Huqda Maanta iyo Hankii Shalay habeenaa u dhaxeeyey! – W/Q: Siciid M. Axmed

(Xigashada mid ka mid ah Xogaha Xasuus qorkayga ku xardhan)

[M]aya oo waa hubaal in aanan ku odhan karin waxaan usoo joogey waayo badan oo ma soo jirin cimri aan kaga awaal waramo sannado fara badan oo dib u taxan ilaa lixdameeyadii iyo waagii waayuhu sidan ka gadisnaa. Waxaanse isleeyahay haddii aad bawsato taxanihii taariikheed ee umaddani soo martey, isla markaana aad si taxadir leh u barbar dhigto waayahaas hore iyo marxaladaha dhaqan-dhaqaale ee haatan lagu sugan yahay waxaad tibaaxi kartaa faraqa u dhaxeeya tagtadii  lasoo dhaafay iyo joogtada  maanta lagu sugan yahay taasoo haddii lasii raacdeeyana laga milicsan karo timaadada soo socota.

Akhriste waxba yaanan hadal kugu daaline ka hor inta aanan u gundo-dagin inaan saafo dulucda aan holaday maanta inaan gudbiyo waxaan xusi lahaa in qormadaydani ay xigan doonto xog ku xardhan xasuus-qor aan damacsanahay inaan la mideeyo xog-dhigaalka asxaab aanu wakhti iyo waayaba wadaagney si aanu mustaqbalka dhaw u daabacno buug ku biiri doona qoraalada qalinleyda dalkeena.

Waa xaqiiq iyo xog xiiso leh in umaddani lahayd taariikh ka marag kacaysa inay ahaayeen mulkiileyaal lahaa hanti aan maanta la hayn; macnaha noloshu mood iyo nool ka gudo weyne, waxay ahaayeen kuwo han weyni, hal adkaan iyo hibooyin lagu soo hirto lahaa, waxay ahaayeen dad hayntooda ku hayaama, faqooda iyo fagaarahoodana aan faraq u dhaxayn, haba ku haligmaane horay ka tiraabi jireen waxay uurka ku hayaan. Taasaa sababtay inaad ku aragto suugaanteena hawraar la isugu hirdiyayo beelo beelo halka maanta makarafoonada xafladuhu tabiyaan weedho aan waydi ka muuqan, mafrashyaduna (ama meelaha kale ee lagu faqo) la ciirciirayaan xan, xag-xagasho, xaqiraad iyo xasaradayn. Yaa maanta awooda inuu dhayda ka cadeeyo badheedhihiisa oo daahsiibo malaha uurkiisa jiifa? Calashaan waxaan uga socdaa ma awoodaa ninka mashrafka jufadiisa, jilibkiisa ama reerkiisa ka cambaareynaya reeraha kale intuu kaba badheedho kaga dhawaaqo fagaare ama fadhi lagu dhan yahay? Waxaan filayaa jawaabta suáashani inay tahay cid awoodaa maanta taas ma jirto ama way adag tahay, yaanan fogaanbee akhriste haddaan suáal kale daba dhigo taas hore oon adigaba ku waydiiyo, sababtu maxay tahay? Calashaan maxaa adkaynaya in fagaare lagu cadeeyo waxa qofku qabo ee uu ku faqo? Haddii aad odhanayso sababtu waxaa weeyi dadkaa ilbaxay oo casrigan waa hab-dhaqan dayro ah inaad ku muusanawdo deel-qaaf adigoo fagaare jooga! Anoon kugu diidanayn in hadalkuba cawro yahay mararka qaarkii, ayaanan haddana kugu raacsanayn sababayntaas! Ma aha ilbaxnimo in runtu waydawdo, arag darayso oo iridaha laga soo xidho, loona gacan haadiyo been, lana buunbuuniyo hab-dhaqanka dabaal-joogteynta ah. Xaasha’e waa arrin tuur leh in loogu wan qalo hab-dhaqanada iyo hab-fikirada aan toolmooneyn magacyo aanay gayin loona huwiyo magacyo iyo astaamo aanay u qalmin ooney goynayn.

