Hoteellada Magaalada Hargeysa oo laga mamnuucay Shirarka iyo Xafladaha

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulka gobolka Maroodijeex, ayaa uga digay Mulkiilayaasha Hoteellada ku yaalla magaalada Hargeysa inay meheradahooda lagu qabto shirar aanay fasax uga haysan hay’adaha ay quseyso.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu sheegay inaan Huteellada Caasimadda Hargeysa lagu qaban karin Shirar aan fasax looga haysan.

Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed, ayaa Huteellada lagu faray inaan lagu qaban karin Shirar, marka laga reebo Meherrada iyo Aroosyada oo iyagana wakhtigooda la ilaalinayo.

Hoos Ka Akhriso Waraaqda ka soo baxday Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex