Hugo Chavez oo Markii Saddexaad ku guulaystay Madaxtinimada dalka Venezuela

CARACAS (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Venezuela, Hugo Chavez, ayaa guul wax ku-ool ah ka soo hooyay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaas oo ay ku tartamayeen Murashax Henrique Capriles, waxaanu muddo lix sanno ah hoggaanka u sii hayn doonaa waddanka Shidaalka Qaniga ku ah ee Laatin Ameerika ku yaala.

Guddida Doorashooyinka dalkaas ayaa shaaciyey in Chaves ku guulaystay 54% codadkii la tiriyey halka Caprile uu helay 45% codadkii la tiriyey. Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Dalka Venezeula Mrs Tibisay Lucena, ayaa sheegay 19 Milyan oo Codbixinta isku diiwaangeliyey ay 81% ka mid ah Goobaha codbixinta ka xaadireen.

Madaxweyne Chavez oo markii saddexaad ku guulaystay doorasho dalkaas ka dhacda muddo 14 sanno ah oo uu haystay, waxa ay guushiisani u saamaxaysaa inuu 20 sanno Hoggaamiyo waddanka ugu Shidaal-dhoofinta badan dalalka Qaaradda Latin Amerika.

Siyaasiga laga guulaystay ayaa madaxweyne Chavez u hanneeyey guusha doorashada, waxaanu taageerayaashii ugu baaqay inaanay dareemin guul-darro, balse ay fursadda sugayaan wakhti kale. “Midho badan ayaanu ku beernay Venezuela, midhahaasina waxa ay soo saari doonaan dhir badan oo la xadhsado,” ayuu Caprile taageerayaashiisa u sheegay.

Caprile oo 40 jir ah, guddoomiye gobolna ka soo noqday dalkaas, ayaa si weyn ula tartamaya Chavez ka dib markii ay isbahaysteen Xisbiyadii kale ee mucaaradka oo murashax u doortay.

SOMALILANDPOST.NET