Hooyo Baafinaysa Caruur Ay Dhashay Oo Tahriibay

Burco (SLpost)- Tahriibka ayaa noqday masiibo labaatankii sanadood ee u danbeeyay soo food saartay guud ahaanba bulsahda Soomaalida gaar ahaana dhallinyarada. Sanad kasta kumanaan dhallin yaro Soomaali ah ayaa ku naf-waaya badaha, iyada oo ay qaarkoodna ku dhintaan dhulka saxaraha ah inta ay ku sii ijraan safarka tahriibka, kuwaasi oo gaajo iyo haraad u dhinta.

Sidoo kale kumanaan dhallinyarada tahriibayaaasha ah ayaa qaarkood sanado badan ku jiraan xabsiyada dalalka ay sii maraan oo lagu xidhaa, halka ay kuwo kalena dhibaatooyink kale duwan kala kulmaan dalalka ay sii maraan.

waxaana dhacda in jidh-dil iyo gabood falo ay la kulmaan dhibaatooyinka iyo haligaadaha masiibada tahriibku ma aha mid ku kooban dadka tahriibayaasha ah oo qudha, balse waxay sidoo kale ma hadhooyin iyo raadad aan la soo koobi karin ku haysaa waalidiinta dhalay dadka tahriibayaasha ah iyo eheladooda.

Boqolaal waalidiin ah, oo ku nool Somaliland oo caruur ay dhaleen tahriibeen wakhtiyo hore ayaan ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin dadkaasi ay dhaleen, kuwaas oo aan laga warhaynin nolol iyo geeri midka lagu tirin karo.

Waalidiintaasi ay dadkoodu tahriibeen ee aan raq iyo ruux midna laga haynin ayaa walaac iyo murugo joogto ah ku haya waalidiintaasi.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal, oo degan magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo Khadka Telefoonka ugu waramaysay shabakadda wararka ee Somaliland.Org,  ayaa sheegtay in gabadh ay dashay oo magaceeda la yidhaahdo Gudoon Ismaaciil Obsiiye iyo ninkii qabay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdi Daad, oo laba sano iyo badh ka hor ka tegay magaalada Burco aanay ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin, geeri iyo nolol midka lagu tirinayo.

Hooyadani ayaa sheegtay in horaantii sanadkii 2009, inanteeda,  ninkii  qabay iyo 35 qof oo kale ay ka baxeen dalka, kuwaasi oo ka kooban labaatan qoys, isaguna kula jiray qaar walaalo ah, kuwo ilma-adeer ah, kuwo isqabay iyo qaar kale oo ahaa ehelo aan sidaasi u kala fogayn, waxaanay hooyadani intaasi raacisay dhallinyaradasi oo isugu jiray rag iyo dumar tiradooda guud ahayd 37 qof, kuwaasi oo 5- ka mid ah ay ka tegeen ama ka yimaadeen magaalada Ceerigaabo, 5 kalena ka tegeen magaalada Hargeysa, halka inta kalena ay ka tegeen magaalada Burco.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal, ayaa sheegtay in gabadha ay dhashay iyo  ninka qabay ay ugu danbaysay warkooda muddo hada laga joogo laba sano iyo badh, markaasi oo la soo xidhiidheen iyaga oo ka sii baxayay dalka Liibiya una sii jeeday dhinaca dalalka Yurub, isla markaana aanay ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin, iyada oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaa noogu danbaysay laba sano iyo badh ka hor, markaasi oo ay nala soo xidhiidheen habeenkii ay Liibiya ka sii baxayeen, ilaa wakhtigaa wax war ah kamaan helin ah oo dhimasho iyo nolol midna inay bada ku qaraqmeen iyo inay ka baxeen midna ma ogin.”

Waxaanay intaasi sii raacisay “Markay 15 habeen ka sii maqnaayeen Liibiya, waxaa nagu bilaabmay telefoono la nagula soo xidhiidhayo oo marka aanu ka qabanana aan lanala hadlaynin, marka aanu ku celinana af Carabi ayaa lanagula hadlayaa ka dibna waa nalagu jarayaa oo cidi nalama  hadlayso, leeleel iyo dhibaato ayaa noo dhamaaday, waxaanu ka shakisan nahay inta badda laga soo qabtay in Liibiya lagu soo celiyay oo ay ku xidhan yihiin.” Ayay tidhi hooyo Xaliimo.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal ayaa u soo jeedisay xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hawlaha tahriibka inay ka caawiyaan raadinta labadaasi qof geeri iyo nolol midka ay ku sugan yihiin, waxaanay tidhi “waxaana ka codsanayaa dawlada Somaliland iyada ayaa awood u leh inay la kaashato hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya tahriibka iyo arrimaha binu’aaadamka raadinta dadkaasi, sida Bisha Cas inay naga caawiyaan geeri iyo nolol mid uun si aanu uga samirno ama ula xidhiidhno.”

Hooyadani ayaa ugu danbayntii ugu baaqday dhallinyarada Somaliland ee ku hamiyay inay tahriibaan in aanay isku deyin arrintaasi oo ay sheegtay mid dhibaatadeedda leh, isla markaana ay aaminaan dalkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net