HUNGAWGA HAYAANKA DHALLINTA!

Aadamaha iyo imaatinkiisii Arlada waxay ahaayeen marti dhaqdhaqaaqa ama socdaalk la lamaanaa noloshoodii bilawga ahayad, si ay u raadsaddaan meelku haboon in ay dagaano leh ashyaada aas aasiga u ah sii jiritaankooda. Socdaalkaasina waxa sal u ahaa helitaanka fursado nololeed oo haboon lehna haddimooyin aan la dhaadin, inta ay isha u bildhaamaysa, sidaa daraadeed waxa la odhan karaa socdaaku waa shaac ka qaadida ugu waynayd ee Aadamuhu ku sameeyeen arlada .Waxaana marka dib loo raad guro qaab nololeedkii u horeeyay iyo kii dhexe iyo nolosha haatan dadku ku jireen waligood ficilo lagu baadhayo dhulka si uu u gaadho horu kac nololeed oo ka gadisan waayahay nololeed

Aqoon badan oo maanta aynu hayno waa maxsuulkii laga ururiyay Socdaaadaasi aadamaha ee dunid ku jihaysnaa, waxaana ummaduhu u kala awood badan yihiin sida ay u kala waawayn yihiin xarumahooda cilmi baadhiseed

Kulankii nabi aadam Calayhi Salaam iyo hooyadeen Xaawa oo nolosha ka bilaabay dunidan oo dihin ilaa maanta aanay wali laga dhaansanaayo khasnadaheeda kala duwan ee Allaah dhex dhigay oo kol kala duwan Allaah dhex dhigay oo kolba jiilkasta uu ufuro aqoon la gado ah oo ay u isticamaalaan shaac ka qaadista waxa ku duugan. Waxaanay ku doodaan aqoon yahanada Muslimiintu ahna sida dhabta ah in Aqoonta dhamaanteed uu sal u ahaa Aabaheen Nabi Aadam CSM,

Wax wakhtiyaddii dhexe isku duba dhacay soo raynta nolsha qaybaheeda kala duwan, sidaa daraadeed marna muu hakan hayaanka socdaaal ee Aadamuhu ilaa uu soo gaadhay qarniyo dhawaa oo marab shay uguba daaha laga faydayay, daah kafaydidaasi marna isku ujeedooyink may ahayn waxaynua u qaysanaayeen doonis manfac aduunyo iyo manfac aakhiro, haddan si kale u nidhaahdana ka amar qaadashada Allaah iyo raaligalintiisa ayna ku lamaanayd fidinta diinta Islaamka si loogu guulaysto guusha waynt ee Raali ahaanshaha Allaah iyo Janadiisa loona raad raaco dariiqii dadkii horumarka aduunyo iyo ta aakhiraba sacabada ka buuxsaday ee ay hormoodka u ahaayeen Rusushii CSM.

Haddaan yar dul istaagno socdaaladii Anbiyada oo uu mudho ka badan 950 sanadood uu Nabi Nuux ummadiisa ugu baaqayay raacida dariiqa toosan si aadamaha looga badbaadiyo in uu ku hoobto Naar iyo cadhada Rabi, waxaa sii raacday socdaalkii Nabi Muuse uu kaga baxsaday Fircoon iyo maddaxyawayntii sharka ku heshiiyay iyo daminta nuurka Rabi iyo baxsadkii in uu ku gaadhay adoon adoomihiisa kamida halkaasi oo uu muddo ku nagaaday, kadib muddo tobban sano ah waxa uu ka dhaqaayay xaaskiisii iyo caruurtiisii si isaqoo u aqbalay in uu ka xorroobo baahi banu aadam helana oori xalaala iyo ubad uu xoogiisa dhaafsaday halkii uu gacanta hoorsanlahaa balse waxaasoo dhami waxa ay is baddaleen markii Ammarka Allaah SWT yimid si uu u qaado shucllada ama dhambaalka Allaah (swt) ummadana gaadhsiiyo gaar ahaan ninkii aadka u kibray ee Fircoon taasi oo iyana taariikhdeedu ku si cajiiba oo faahfaahsan ugu suntantahay Quraanka Kariimka ah, way badnaayeen socdaaladaasi Diimeed balse hadaan intaasi ku kaaftoono oo aan tooshka ku shidno Socdaalkii ug waynaa taariikhda aadamaha hore iyo dib uguna caansanaa saamayntiisuna dunida oo dhan nuur dhexdhigtay iyo in nolol fiican lagu wadda noolaado si nabad iyo xasilooniya, waxana xusid mudan in ilaa maanttadaa aynu noolnahay uu Quraanka Allaah tallaabo tallaabo warkiisa ku faahfaahiyay diin la baxsigaa caalamiga ahaa.

Hijradii ama socdaalkani waxa uu kamid ahaa ficilada ugu ajarka culus ee wakhtigaa iyo hadda ee qof sameeyo taasina oo amaanta ugu wayn ee qof loogu yeedho ahayd in uu haajiray (Muhaajir) ama socdaalay maggacaasina quraanka dhexdiisa ku caanbaxay dhinaca kale halka Asxaabtii kale ee Madiina ku soo dhaweeyay la odhan jiray Ansaar (ugargaarayaashii) halka cida ka baaqata ama aan socdaalkaa uu amab bixin ee awooda ama aan haysan cudurdaar aad Quraanka loogu canaantay wakhtigaasi iyo haddaba.

Haddaan sawir yar ka bixino qofka Saxaabiga ahi qofka saxaabiga ahi waxa uu waajihi jiray khatar halisa oo kaga iman jirtay dhinaca kufaartii reer Quraysheed waxayna isku furan jireen wixii adduun ay haystaan maal iyo moodba, waxayna faro madhanaag u socdaali jireen dhinaca Rasuulka NNKH taasi oo wax kasta ugu qiimo baddnayd, Madiinana waxay iman jiray rag tujaar ahaa iyagoo sabool noqday. Waxa taa badalkeeda ku doorsadeen in ay diintooda la baxsadan hammigooda oo dhamina waxa uu ahaa badbaaddada diinta halku dhiguna waxa uu ahaa in waddamada gaalada laga haajiro  loona socdaalo dhul Islaam oo nabdoom diin ahaan.

Dhinaca kale marna may hakan raadinta iyo usocdaalida meelo fogfog si loo helo nonol cusub iyo in wax laga ogaado waxbadan oo dadka ka daahnaa, waxaana jiray ragbadan oo shaaca ka qaaday aqoon iyo goobo cusub oo ay hormood u haayeen aqoon yahano Muslimiina, raadkii iyo seeskii ay aqoonta u dhigeen uu noqday ilays la bil dhaansado ilaa maanta. Balse se waxa aqoontaasi ku dhacday fadhato aqooneed dunida ugu waynaynd lagu bililiqaystay culuumtii ay ikhtiraaceen iyo waxqabadkoodii, waxaana shaambada saartay ragga maanta sheegta hogaaminta aqoonta ee reer galbeedka waxayna ka faaiidaysteen hurdadii Muslimiinta iyo loolankii hoggaaminta ee ka dhexdhacay wakhtiyadii dambe, waxaana tusaale u ah in Cilmi Falaga ay soo saareen Culimo reer Dimishqi ah oo ay ku ilaalin jireen wakhtiyada Sallaadaha si aanay uqaldamin,

Lasoc qayta 2aad.

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

Ahmed Ali Kaahin

0025 2 63 4425881

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.