaan taasina ay tahay mid ku salayasan caddifado aan is dhaamin.

Waa hubaal in ay dhibaaatadani ay tahay mid haysata da’yar badan oo maanta la itaal daran dareenkoodan ku habsaday qalbiyadoodii iyo cidladay joogaan, sida ku cad weedhan;

Waxaan qof aan jeclaa kaga baaday si dhibyar, waxaan ku waayey il libiqsigeed, waxaan ahay qof la keliyeystay dareen aanay cidi u ogeyn taaso aan u arkay in ay ugu wacan tahay niyadayada aan ku hibeeyey dhib yarida……>

Waa hubaal in dhacdo kasta oo ku soo martay ay tahay mid aad ugaga faa’iidaysan karto siyaabo kala duwan, mana aha in jidkasta oo aad ku hungowdaa mid aad ku khasaartay qaadidiisa ee waa waddo aad ogaatay in aanay suuro-gal ahayn in lagu abuuri karo jacayl ama nolol ku dhisan dareen abuuri kara nolol lagu reeyo.

Hadaba maxaa keena in aad qof huri weydo ama aad ka qanci weydo adigoo og in waqtigu idin kale geeyey derbina kaaga gudban yahay waxa loo nisbeynayaa inay tahay dhawr arrimood oo kala ah;

  • In qofkan aad u aragtay inuu yahay qof keliya ee noloshaada maareyn kara lana qaybsan karto.
  • In qofkani kula noqday mid ku weyn niyadaada kana maarmina Karin adoo eegaya heerka uu kaatagn yahay.
  • In qofkani kula noqday qof aad sinaba ugu go’I karayan sababo awgood sida inuu yahay qof dhaqan leh, dadnimo leh, dabeecad sana alle u dhaliyey.
  • In dareenka kugu hayaa yahay mid xajmigiisu kugu sal-weyn yahay taasina ay kugu kelifi karto in aad huri weydo
  • Iyo in qofkani yahay mid abaal ku leh naftaada isla mar ahaantana aanay jirin meel aad ugu leexataa si aad u guddo abaalkiisii iyo qaar kaloo badan.

Iyo qodobo kale oo badan kuguna sidki Kara naf kale oo aanad sinaba uga foogaan kareyn, sida uu ku eray dhabanayo da’yar kamid ah dhalinta uu dareenkani raadeyey ee ah;

Way igu adkaatay ridwaan in aan noloshayda ku qanciyo sidii aan ugu fogaan lahaa qoftay niyadaydu raacday ee ilaa hada la niyada xumahay kala foogaan tayada ku habsatay dareenkayagii muddada dheer aloosnaa. Waanay adag tahay sidaad uga go’daa qof niyadada anfac u lahaa ay ku tamariso, raadeyna kugu yeeshay isagoo ku gashaday kalsooni laakinse waqtigu idin kala geeyey……>

Jacaylku waa dareen jiraalkiisu yahay hadba dhinaca laga eego iyo raadeynta oo kugu leeyahay, waan mid la ogsoon yahay inay daawadiisu tahay halkay niyadu raacday, waa fikir aan qabo laga yabaa inaad iiga waayo-aragsan tahay. Si kasta oo ay ahaataba Jaceylka waxaa lagu tilmaami kara inuu yahay Dowlad jirta oo leh awood iyo calan, taas oo ka duwan dowladaha kale ee dunida kajira shaqo ahaan iyo nidaam ahaanba, Waxaana wasaaradihiisa ka hawl gala ah qalbiyo daacada oo si xilkasnimo leh ugudan kara hawshii loo ikmaday,

Waxa mahad gaar ah muddan dhamaan shabakaha ii ogolaaday in aan markasta baahiyo fikirkayga iyo sidaan wax u arko anigoo ka duulaya dhacdooyin xaqiiqiya iyo fikir bilaa turxaan ah.

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Email: ridwaan_99@hotmail.com