Horu-socodka Somaliland Iyo Dibin Daabyooyinka Odayaasha Somaliland Laba Aan Iska Warhayn

Somaliland waa dal yar oo ku dhex yaala mandaqad xasaasiya oo ay hadheeyeen dagaalo, colaado, fakhri iyo gaajo, muddo dheer dadaal iyo samir badan dadka ku dhaqan somaliland waxay maalinbaa talaabo hore u qaadayeen dhinaca horumarka iyo wax wada qabsiga iyagoo kasoo gudbaayay marxalado adag oo ay adagtahay soorta galinta dhismaha nolol dhaqasho iyo dhaqaale leh. Burburkii midowgii soomaaliya bulshada ku nool somaliland waxay ku guulaystay yaqleelka iyo dhismaha dal la yidhaahdo somaliland.

Jaran-jarooyin badan oo loo qaaday dhinaca dhismaha iyo dhiili tirka somaliland sanadii 2003 bulshada somaliland waxay talaabo geesinimo leh u qaaday in dalka lagu dhaqo nidaamka asxaabta badan ee xisbiyada waxay qaaday tubta doorashooyinka qofkasta la dooran karo isna wax dooran karo nidaamkaas oo looga dan lahaa in looga baxo talada geed fadhiga iyo wax qaybsiga habka qabiilka ku salaysan.

Talaabadan markay qaaday somaliland waxay uga dan lahayd inay hesho nidaam lagu xulan karo shakhsiga ama kooxda bulshada ku hogaamin karta cadaalad iyo sinaan, kal kastana la doorto ama la boqro qofkii bulshada gaadhsiin lahaa horumar iyo badhaadhe halkay joogtana hore uga sii uga qaadi lahayd, nidaamka wax qaybsiga qabiilka somaliland way kusoo caano maashay duruufo adagna way kaga soo gudubtay, balse wakhtigiisii waa laga soo gudbay markii loo arkay in aanu dalka iyo dadkaba dhaqayn.

Bulshada waagii hore waxay u badnayd dad aan waxba qorin waxna akhriyin oo lagu tilmaami karo juhalo taas oo ay u sabab tahay nolosha miyiga ee wax beerashada iyo xoolo dhaqashada, sidaas oo ay tahay bulshada somaliland way kusoo doogeen garta geedka hoos tiisa ee ka gadh wadeenka ka yihiin odayaashu, haddii Muddo badan bulshadu kusoo dhaqnayd habka wax qaybsiga qabiilka, wakhti xaadirkan bulshada somaliland in badan oo kamidi waxbay baratay ha ugu badnaadaan xooga ama cududa ugu balaadhan ee bulshadu waa dhalinyaradee, sidoo kale waxaa barbar socday isbadalada kale ku dhacay bulshada waxaa dalka kusoo laabtay aqoon yahan faro badan oo dalka dibadiisa ku maqnaa intii oo dalku dhismaayayna ka war hayay xaaladahaga kala duwan ee dalku maraayo, wakhtigan hadda la joogana gartay inay dalka iyo dadka uga faa,ideeyaan khibradda iyo aqoontay barteen.

Isbadaladaas oo jira Somaliland waxaa soo maray xukuumadu kala duwan xukuumad kastaana meelbay xooga saaraysay waxna ka qabanaysay, taasoo ay markasta barbar socdeen isbadalada ku dhacaaya garaadka iyo ilbaxnimada bulshada, waxaa muhiima in aan isyara dul taago labadii xukuumadood ee ugu danbeeyay oo la odhan karo bulshada somaliland waxay maamulka iyo xilka umadda u dhiibeen asxaab lagu soo doortay nidaamka xisbiyada.

