Hoo oo cab, Waa Hagardaamo!

Ka soo qaad inaad tahay 22 sanno jir , wax ka barta Jamaacadda Hargeysa. Adigoo fadhiya fasalka ayaad la soo baxday moobilekaaga kadibna aad booqatay bartaddii facebookga, cabbaar markaad kor iyo hoos u wadday boggaagii ayaa waxaad aragtay dhacdo aragagax leh oo marayakanka ka dhacday .
Waxa xasuuq ama dilmo-waddareed ka dhacay magaalado San barnardino la yidhaa oo aanad wali hore u maqal, Nin maraykan ah ayaa mar kale intuu QORI soo qaatay rasaas ooda kaga qaaday caruur, dumar iyo wayeel meel barxad ah iskaga ciyaarayey! Waxaadse ogtahay in todobaad ka hor uun uu siddan oo kale nin kale oo maraykan ah uu magaaladda New York carruur iskuul dhiganaysa uun rasaas ooda kaga qaaday oo uu dilay ku dhawaad 50 ciyaal ah .
Waxaad is waydiisay Haddii aad maraykanka tagi lahayd oo aad ka soo diyaarin lahayd xeer adag oo mabnuucaya hubka ka dibna aad u ololayn lahayd sidii lagu ansixin lahaa ! Inaad noqon lahayd “Geesi” Badbaadiye Nafeed iyo Nin nabadda jecel ! Laakin way adagtahay ! Sow maaha ?
Laga yabee inaad hesho fursad waxbarasho ood ku tagto Maraykanka , ama fursad shaqo ka dibna aad barato Sidda bulshada loo bedelo, ka dib aad samaysato urur caalami ah oon faido doon ahayn (NGO) isla markaana u ololeeya ka hor taga dilalka axmaq nimadda ah iyo qaadashada hubka sharci daradda ah . Muddo sannado ahna markaad hawshaa ku shaqayso laga yabeeba inaad ku guuleysato Abaal marinta calaamiga ah ee Nabadda adiga oo da,daadu 30 jir ama ka yar tahayba. Wow!! Maxaa ka fiican !

Sheekadaas oo dhami waxay u eegtahay bar-kuma-taal sow maaha? Waliba wax aan dhici karin sow maaha? Ha qariibsan Haddaba, Sidaa aad u fikirtay kama duwana sida ay u fikirto dhalinyarta reer galbeedku, Siddani waa sida ay aaminsan yihiin marka ay maqlaan AFRICA ayey wax ka dhaceen in ay ku xalin karaan! ama isbadel bulsho ay ku keeni karaan.

Hadaad waydiiso 22 sanno jir maraykan ah sidii loo xakamayn lahaa arinta hubka iyo rasaasaynta caruurta waxa laga yabaa in uu kugu jawaabo “Arintani waa arin aad u adag, waa dhaqan ay leeyihin reer maraykan in ay hubka qataan, ma aha wax lagu dhamayn joojin karo Tobabaro (workshops) ama hay’addo u ololeeya. WALIBA SUURTOGAL MAAHA CID DIBADA KA TIMID in ay xaliso arrinkan, Aad buu u adag yahay ”.
Sidaa si la mid ah Hadii aad waydiiso 22 jir reer galbeed ah sidii lagu xalin lahaa dhibaatoyinka Africa ka jira , ee ay ugu horeyso Gaajadda, colaadaha, waxbarsho la’aanta, caafimaadka IWM . waxa hubaal ah in uu markiiba kugu jawaabayo in arimaahasi xalkoodu fudud yahay! Waliba uu aad u fudud yahay. Laga yaabee in uu farta kugu fiiqo Caawimooyin uu waddankiisu bixiyo Haddii aad SOO CODSATO , in ay wax wayn ka tarayso , Isla markaana uu kugula taliyo , IN KHUBURO REER GALBEED ah aad ku soo casuunto waddankaga si ay TOBABARO u siyaan dadkaaga . !!!
Ula jeedka qormadaydani waxa uu yahay jaho-wareerka lagu hayo qaaradda Afirca iyo dowladaha soo koraya ama aan dhaqaale ku filan haysan , Waxa inta badan aydun aragtaan oo waddankeena iyo kuwa kalee dariskeena ahba ku aragtaan hayaddaha qadhaan bixiyaasha (INTERNATIONAL AID AGENCIES) oo meel walba iyo mawduuc walba ku jira iyagoo sheega in ay inaga cawinayaan ! Habba ina cawiyaan ma xumee , sidey inoo caawin karaan hadii labaddan (2) qodobiba ay jiraan .
1- Nidaam qorsheedka iyo natiijadda la doonayo in la gaadho 1, 2 ama 5 sanno kadiba waa kuwo lagu soo diyaariyo xaruumaha dibadda ku yaala ee ay hay’addahaasi leeyihiin, inta badan ma aha kuwo guddaha waddanka lagu unko, oo dadku ka qayb qaataan. Ma aha inta badan wax si fiican looga sii baraandagay (visibility study ) oo la xaqiijiyey in mashruucaas la qabanayaa iyo bay’adda lagu qabanayaa ay isla jaanqaadi karaan iyo in dadka degaankaasi dagani ay niyad ahaan iyo maskax ahaanba ugu soo jeedaan sidii ay uga faa’idaysan lahayeen .
2- Shaqaalaha hagaya qorsheyaasha, ee leh ka go’aan qadashada ugu dambaysa wax walba oo mashrucaas ku soo kordhaa, ma aha kuwo degaanka garanaya, ma aha kuwo taariikhda, xadaarada, dhaqanka iyo caadooyinka (kuwa xun iyo kuwa sanba) ay bulshadaasi leedahay yaqaana. Khibradda lagu majiirto ma aha mid la jaan qaadi karta deegaanka uu ka shaqaynayo oo tusaale ahaan, Hadii uu Afganistan ka soo shaqeeyey 10 sanno micnaheedu ma aha in uu 10 maalmood ka shaqayn karo Awdal, Aroori iyo Arabsiyo Taasina waa ta keentay in 95% mashariicda hay’adduhu wataan ee Africa laga hir galiyo ay ku dhamaadan fashil iyo wax la,aan.
Dhibtuna waxa ay ku soo uruuraysaa Waxan oo dhanba in uu hogaaminayo 22 jir reer galbeed ah oo Sidaa 22 jirkaa jamacadda hargaisa dhigta- ee aan sheekadda ku bilwaynay oo kale intuu Tv iska ka daawaday Africa oo holcaysa kadib muraaqooday oo intuu ticket soo goostay toos u yimid hargaisa, si uu wax uga qabto wax aannu garanayn !
Cilmiyan iyo caqliyana waxa aynnu garanaynaa , in qofna aannu waxba ka qaban karin wax aanu garanayn .
Wa Bilaahi Towfiiq
WQ : Cabdicasiis Cali Caddaani