“Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii badsado (Barashooda)”

Hargeysa (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo muddo shan bilood ah dalka ka maqnaa ka dib markii uu hore Somaliland u yimid bishii July ee sanadkan sii galbanaya , ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo lix bilood ka hor ka noqday Mabda’ii Soomaali-weyn ee uu hore u aaminsanaa, ayaa qolka Nashada ee Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay goor dhaweyd saxaafadda uga waramay waxyaabaha uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu maqnaa, maadaama oo uu hadda yahay muwaadin aaminsan gooni isu-taaga iyo Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii shanka bilood ahayd ee uu maqnaa uu ku dedaalay inuu beesha caalamka gaadhsiiyo xaqiiqada Somaliland iyo waxa ay kaga duwan tahay Soomaaliya.

Samater-11Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ugu horeyn u mahad-celinaya masuuliyiintii soo dhaweeyay oo uu ka mid ahaa Wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland, ayaa yidhi “Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxda Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee na soo dhaweeyay, waxaanan salaamayaa dadka reer Somaliland, waxaanan leeyahay waynu is arki doonaa oo waynu is wareysan doonaa, Madaxda dalkana inaanu is wareysano oo isfahamkeenu sii gun-dheeraado ayaan rejaynayaa”

Prof. Samater, oo la waydiiyay waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu ku maqnaa dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa ku jawaabay “Waddan dhan horusocodkiisu waa dadka oo dhan, qof ama laba wax ay tari karaan way iska yar tahay, laakiin shantii bilood ee aan idinka maqnaa annigu waan dedaalay oo dhul badan ayaa ka hadlay, Telefiishanada Maraykanka waan ka hadlay, Madaxda Maraykanka qaarkood waan la hadlay oo arrinta Somaliland-baan ka hadlay, siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale ayaan ka hadlay, waxay qabsadeen dadka Jamhuuriyaddan ku nooli, oo ay ugu yar tahay dadkii qoxootiga u baxay markii Hargeysa iyo Burco ay garaacayeen ciidamadii dawladdii (Siyaad Barre) ee ka baxsaday cadaawaddii halkan ka taagnayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib u dejin dalkoodii loogu sameeyay, taasi weli kamay dhicin Koonfurta Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer Somaliland, ama taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan isku dayey inaan adduunyada gaadhsiiyo, wax badana aan ka qoro, in badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday inaad safiir bilaash u noqdo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal uu Waydiiyey Wariye ka tirsan Bahda Somalilandtoday.com, oo ahayd inuu diyaar u yahay inuu qabto haddii Madaxwaynuhu xil u Magacaabo “Su’aashaa Madaxwaynaha ayaad weydiinaysaa.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo sidoo kale, la waydiiyay inuu hunguri kaga jiro inuu galo siyaasadda Somaliland, ayaa ku jawaabay sidan “Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii badsado (Barashooda),”ayuu yidhi.