Xukuumaddii ka timi xisbigii UDUB ee oo hogaamiynaayay mudane Daahir Riyaale Kaahin waxay hir galisay haykalka dawladnimo iyo hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda ee qori isku dhiibka, waxaa saqiiray oo inbadan la ilaaway qabyaaladdii marka loo eego xukuumadda hadda talada haysa, 8 sanno talada dalka haysay xukuumaddi UDUB waxay ugu danbayntii majaraha dalka ku wareejisay xukuumad ka timi xisbiga KULMIYE oo musharax madaxwayne ka ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo intaas kadib waxaa dalka hogaaminaayay dawladda oo gadhwadeenka ka yahay Mudame Axmed

Maxamed Siilaanyo, xukuumadan oo wax badan ka qabatay arrimaha bulshada balse ku guul daraysatay jihaynta xooga dalka ( dhalinyarada) iyo hir galinta barnaamijyo lagu dhisaayo garaadka bulshada oo ku dhiirigalinaya wax wada qabsiga iyo wada noolaanshaha.

Waxaan jecelahay inaan u daadago dulucda maqaalka, hadaan cabiro xaaladaha fulinta awoodeed iyo maamul xukuumadan ka timi xisbiga kulmiye, waxay majaraha dalka qabatay wakhti bulshadu u haraadan tahay isbadal horseedi kara horumar iyo badhaadhe bulshadana ku hagi kara nidaamka wax wada qabsiga iyo wada noolanshaha, aqoon yahanka iyo dhalinyarada dalka wax ku baratay ama aqoon dibadeed soo qaadatayna ku jihaysa horumar horseed kara isbadal nololeed oo lagu kalsoonan karo.

Waxaa ku waajiba xukuumad kasta oo la doorto majarahana u qabata hogaanka dalka inay hadafkeeda koobaad ka dhigato ka midho dhalinta Tubta horumarka iyo hirgalinta himilada wanaagsan bulshada, marinka kaliyee loo sii maraayana noqdo in dadka aqoonta iyo ilbaxnimada u ehelkaa laga faa,idaysto taas oo la odhan karo waa kadinka kaliyee aduunka intiisa kale ka galay tubta horumarka iyo isbadalka togan sidoo kalana dhisaaysa bulsho jecel nabada, xasiloonida, wax wada qabsiga iyo horumarka. Hadaan intaa kaga tago marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay somaliland iyo wadada ugu haboon ee loo maraayo mustaqbal muujinaaya ififaalo wanaagsan iyo nolol dhamaystiran.

Aan u daadago ujeedada guud ee maqaalkaygan, somaliland waxaa mudadii ugu danbaysay kasoo cusboonaatay dhaqan aad u fuul xun waxay dib u raacday raadkeedii iyo tuubiyaha dib u dhaca iyo burburka.

Hirgalinta awoodaha xileed iyo masuuliyadeed ee dawligaa wuxuu dasduurka somaliland siinayaa xukuumadda markaa talada haysa, go’aan qaadashada iyo socodsiinta mashaariicda iyo barnaamijyada wax qabad waxaa ka masuula taabo galinteeda xukuumadda, taasoo ay ku ilaalinayaan golayaasha sharci dajintu, sidaasoo ay tahay bulshada badakeedna kawada dheregsan tahay waxaa mudooyinkan danbe soo ifbaxaayay in awoodihii dawligaa ka xoog bateen awoodda reeraha oo ay hagayaan odayaasha magacyada badan. Waxaa soo noolaatay dhaqankii qabyaaladda oo somaliland kasoo gudubtay, sirta ka danbaysay nidaamka xisbiyadu waa sidii looga baxi lahaa kala qoqobka iyo kala qaybsanaanta bulshada, badalkeedana bulshadu isugu raacdo ahdaaf iyo mabaadii ka sareeya qabiilka iyo shakhsi jacaylka.

Waxaa xoog yeeshay awooddii reeraha kuwaas oo go’aaminaaya barnaamijyada horumarineed iyo wax qabad oo ahayd inay fuliso xukuumada talada haysaa, dhaqankaas oo dhabar jab ku noqonaysa bulshada somaliland.