Dhaqanka boqol midableynta ah oo baryahan dambe lagu maamuuso magacyo u baahan in qeexidooda loo kitaab furo ayaaba noqday mid lagu kasbado sharaf iyo karaamo halkii ay ahayd in lagu sunto hab-dhaqan liita oo baal-marsan nolosha toosan iyo macaamilka toolmoon. Waxaan uga socdaa, waxaa isku khaldamay sifooyinkii dayrada dhaqankeena ka ahaan jirey iyo kuwii la mahadin jirey ee qofkii la yimaadaa dadka kaga tilmaanaan jirey asaagiina kaga mudhi jirey. Waa halka aan maanta u socdee waxaan kala cadayn geesinimada iyo fuleynimada, deeqsinimada iyo bakhaylnimada, hal-adayga iyo macankagnimada, degenaanta iyo dabaal-joogteynta, hadal-cadaanta iyo deelqaafka.

Tusaale kooban, waxaa laga yaabaa in sifo dabaal-joogteyn, mad-madaw iyo gabasho fara badani ka muuqato lagu tilmaamo degenaan iyo diblomaasiyad wacan!

Haddaba, akhriste, aan ku koobo qalinka falanqaynta sifo ka mid ah kuwa waayahan dambe dadka dhexdooda sida weyn ugu faaftey isla markaana noqotey hanaan loo noolaado oo loo kifaaxo. Astaamahaas hadda aynu soo taxney ee baryo  ahaan jirey wax laga xaragoodo ayaa loogu yeedhaa magacyo kala duwan sida “Faji”. Kelmada Faji waa eray dhowaan soo bax ah oo aan hore loo isticmaali jirin oo aan odhan karo ma jirto baahi looga fursan waayay isticmaalkeeda ama kelmad luuqad kale ah oo laga soo miin-guuriyey. Sidaas daraadeed waxaan isleeyahay uun waa kelmad qalaad oo ay ku  labahan yihiin hab-dhaqan iyo hab-fikir aan ku amaanayn dhaqankii iyo hidihii ay umaddeenu lahayd gaar ahaan wakhtigii la isku filnaa een lala dariska noqon duruufaha qalaad[1]. Akhriste, maadaama oo aanan u hayn kelmadan aftirsiin taxan oo ku dabo-leh xus sugan oo taariikhdu diiwaan-galisey ama ay sugtey suugaanteena hodanka ahi waxaan kaliya darsayaa kelmadaha kale ee lala isticmaalo marka la dibaaqayo macnaha kelmadan—Faji xambaarsan tahay.

Waxaad maqlaysaa hebel waa tii Faji loo laaqay ama loo xidhey. Laaqistu waa kelmad dibaaqaysa walaaq ama is-dhex galin laba walaxood oon isku jaad ahayn, waxaana laga wadaa marka sidan oo kale loo dhigayo sun loo qariyey qof ama ruux bani-aadam ah iyadoo dulucdu tahay in loo geysto dhib aan si sahlan looga soo waaqsan karin. Halkaas waxaynu ka arkaynaa in khiyaamo iyo hagar-daamo ku jirto weedha ah waxaa hebel loo laaqay Faji—waa mar’e waxaa meesha ku jirta muusayn iyo jar uga talaabsi. Dhinaca kale, weedha ah hebel Faji-baan u xidhey—waxay aniga iila macno tahay waxaa loo maleegey muáamarad (hagardaamo) lagu dhib muteysan karo.  Hab-dhaqanka ku lamaan kelmadan “Faji” waa mid bulshaddu aanay waayihii hore lahaan jirin balse kolay ay ka dhaxashay marxaladihii taariikheed iyo duruufihii lasoo marey. Waa cudur-daar caqli gal ah in marxaladaha nolosha la maraa ay ka tagaan raadad ku milma hab-dhaqanka iyo hab-fikirka guud ee bulsho meel ku nool. Inta aanan jaleecin dhibaatada kelmadan iyo sida khaldan ee loo fahmay ama xalba haatan  loogu heli karo, waxaan in yar ku hakanayaa dhibaatada haysata ruuxa kelmadan iyo falsafadeedaba ka dhigta qayb noloshiisa ka mid ah. Ama marka qofka bani-aadamka ahi ku dhaqmo falsafad iyo hanaan baalmarsan jidka toosan iyo nolosha toolmoon. Sideedaba, waxaa jira daraasado iyo doodo badan oo biyo-dhacoodu yahay in asal ahaan qofku bani-aadamka ahi dunnidan dusheeda ku galadan yahay.

