Hubaal miyaa la Hilmaamay…..Miyaan Hiil la Hureyn!

DAAWO – Boobe Yuusuf Ducaale oo Midho-Sugaaneed Ku Maamuusay Xuska 22-guurada Madax-bannaanida Somaliland (18 May)“Wallee qalin-daraalaha,
Denbi Qaranka laga galay,
Kama qariyo wadhatada,
Wallee qoonta mililka leh,
Qarka sare ma dhay-dhayo,
Haddii ay qudh-gooyiyo,
Joogto qoorta soo dhigo,
Walle gabay ma qurux-tiro,
Shacbi qowdhamoo kacay,
Qar-qarsiga hadduu furo,
Wallee qoofal kuma xidho,
Hadba wiilka qooqane,
Maalintaasi qoodha ah,
Qushuuciisa ma akhriyo,
Ways kala qab-weynahay,
Qofna kabaha uma tiro,”
Qasab kuma balweyn karo, Gaarriye,
1978kii.
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –
cankaabo@hotmail.com,
www.dharaaro.com
Qormada: 1aad
Marka hore aanu hambalyada iyo
bogaadintaba ku darsanno Golaha
La-tashiga
iyo Toosinta ee lagu dhawaaqay.
Suurto-gal ma aha in la iska
aammusnaado.
Dhibaato ma jirto. Dimuqraadiyaddii
Madaxweynuhu sheegtay in uu af
iyo
addinba ugu soo halgamay oo
dhudhub cidhiidhiya gashay ayaa la
baadi-goobayaa. Berrina bannaan-
baxyadii uu ku baaqi jiray iyo dibad-
baxyo
nabadgelyo ku dhaca ayaa xiga. Waa
xaq ay dadku leeyihiin oo dhiig iyo
dheecaanba loo soo huray.
Deelleeydii, sow tii Cabdi Iidaan
Faarax ku yidhi:
“Digba waa digteedee,
Deelleeydu tiro ma leh,”
Sidaas ayaanay golayaashu tiro u
lahayn, waxaana xigi doona intaas
oo Madal
ah oo xuquuqda dadka iyo dalkaba
daafacda kol haddii Xukuumaddii,
Xeer-dejintii iyo Xisbiyadiiba is-
xambaar noqdeen. Ma maqli jirteen:
“Yaa
is-gaadhay buu yidhi.”.
Wargeyska Hubaal oo ka mid ah
foolaadka saxaafadda daabacan ee
Somaliland,
wuxu ku jiraa kuwa loogu akhriska
badan yahay ee gelin horeba ama
goor
horeba yar yarka iibiya aan
gacmahooda ku hadhin. Barqadaba
la is-lama soo
gaadho oo saambuuse laga addimay
ma ay ahayn ama maba ahaba sida
waraaqaha
qaarkood oo afka la iska mariyo.
Qaar baa u haysta in ay joogsatay,
weli se
waxa la sheegayaa in iyada oo aan
daabacnayn si joogto ah ilaa
maantadaa
aynu joogno loo helo oo looga
bogto. Ma laga yaabaa in Dul-yar
Dareen-nugul
Damqasho-dhow ay rumaysato oo
ay anigaygan wax idiin qorayana
isku kay
duubto
Hubaal waxyaabaha lagu nacay ee
ay xukuumaddu kula collowday
waxa ka mid ah
halkudhegyada foodda hore kaga
qoran ee marka aad iibsataba isha
ku
dhufanayso. Dad Islaam ah ayaynu
nahay e’, midigta aan ka soo
bilowno.