Waxaa mugdi badan galay cadaaladii iyo sinaantii, waxay keentay sadbursi xaarana oo lagu helo wax qabadkii iyo wax soosaarka dalka, dhaqankaas oo keenay in bulshada qaarba qaarka kale ku dulminaayaan hayb qabiil, waxaa dhacday in bulshadii qaar kamidi ku waayeen waxay xaq u lahaayeen qabiilka ay isir ahaan kasoo jeedaan, halka qaarna ku heleen waxaanay xaq u lahayn iyagoo ku sad bursanaaya qabiilkay hayb ahaan ku aroorayaan, dhaqankaas oo macnihiisu noqonaayo dulmi iyo cadaalad darro dhici kartana bulshadu guud ahaanba ku mutaysato cawaaqib xumo horseedi karta burbur iyo guul darro nololeed.

Awoodda odayaasha oo faraha kabaxday waxay keentay in fursadaha shaqo ee soo baxa inay wakiil ka ahaadaan odayaal taasoo keentay inay soo baxaan dhalinyaro aan lagu soo xulan aqoon iyo xirfad, badalkeedana ay soo baxaan dhalinyaro lagu soo xushay hayb qabiil oo aan wax horumara ka keeni karin xafiiska loogu adeegaayo bulshada, sidoo kale waxay dhashay dhalinyaradii lagu soo xushay nidaamka qabiilka isu arkaan kuwo aan ka tagi karin xafiiska sidii ay doonaana ugu tagri falaan awoodaha iyo dhaqaalaha xafiiska shaqada, arrintaasina waata keentay in ay bulshada lasoo darsaan labada dhaqan ee ilaa iminka xalka loo helin, waa midka horee in xafiisyadii loogu adeegaayay bulshada noqdaan kuwo ay joogaan dad aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn wax horumarana ka samayn, ta labaadna waa aafada tahriibta ee keentay in dhalinyaradu faro badan oo meedii bulshadaa ku halaagmaan badaha u dhaxeeya iyo jidka dheer ee loo maro dalalka yurub.

Dib u curashada awoodda odayaashu waxay caqabad wayn ku noqotay oo ka hortimi ilihii dhaqaalaha ee muhiimka u ahaa bulshada, kuwaas oo keeni lahaa isbadal iyo horumar wax badan ka badali lahaa baahiyaha aasaasiga bulshada, kuwaas oo hor istaagay barnaamijyo wax qabad oo dalka iyo dadka lagu horumrin lahaa, odayaasha oo daliishanayaa dhaqanka foosha xun ee odhanayaa reer hebelbaa kusoo doolay deegaankeena oo ka guranayaa khayraadka iyo macdanta ku duugan iyagoo kicinayaa bulshada ku dhaqan deegaankaas kuna tala galaaya inay fuliyeen sifo kastoo loo joojin karo waxkastoo laga qaban karo deegaankaaas “hadda ma ogtahay inay gaajo ugu bakhtiyeen awoowayaashoodii ay kasoo farcameen” waxay kala soo baxaan iyo deegaanay ka faa’idaystaan daaye.

