Hub Tiro Badan Oo Markab Shisheeye Ku Qabtay Xeebaha Somaliya

Somaliya(SLpost) Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Australia oo lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa qabtey ku dhawaad 2000 oo qoiri oo AK47 ah iyo hub kale oo loo wadey Soomaaliya. Ciidamada saaran Markabka HMAS Darwin ayaa doonta hubka wadey ku istaajiyey meel 300km u jirta xeebta dalka Cumaan, waxaana ay ka heleen ku dhawaad 2000 oo qori oo AK47 ah, 49 Qori oo ah Hubka culus ah iyo Gantaalada garbaha laga tuuro oo gaaraya 100.
War ka soo baxay ciidanka Australia ayaa lagu sheegay sababta hubkan loo qabtey ay tahay go’aankii Qaramada Midobey ee xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993.
Doonta la qabtey oo nooceedu ahaa mid kaluumeysi ayaa ku jeedey xeebaha Soomaaliya. Ma cadda goobta saxda ah ee hubkan cinwaankiisu ahaa.
Dhanka kale Ciidamada Australia kama aysan hadlin xiliga ay qabteen doontan, laa minsan yahay in ay ka timid dhanka dalka Yemen ama dalalka kale ee Bariga Dhexe ee nidaam daradu ka taagan tahay.
Xeebaha Soomaaliya waxaa weli ilaalo ka haya maraakiibta shisheeye tan iyo sanadkii 2010, kadib markii ay oggolaansho ka heleen Qaramada Midoobey, kadib markii Burcad-badeed ka dilaaceen xeebaha Soomaaliya.