Xagga sare waxa kaga qoran:
“Runey lagu neceb,
Lagu rookee,
Layska kaa reeb,
Ristaad daaqdaba,
Lagu raad-goob,
Fule kaa roor,”
Heestan waxa kale oo ku jira oo nin
ogi laymanka dhexdooda ka
akhriyayaa:
“Ribo-doon iyo,
Ra’iis daallin ah,
Midna kuma rabo,”
Tuducan maansada ah ee aan
qoraalkaygan kooban ku
ballaysimay ee aan ka soo
qaatay ma-waabtihii geesiga ahaa
ee Maxamed Xaashi Dhamac
(Gaarriye), wuxu
ka mid yahay baadi-soocda
wargeyska Hubaal ee inta talada
dalka haysaa ku
xajiimooto, dantana moodday in ay
xidhaan, xabbisaan, xag-xagtaan,
mararka
qaarkoodna xabbad loola tago sida
laga soo weriyay looga-qaateenka
wararka
ay tebiyaan loo wan-qalo. Sow tii
hore loo yidhi:
“Warka looga-qaateen sidaa, loo
wan-qalayaaye,”
Marka aad bogga hore ee Hubaal
isha ku dhufato, dhinaca bidix waxa
ku qoran
tuduc laga soo qaatay “Qasab kuma
balweyn karo.”
Waa meelaha aan is-leeyahay waa
laga raacay Hubaal, maxaa yeelay
dadkii ku
soo gudbay kuna soo caano-maalay
saxaafaddii madaxa-bannaanayd
ayaa maanta
markii ay xukunkii dalka gacanta ku
dhigeen ay hoodh kala
qudhmuunaatay.
Waa ay ku xajiimoodaan wixii ay ku
raaxaysan jireen. Waa ay ku
cadanyoodaan
maqaalladii ay sida culayga isu
marin jireen. Waa ay ka haddaaran
hadalladii ay ku hadaaqi jireen.
Wareeg 360 ‘digree’ ah ayay
wareegeen.
Dadka qaarkii waxaabay leeyihiin
maanta xaalkoodu waa khalli-duur.
Halganow adna dabkaa ba’. Ma tan
ayaa kuu dambeysay oo aad la soo
dig iyo
ham lahayd. Nin soo-jireen ah oo
nolosha soo jitaabiyay oo bad iyo
berriba
ka soo cabbay, waa Xildhibaan
Bashiir Tukaale e’ ayaa laga hayaa:
“Tacab
ba’ay beer uun ma aha.”
Hoggaankuba mararka qaarkood
waa uu kaa
ba’aa…….Doorashadaa kaa
ba’da…..Ololaha ayaa kaa
ba’a…….Xisbigaa kaa
ba’a……Xeer-dejintaa kaa
ba’da…….Xaq-soorka iyo xeer-
ilaalintuba mar ayay
kaa ba’aan………Xeer-beegtida ayaa
kaa ba’da oo kaa xumaata haddii
xeer iyo
addinba ugu soo halgamay oo
dhudhub cidhiidhiya gashay ayaa la
baadi-goobayaa. Berrina bannaan-
baxyadii uu ku baaqi jiray iyo dibad-
baxyo
nabadgelyo ku dhaca ayaa xiga. Waa
xaq ay dadku leeyihiin oo dhiig iyo
dheecaanba loo soo huray.
Deelleeydii, sow tii Cabdi Iidaan
Faarax ku yidhi:
“Digba waa digteedee,
Deelleeydu tiro ma leh,”
Sidaas ayaanay golayaashu tiro u
lahayn, waxaana xigi doona intaas
oo Madal
ah oo xuquuqda dadka iyo dalkaba
daafacda kol haddii Xukuumaddii,
Xeer-dejintii iyo Xisbiyadiiba is-
xambaar noqdeen. Ma maqli jirteen:
“Yaa
is-gaadhay buu yidhi.”.
Wargeyska Hubaal oo ka mid ah
foolaadka saxaafadda daabacan ee
Somaliland,
wuxu ku jiraa kuwa loogu akhriska
badan yahay ee gelin horeba ama
goor
horeba yar yarka iibiya aan
gacmahooda ku hadhin. Barqadaba
la is-lama soo
gaadho oo saambuuse laga addimay
ma ay ahayn ama maba ahaba sida
waraaqaha
markii ay xukunkii dalka gacanta ku
dhigeen ay hoodh kala
qudhmuunaatay.