Tijaabooyiinkaa odayaashu marba ku banaysanayee dhaqankaa ku liddiga ah midnimada iyo horumarka qaranka, waxay ku talo galeen inay hormuud ka noqdaan arrinta xasaasiga ah ee ka hadalkeeda iyo la macaamilkeedaba u taalo xukuumadda somaliland iyo marba ciddii ay u aragto inay laga maarmaan u tahay ka qayb galkeeda waa wada hadalka dawladaha kale inaga dhaxeeyaan macaamilka iyo wada shaqayntu, ha ugu cuslaato dawladda koonfurta soomaliya ka arrimasa ee muddo hore innaga dhaxeeyay dal soomaaliya la isku odhan jiray oo ay ku hesheeyiin soomaali waqooyi iyo koonfur, kadib midowgaa saluug iyo hungo ay kala kulmeen bulshada somaliland midowgii soomaliwayn, bulshada Somaliland waxay halgan lagu naf baxay oo dhiig badan u daatay waxay dib u hanteen dalkoodii, halgankaa kadibna waxay go’aansadeen gooni isu tag lagu yaqleelaayo jamhuuriyadda Somaliland, hadii 60-kii soomali jacayl qaaday waxay hadda qaateen inay dalkooda dhistaan una huraan wixii naf iyo maalba, muddo badan oo labada dal wax xidhiidh iyo wada hadali dhex marin, waxay ogolaatay dawladda Somaliland ka arrimisa iminka inay bilowdo wada hadal looga dan leeyahay kala gurasho iyo kala carow wixii ka dhaxeeyay labada dal iyo sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madax banana oo nabad iyo xasiloono kujaara hadii beri wax ka dhaxeeyeen.

Hadii uu soorta galo arrinkaasi waxay keeni kartaa in bulshada loo kala guro qaybo kala duwan (qabiilo) keeni kara in bulshada qaarba si gaara loola macaamilo, biyo shubkeeduna noqdo guul darro qaran oo ku dhacda qadiyadda madax banaanida bulshada somaliland oo ah qadyiad dhiig badan naf iyo maalba loo soo horay.

Awoodda odayaashu waxay keentay inay xakame ku noqotay shakhsiyaad badan oo isu soo taagi lahaa masuuliyadaha xileed ee kala duwan sida golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxwaynaha taas mid lamida waxay keentay in madaxwaynaha qaranka iyo masuuliyiinta kale xilka

haya ku cadaadiyaan inay shaqooyinka qaranka u dhiibaan shakhsiyaad ay iyagu soo cumaamadeen oo aan lahayn awoodihii xilleed iyo shaqo ee xilka qaranka, odayaasha qawlaysataa cid kastoo u arkaan inoo danahooda gaarka kasoo horjeesanaayo shaqadoodadana ka hor imanaayo lagama yaabo inay u ogolaadaan inoo kamid noqdo masuuliyiinta qaranka, waxay keenaan shakhsiyaad ay kusoo xusheen inoo waxna cuni karo waxna is daba marin kara oo suuq madow iyo musuq maasuq ku shaqeeya, danahoodana ka hor imanayn.

Dib usoo cusboonaysiinta qabyaaladdu waxay keentay baabiinta talaabo kastoo loo qaaday dhinicii wanaagsanaa, waxay gaadhay ciyaarahii kubadda cagta ee looga dan lahaa isdhex galka iyo dhiiri galinta dhalinyarada, ilaa ciyaarihi noqdeen kuwo aan rajo wanaagsani ka dhalan keentana cadaawad iyo kala irdhow ku dhaca dhalinyaradii, dhaqankaas oo ku biyo shubtay in tartanadii ciyaaraha dhalinyaradu noqdaan tartano ay ku hirdamayaan reero, ka arriminta arrinkaas oo loo aanaynaayo siyaasiin iyo odayaal wax matarayaala, waxay keentay in ujeedadii tartanada ciyaaruhu yeeshaan waji ka duwan kii la doonayay dhalinyarada somaliland ku noqonaysa iyo niyad jab dhiirigaliya ka hayaamida dhalinyarada dalka iyo cawaaqib xumooyin kale badan.

Ugu danbayntii waxaan kusoo afmeerayaa arigtidaydan dardaaran aan usoo jeedinaayo inta jecel wanaagsa, midnimada, wada noolaansha iyo horumarka bulshada Somaliland waxaan leeyahay aan meel kaliya uga soo wada jeesanno cid kastoo dib u socod iyo hagardaamo ku keeni karta geedi socodka talaabooyinka togan ee bulshada Somaliland qaado.

WQ; Naasir Aadan Siciid

FB: Naasir Aadan Siciid

King_naasir@hotmail.com

Qabyaalad-Diid

Burao Somaliland