Hooyo Wiilkeeda si Arxan-darro ah loogu dilay Punltand oo codsi u gudbisay Maraykanka iyo Qisada Dhacdadan Naxdinta leh

Minneapolis (SLpost)- Hooyada dhashay wiil dhalinyaro oo dhawaan lagu dilay deegaamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa dawladda Maraykanka ka dalbatay baadhis lagu sameeyo jid-dil iyo garaacis wiilkeedu ugu dhintay magaalada Garoowe.

Amar Cabdiraxmaan oo da’diisu ahayd 17-jir, kuna dhashay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, ayaa waalidkii sannadkii hore dhaqan-celin ahaan ugu soo direen qoyskiisa oo ku nool magaalada Garoowe ee Puntland, kaddib markii uu ku biiray Kooxo budhcad ah oo ka jira magaalada Minnesota, haseyeeshee bishii May ee sannadkan waxa garaacis iyo jidh-dil qudha kaga jaray kooxo Dhalinyaro ah oo u bartilmaameedsaday inuu yahya muwaadin Maraykan ah, sida ay sheegtay hooyada wiilkan dhashay oo lagu magacaabo Shukri Xirsi oo u warrantay telefishanka Fox News.

wiilkaShukri waxa ay sheegtay inuu wiilkeedu waxbarasho dugsi boarding ah kaga jiray magaalada Garowe si dhaqan-celin loogu sameeyo noloshiisa oo xilligii Maraykanka uu joogay khatar ku jirtayna loo badbaadiyo.

Sida ay telefishanka Fox u sheegtay, waxa wiilkeeda weeraray Shan qof oo jid-dil ku sameeyey, dhaawacyadii garaacistaa ka soo gaadhayna uu u dhintay muddo dhowr bilood ah dabadeed.

Waxa ay haweenaydani dowladda Maraykanka ka dalbatay baadhis lagu sameeyo sababta keentay dilka wiilkeeda, isla markaana meydkiisa dib loogu dhoofiyo dalka Maraykanka.

Shukri Xasan waxa ay sheegtay in wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka la gaadhsiiyey arrinteeda, balse aanay wax jawaab ah ka helin ilaa wakhigan.