Horumarka Dalka Iyo Daymo La’aanta Dadka: Wasaaradda Waxbarashada – W/Q: C/raxmaan Muuse ~ Q.3aad

Cabdiraxmaan Muuse

1. Hordhac :

Cabdiraxmaan Muuse
Cabdiraxmaan Muuse

Waxa tan iyo markii lagu wareejiyay xilka xukuumadda tallada dalka haatan haysa socda dedaalo horumarineed oo lagu samaynayo dalka kaasi oo ay kamid yihiin: Dhisitaan wadooyinka waaweyn,Biriishyadda,waxbarashadda,deyrarka wasaaraddaha, Iyaduna  waxa guud ahaanba la kordhiyay mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, sidoo kale waxa la xadiday mushaharka, madaxweynaha, kuxigeenka, wasiiradda, agaasimeyaasha iyo weliba goleyaasha,qaranka.

Ujeedo:

Haddii an ka hadlo Ujeedada hadalkaygan oo ku saabsan qiimaynta wasaaradaha dalka iyo waxqabadkooda dhabta ah waxaan maanta oo ah maalintii Saddexaad  ee qoraalkayga ka hadli doonaa  wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare taasi oo qaran kani u qaabilsan masuuliyad aad ubaaladh oo kusaabsan horumarinta tayadda waxbarasho ee dalka haddii ay noqoto Dugsiyadda Sare iyo waliba jaamacadda hadaba waxa muuqata intii xukuumadda haatan taladda dalka haysaa ay jirtay in  wasaaradani samaysay waxqavbad la taaban karo intii uu wasiirka ka ahayd Marwo Samsam Cabdi Aadan taasi oo samaysay horumaro faro badan oo dhinacwalba leh haddii ay noqoto waxbarashadda Dadban ama (Voluntry Education) iyo waliba in bilaash laga dhigay dugsiyadda hoose dheexe (Enrollement Rate).Waxayna  taasi  aad iyo aad wax weyn ka bedeshay korodhkii Ardayda.

Sidoo kale waxay marwo Samsam Cabdi Aadan sii hergelisay Barnaamijkii Waxbarashadda loo dhan yahay(EFA), Iyo Heshiiskii lagu gaadhay Dalka Ghana ee MDG(Millennium Development Goals) kaas oo lagu heshiiyey in Sanadka soo socda ee 2015ka, qof kasta oo Duniddan ku nooli Waxna Qori karo Waxna akhriyi karo, Hadaba waxa  iyada oo  laga duulayo oo la hergelinayo Barnaamijyaddaa Wax qabadka , ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay Hogaaminayso Marwo Zamzam Cabdi Aadan iyada oo kaashanaysa Haayadaha  aan Dawliga ahayn ee xidhiidhka dhow la,leh wasaaradda sida (UNta, INGOs, LNGOs ka) ayaa ay ku talaabsatay in laga hirgeliyo dhammaan goboladda dalka Jasmhuuriyadda Soomaaliland.
Waxbarashadda loo dhan yahay waa maxay Ujeedadeedu?
1. Waa in aan qof ama ilmo xaq u leh in uu wax barto aan loo diidi Karin
2. In aan laga takloori Karin qof ama qolo
3. In wiil iyo gabadhba loo dhan yahay
4. In dhammaan wixii looga baahnaa waxbarashaddaasi ay dhan tahay
5. In loo siman yahay Adeegaasi iwm
Si kastaba ha ahaatee,halkan waxaan ku soo qaadaynaa Hawlaha Waxqabad ee ay wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare iyada ay kaashanaysa Hay’adda ADRA ee gargaarka ka hesha E.Uda oo kala hawl gasha Goboladda Barriga, ee Sool iyo Sanaag Intii laga hegeliyey Goboladdaasi iyada wada shaqeynta Hay’adda iyo Wasaaradda WAxbarashadda iyo Tacliinta Sare uu ka masuul yahay
Gudoomiyaha Waxbarashadda ee Gobolka(REOga), kaas oo had iyo jeer warbixinta u soo gudbiya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare
Waxqabadkii koobnaa Waxa ka mid ah:
1 6 Fasal oo Cusub oo la dhisay
2 52 fasal oo la habeeyey
3 9 musqulood oo la sameeyey
4 7 Xafiis oo la habeeyey iyo mid cusub oo la dhisay
5 5 Taangi biyood oo la dhisay
6 Sheekooyin yar yar oo loogu tallo gallay carruurtu in ay akhristaan oo la sameeyey oo ay qoreen qorayaasha wasaaraddu oo ku kooban grade 1- grade 4.

Talo-Bixin

1.Marwo Samsam Cabdi Aadan waad mahadsanatahy wasiir ilaahayna hawsha adage e aad udhabar adaygtay qabatayna hakugu garab galo sida horumarku ka muuqdo ee aad uwadana ilaahay ha kaa cawiyo.

2.Marwo Samsam waxa jira iskuullo(Schools) aan ku yaalin magaalo ama tuulo oo badhtan ku yaalla hadaba wasiir macaliminta schools kaasi ma jiraa qorshe idiinka yaalla soo qaadsitooda ama in baabuur losameeyo  maadama xiisaddu dhacayso inta uu macalinku soo lugaynayo soo lugaynayo oo

3.Wasiir waxa jira (Private Schools) iyo (Government  Schools)ka awoodana waxa imika lasiiyaa (Private Sectorka) furitaankooda oo soo badanaya awgeed oo saamayn kuyeelanayaa iskuuladda dawladda  qorshe aad ku joojoinaysaan ma jiraa ama aad ku tayaynasaan dawladda.

Gabo-Gabo

Mudane wasiir ilaahay  ha kugu garabgalo shaqadda aad hayso ee adga waxaanan ku leeyahay hayaanka iyo geedigana halkaa kasii wad

 

C.raxmaan Muuse Yuusuf

002522-4414124