Hoos  u dhaca Sarrifka iyo Saamayn la’aanta Badeecadaha iyo Quutal-daruuriga

 

Berhayanba  waxa hoos u dhac  aad u ballaadhani ku imanayey qiimaha sarrifka ee lacagta Dollarka, Arrintan ayaa walwal iyo jah-wareer ku abuurtay  dad badan oo ka tirsan bulshada  reer Somaliland.

Waxaan dhawaan akhristay war lagu qoray mid ka mid ah Jaraa’idada maxallliga ah ee  ka soo baxa dalka, Warkaasi wuxuu sheegayey inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga hadlay khudbad sannadeedkii  Distooriga aheyd ee uu Sannadkan u  jeedinayey Goleyaasha Baarlamaanka, kor u kaca qiimaha Sarrifka  oo sida Warku sheegay uu  madaxweynuhu khudbaddiisa kusoo daray inay baadhis ku samayn doonaanka Dawlad ahaan,bal inay qayb ka yihiin adeegyada( Edahab iyo Zaad) kor u kaca qiimaha Sarrifka ee  lacagta Dollarka,  Sidoo kale, isla warkaas waxa iyana lagu sheegay inay jiraan niman Sarrif-layaal ah oo kooto(xuurto) ku haysta Sarrifka.

Muddo yaruun Warka dabadii  waxa si-isdaba joog ah hoos ugu dhacayey oo maalinba maalinta ka dambaysa sii qiimo beelayey lacagta dollarka.Maalintii aanWarkaas ka akhriyey Jaraa’idka, Sarrifku wuxuu marayey($1=7800SLSH) gacanta hore, halka gacanta danbena  uu  ka marayey ($1=8000SLSH),  Maanta waxay maraysaa  gacanta  hore ($1=6000SLSH), tan dambena ($1=6200SLSH), Taas  macnaheedu  waxa   weeyaan in qiimaha Sarrifka  ee  gacanta  hore  uu kor u kacay (76.9%) ku   dhawaad   boqolkiiba   todoba   iyo   todobaatan,  Tan dambe, ayaa  iyana  noqonaysa (77.5%), boqolkiiba todo  iyo  todobaan  iyo   badh.

Haddaba, marka la eego  qiimaha   intaa  le’eg  ee uu  Sarrifku   hoos u dhacay, waxaad   dareemi  kartaa  inuu   yahay mid aan  caadi  aheyn.Waxaan  aqoonsanahay, in arrintan  qiima  dhaca ah ee  aan  caadiga  ahayni ay ka  dhalatay  ama ay salka  ku  hayso  laba  qodob  oo   kaliya:                                            1. Dareenka   dhashay  hadalkii   Madax-weynaha   Jamhuuriyadda Somaliland.

 2.Hadal ay  maalmahaas   isla  dhexmarayeen   Dadweynaha   reer Somaliland gaara  haan   reer  Hargeisa  oo  ku  saabsanaa  Sarrifka  iyo in Sarrifleyaasha la xidhidoono.

Sidaa  daraadeed, waxa  habboon in aan  iswaydiino  su’aasha ah, maxaa  looga danleeyahay  hoos u  dhaca  Sarrifka?  Horta,waxa markiiba  maskaxdaada  kusoo  dhacaysa  in  aad  heli  doonto  alaabjaban.Taasi  waa run oo  shaki  kuma jiro, haddii   arrintaasi  tahay mid dhab ah inuu  jabayo wax kasta  oo  ku  xidhan  ama  ku  qiimaysan lacagta dollarka. Laakiin,   waxa  layaable  innaga  arrintaasi   meesha way ka maqantahay  waayo shay kastaa  waxa  uu  taaganyahay  oo  lagu  iibinayaa  qiimihiisii  hore.Waxa la ogyahay  maanta  in  aanu wax  xidhiidh  ahi  ka  dhexayn  hoos u dhaca  qiimaha   Dollarka   iyo  Badeecadaha  iyo  cuntooyinka   taasina ay meesha  kasaartay  ujeedadii  laga  lahaa  hoos  u  dhaca  ama  jabitaanka   Dollarka.

Haddaba, waxaan  leeyahay  waa been, dhac  iyo  kutidhi  ku teen iyo  waliba sasku dhacay  Sarrifleyaasha  iyo  bulshada ,  laakiin  maaha  Jabis run ah. Annigoo  ka  duulaya   laba  qodob:               1. Alaabooyinkii  kuqiimaysnaa   Dollarka   oo  halkoodii  taagan  hadday  maciishad  tahay  iyo  haddii  kaleba

2. Dadkii oo ka yaacaya  lacagtii  SLShillinka  oo  ku  baddalaya   lacag Dollar ah illayn  waxay  ogyihiin inuu  berriba halkiisii ku  noqondoono  ama  ka  sarrayn  doono. 

Si kastaba ha ahaatee, arrintani  waxay  kordhindoontaa  qiimaha  Sarrifka  ee lacagta dollarka  iyadoo  sababtuna ay tahay  Dollarka  oo suuqa  ku yaraan doona maadaama oo nin waliba uu imika rabo inuu jabnida kafaa’iidaysto oo uu  gabbood (Hedge) ka dhigto  lacagta adag  ee  Doolarka (The hard Currency).

W/Q-Dhaqaaleyahan –Xasan  Cabdi Amman                                                                                               Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.

 

                                                 Email: ammaan48@outlook.com