Hoos u Dhac Dhaqaale oo Soo Foodsaaray Shiinaha, Inbadan Dalalka Carabta Ee Shidaalka Soo Saara  iyo Wadamo Yurub Ah

 

Hargeysa(SLpost)-Suuqa saamiyada ee Dubai ayaa hoos u dhacay 7% halka Sacuudiga uu hoos u dhacay 6%, kadib markii hayadda qiimaysa waddamada iyo shirkadaha dhaqaalahooda ee Fitch ay hoos u dhigtay qiimaynta Sacuudiga.

Free-Nifty-Tips-by-SMS

Toddobaadkii hore, suuqa Dow Jones ee Maraykanka ayaa hoos u dhacay 6%, halka suuqa FTSE ee UK uu sicirka saamiyada shirkadaha uu hoos u dhacay 5%. Maalgashatada ayaa ka walaacsan hoos u dhaca Shiinaha iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha adduunka.

Faransiiska suuqa Cac 40 iyo Jarmalka suuqa Dax ayaa hoos u dhacay 7% toddobaadkii hore.Bariga Dhexe waxaa jira walaac gooni ah oo ah sicirka shidaalka oo aad u hooseeya, kaasoo hoos u dhacay in kabadan kala badh sanadkan, wuuna sii dhacayay tan iyo bishii May. Saliida nooca Brent Crude oo ahayd $68 barmiilkii, hadda waa $45 barmiilkii.

Hoos u dhaca shidaalka waxaa sabab u ah shidaal badan suuqa yaala, intooda badan waxay ka yimaadeen soo saarayaasha Maraykanka ee saliida Shale soo saara. Saliida Shale ee Maraykanka uu soo saaro ayaa hoos u dhigtay qiimahii ay ku lahaayeen dalalka OPEC ku jira saliidooda suuqyada.

Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Kuwait, Qadar iyo UAE ayaa kuwada jira ururka OPEC. Sidoo kale waxaa saameeyay warbixin ay soo saartay hayadda Fitch ee qiimaysa dhaqaalaha dalalka iyo shirkadaha, iyadoo saadaalinta Sacuudi Carabiya ay ka dhigtay mid aan fiicnayn (nagative). Halka ay awal ahayd mid aan isbadal lahayn.

Talaabadan ayaa ka jawaabaysa walaac laga qabo mustaqbalka dhaqaalaha Sacuudiga oo aad ugu tiirsan shidaalka uu dhoofiyo. Saamiyada shirkadaha Shiinaha ayaa hoos u sii dhacaya, iyadoo walaaac laga qabo dhaqaalaha hoos u dhacaya iyo suuq dhaqso isku badalaya ay u keentay suuqa cabsi badan.

dhanka kale Sicirka suuqa Shanghai ayaa xirmay isagoo hoos u dhacay 8.5 boqolkiiba.Suuqa shiinaha ayaa hadda hoos u dhacay in kabadan soddon boqolkiiba tan iyo June dhexdeedii.

Dhamaan Asia, suuqa saamiyada ayaa hoos u dhacay markay xireen maanta oo Isniin ah. Halka suuqa Yurub uu furmay isagoo hoos u dhacay.

Xigasho BBC