Waa ay ku xajiimoodaan wixii ay ku
raaxaysan jireen. Waa ay ku
cadanyoodaan
maqaalladii ay sida culayga isu
marin jireen. Waa ay ka haddaaran
hadalladii ay ku hadaaqi jireen.
Wareeg 360 ‘digree’ ah ayay
wareegeen.
Dadka qaarkii waxaabay leeyihiin
maanta xaalkoodu waa khalli-duur.
Halganow adna dabkaa ba’. Ma tan
ayaa kuu dambeysay oo aad la soo
dig iyo
ham lahayd. Nin soo-jireen ah oo
nolosha soo jitaabiyay oo bad iyo
berriba
ka soo cabbay, waa Xildhibaan
Bashiir Tukaale e’ ayaa laga hayaa:
“Tacab
ba’ay beer uun ma aha.”
Hoggaankuba mararka qaarkood
waa uu kaa
ba’aa…….Doorashadaa kaa
ba’da…..Ololaha ayaa kaa
ba’a…….Xisbigaa kaa
ba’a……Xeer-dejintaa kaa
ba’da…….Xaq-soorka iyo xeer-
ilaalintuba mar ayay
kaa ba’aan………Xeer-beegtida ayaa
kaa ba’da oo kaa xumaata haddii
xeer iyo
xaagaanba laga guuro….Waa tacab-
khasaarka taagan. Oo yaa u fadhiyay
maamul
la doortay oo aan qasab iyo
cabbudhin midna ku iman, ayaa
saxaafadda
Somaliland afka qaban doona.
Inta maan-gaabka ah ayaa u haysata
in Hubaal la xidhay iyo intii
qoraysay.
Warqaddii iyo khadkiiba hore ayaa
loo xidhay. Madbacaddii ayaa la
raaciyay.
3dii bishan Juulayna Guddoomiyihii
Wargeyska iyo tifaf-tirihii ayaa la
raaciyay. La-ye midna sannad ayaa
lagu xukumay midna laba
sannadood.
Ganaaxa lacageedna waa ay ka
siman yihiin oo waa min laba milyan
oo
Somaliland ah. Waxay intaa ku
darayeen goobtii Maxkamadda ayaa
laga qaaday
oo Xabsiga Dhexe ee Hargeysa ayaa
la geeyay.
Bal hadda aan daalacanno
saxaafadda madaxa-bannaan ee
Somaliland waxay
dhagartan ka tidhi. Waa Ururka
SOLJA, waxaanu baahiyay:
“Ururka suxufiyiinta Somaliland ee
SOLJA waxa uu cod dheer ku
canbaaraynayaa xukunka sharci-
darada ah ee ee maanta 7/3/13
cabbaaro 10:00
subaxnimo garsoore ka tirsan
maxkamada gobolka maroodi jeex
oo lagu
magacabo Cismaan Ibraahim Daahir
(Fanax) uu ku riday labada masuul
ee
wargayska madaxa banana ee
HUBAAL.
1. Maxamed Axmed Jaamac
(aloolay) oo ahaa mareeyaha
wargayska waxa
lagu xukumay hal sano oo xadhiga
iyo hal milyan SLSH.
2. Xasan Xusen C/lahi (keef keef)
oo ahaa tafatiriihii wargayska
HUBAAL waxa lagu xukumay laba
sano oo xadhiga iyo laba milayan
SLSH.
Waxa kale oo wax laga xumaado ah
in hore wargayska HUBAAL hore
weerar
hubaysan loogu soo qaaday 24-
April-2013 oo dhawacyo loogu
gaystay
masuuliyiinta HUBAAL oo gaar ahaan
dhawac kazoo gaadhay mareeyaha
wargayska
Mr. Caloolay iyadoon waxba laga
qaban oo ay xukumadu sheeg tay in
labadaa
nin ee weerar ka gaystay ahayeen in
ay labaduba POLICE ahaayeen.
(La soco………………………………….)