Horumarka gobalka Togdheer waa horumarka Somaliland

Guddida Togdheer Development Foundation UK, dhamaan waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada ka soo jeeda gobalka Togdheer ee ku dhaqan UK. waxay si weyn u soo dhaweenayaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud iyo waftiga uu hogaaminayo ee ku sugan Gobalka Togdheer.

Gudida TDF waxa ay marwalba u taagantahay sidii loo hore marin lahaa gobalka togdheer iyo dhamaan gobalada kalaba.

 Gudida TDF waxaay codsi heer gobal ah u gudbinayaan waftiga heer qaran ee ku sugan gobalka in ay hoos u eegaan baahiyaha ka jira gobalka, baahiyahaas oo u baahan in si dagdeg ah wax looga qabto siiba dhanka, waxbarashada, dhisooyinka hayadaha dooliga ah oo u baahan dib u dhis iyo qalabeyn.

Gudidu waxa ay soo dhaweynasaa heshiiskii ay wadagaleen shirkadaha shidaalka ka baadhaya Somaliland iyo xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud.

Gudida TDF oo ku hadlaysa afka gobalka todheer waxay ka codsanayaan xukuumada in ay gacan bir ah ku qabato cid alaale iyo ciddi isku dayda in ay carqaladeeyaan horumarka la higsanayo.

Sidoo kalana waxa ay gudidu ka codsanaysaa bulshada reer togdheer in ay ka fogaadaan wax kasta oo dib u dhac ku keenaya, si wada jir ahna u ilaashadaan horumarka iyo nabada gobalka.

Allaa mahad leh

Gudoomiyaha TDF

Saeed Hassan Sheekeeye

Website “togdheerdevelopmentfoundation.org”

Email Address: tdf@gmail.com