 Sidaas daraadeedna, fal kasta oo ku lid ah xaqu wuxuu raad taban kaga tagaa damiirka qofka, waxaana uu culays iyo kadeed badaa qofka hab-dhaqanadaas guracan qabatimey. Arrintani waxay dagaal joogto ah iyo dirir duug-xun-ka-tag ah ka dhex oogaa qofka iyo damiirkiisa. Dhaqankan kakan ee maanta aan qormaydan ku dayrinayaa (Fajida) waxa uu ku qasbaa inuu qofku cuskado cannaad iyo jar-iska-xoornimo. Haddaad waligaa qof tusaalaynayso oo aad wacdinayso waa inaad ogaataa xaqiiqada ah in qof kasta oo aynu u naqaano inuu xun yahay aanu dhab ahaan wada xumayn. Taas macnaheedu waxaa uu daaran yahay in qofka xumi uu laba garab u kala qaybsan yahay –aan kaftamee waxaa uu qofkan xumi u qaybsan yahay laba garab oo is-khilaafsan oo madaxa isku martey sida xisbiyada aynu maqalno waxay u kala jabeen laba dhanbal oo kala aragti ah isla markaana hirdamaya si midkooda roonaadaa reerka u hadho. Qof kasta oo xumi haddaba waxaa uu ka kooban yahay laba waaxood, waxaana roonaaday oo reerka u hadhay waaxdii xumayd taasoo qofnimadiisii (hab-dhaqankiisa iyo hab-fikirkiisaba) hadhaysay oo isku shareertey.

Akhriste, haddii aad igu raacday dagaalkaas ka dhex oogan qofka Fajiistaha ah iyo damiirkiisa, waxaanad iyana igu diideyn in Dagaalkii iyo Dirirtii dhacaba cid uun wax ku noqoto oo lagu qudh iyo xoolaba beelo. Haddii, dagaalada lagu yaqaano inay barakacayaal, dhaawac , dhimasho iyo hanta-burburba ay ka tagaan, dirirtan qofka iyo damiirkiisa ka dhex oogmaa waxaa mar kasta dhibane ah oo dhibaato soo gaadhaa qiyamka? Waxaa looma hiiliye noqda damiirka oo ciidan iyo ciirsiba waaya; waxaa hagaasa oo hoos u noqota qofnimada ruuxa; waxaa lunta rajada, kalsoonida iyo niyad-samaanta sahayda u ah qof kasta oo duruuf qalafsan dhex-mushaaxaya.

Haddii haddaba hab-dhaqanada iyo hab-fikirada Fajida ku salaysani ka tagaan masiibooyinkaas aynu taxney ee taxliiliney, aan jaleeco fikrada ay qabaan in ka mid ah barbaarta aanu sheeko-wadaagta leenahay.

Fuad Axmed Nuux oo ka mid ah dhallinyaradda aan arrinta Fajida wax ka weydiiyey ayaa iigu jawaabey “fajidu waa xanuun. Waa aalad qofka tahli waaya inuu si kale ku kifaaxo dadkana mug iyo miisaan ugu dhex yeeshaa uu addeegsado si uu u qumisto danihiisa gaar ka ah, waxaana laga bartaa ururada, NGO-da iyo xisbiyada. Waa liitaa-addeegsade!”. Kuma diidani oo waxaa uu tiraabay siday sifadani u liidato. Waxaa kale oo uu tibaaxay meelaha ay ku badan tahay ee laga addeegsado. Labadaas qoddob ee uu Fuaad is-daba dhigeyba waan ku raacsanahay. Bal aynu eegno, isna Maxamed Ducaale (M. Ilkacase) oo isna ah shakhsi kale oo aan sheekada arrintan la wadaagay, waxaa uu cambaarayn huwiyey hab-dhaqan iyo hab-fikir kasta oo ku salaysan aafada dhowaan soo baxa ah ee Fajida. Maxamed waxaa uu yidhi “waa dhaqan xaasidnimo ah oo aragti gaaban ku salaysan. Qofka dhaqankaas laasimaana duug ma reebo, noloshiisuna waxaan macno lahayn uunbay ku dhammaataa” sii waday hadalkii, kuye, “Qofka dhaqankan qabatimaa runtii waa qof dhiban oo dunnida ku kadeedan, kana habawsan himiladii uu u uunaa!” Bal isna aynu jaleecno jawaabta saaxiibkey, Xamse Cabdiraxmaan Kheyre; “Fajidu waa dhowaan-soo-bax. Waxaa uu dhaqankani ku dabo-leeyahay af-siyaasadeed guracan. Dhaqankani waxaa uu xalaalaynayaa addeegsiga khiyaamada si loo gaadho danaha kooban ee shakhsiga ah. Haddii aynu maqalno in dhirta aynu waayahan dambe aragnaa u badan tahay Garan-waa iyo Kalidii Noole, ayay dadkuna u kala baxeen Kalidii Noole iyo Garan-waa. Faji haddaba waa dhaqanka Kalidii noolaha iyo agab uu addeegsado qof xiqdi iyo xasadba asiibeen. Fajidu waxay lid ku tahay xadiiskii Nabigu (NNKH) ku sheegey in muslinka dhabta ahi walaalkii la jecel yahay waxa uu naftiisa la jecel yahay. Haddii Fajida la qeexo isla markaana la dabo-dhigo xadiiskaas waxaa inoo soo baxaysa weedh silan-sugan ah oon ka tarjumeyn dardaarankaas qaaliga ah ee Rasuulkeena (NNKH) sidaas daraadeedbay bahashani (Fajidu) tahay xaaraan iyo wax aan la ogolayn!” Xamse isagoo sii wada doodiisii aan la dhaygagay ee isoo jiidatey waxa uu yidhi “haddii Fajidu tahay kelmad dhalad ah oo Af-soomaaliga aftiin ku leh, Abwaan Salaan Carabey markii uu dayrinayay daacadnimo darada muu yidhaahdeen: Baadida ninbaa kula daydayi, daalna kaa badine, oon doonahayn inaad hesho, daayin abidkaaye, dadkuna moodayaa duul wada dhashoo wax-u-dahsoonayne, dilo ma leh aakhiro, haddii loo kitaab dayee. Ninkan abwaanku sheegayaa waa qof Fajiiste ah. Haddaba, haddii abwaanadu ku caan yihiin inay san-gaabta kasoo qabtaan waxay rabaan inay cabiraan oo meel erey u baahani aanay soddon ka qaadan, waxaa uu odhan lahaa Fajiiste, balse waagaas dhaqankani muu u tirsanayn hidaha Soomaalida. Sidaas daraadeed, haddii shalay maanta ahaan lahayd, abwaanku malaha Faji ayuu odhan lahaa!”… Afkiina caano lagu qabay, saddexdaas shakhsi waxay daah-fureen nabarka mililka iyo malaxda leh ee ku qarsoon Fajida iyo wax kasta oo la xidhiidha.

Fajidu waa falsafad jaan; waa marin-habaw iyo fikrad wayd ah; waa looma aayaan iyo laguma reeyaan; waa xanuun aan laga garaabi karin oo Illaahay (SWT) ina badin balse shaydaan ka taliyo kuna turqo qalbiga qofka; maaha dabiib wadaad iyo dawo dhakhtar ku taliyey; waase jahawareer; waa wax aan gayin inay degto oo degel ka oodato garaadka iyo garashada inta caqligu u yahay iftiin ay ku hayaamaan oo ku kala haadiyaan wax kasta oo ay la kulmaan; waa aafo aynaan dhaqan u lahaan jirin balse dhowaanahan dhex-quustey bulshadeena; waa duruufi keentey iyo geeri soortey; waxay hanaqaaday markii uu hankii geeriyooday labadii galabood ee aynu halaynay gobonimadii iyo dhaxalkii murtiyeed ee dadkeena.

Waxaan ugu dambeyn xal u arkaa inaynu bulsho ahaan qirano jiritaanka xanuuno lama eegtaan ah oo asiibay bulshadeena dhaqan ee reer Somaliland. Qirashada mushkiladu waa furaha xalka. Garawshiyaha ka dib, waxaa inala gudboon inaynu bulsho ahaan isweydiino sidaynu uga gudbi karno aafooyinka hab-dhaqan iyo hab-fikir. Waxaa iyana su’aal shilis oo jawaab waafiya gayda ah sida ugu haboon ee aynu maankeena iyo maskaxdeenaba uga saari karno hab-dhaqanka iyo hab-fikirka ku salaysan Fajida. Abwaan Gaarriyaa waa hore sida fiinta or ku dhuftayoo ka digay dhibaatooyinka dhaqanada dhowaan-soo-baxa ah ee Fajida oo kale ah. Wuxuu yidhi “Dal waxaan ku noolahay, runtii arag daraysoo, daadihi la yidhi been, Dusduska iyo khiyaamadu haddii dunnida kale ceebtahay, noo dabeecad weeyaan.”…(Abwaan Gaarriye, 1997).

 W/Q: Siciid M. Axmed