HOLLAND: Maxkamad Holland ah oo si Khasab ah ugu Fulisay Daahir Calasow Xukun Dacwad ay kaga Guulaysatay Shirkadda Dahabshiil

Dahabshiil-LogoHertogenbosch (SLpost)- Maxkamadda Racfaanka ee dalka Holland, ayaa si khasab ah ugu fulisay xukunno ay hore ugu riday nin la yidhaa Daahir Calasow oo lagu helay dacwad ay ka gudbisay shirkadda Dahabshiil.

Maxkamadda Racfaanka ee ku taal magaalada Hertogenbosch oo ay hortaalay dacwad shirkadda Dahabshiil ku oogtay Daahir Calasow oo ah nin Soomaali ah oo degan dalka Holland bishii Oktoobar ee sannadkii 2012, taas oo la xidhiidhay qoraallo iyo maqaalado dhawr ah oo been-abuur ah oo uu ku dacaayadaynayey magaca iyo sumcadda shirkadda, kuna faafiyey dhawr shabakadood oo uu samaystay, gaar ahaan Sunatimes, ASOJ iyo Waagacusub, ayey maxkamaddu ka soo saartay xukunno lagu riday ninkaasi 16kii bishii December 2014.

Maxkamadda oo go’aamisay in qoraalladaasi ahaayeen qaar meel-ka-dhac iyo magac-dilis ku ah shirkadda Dahabshiil, waxay ku xukuntay Daahir Calasow inuu ka noqdo oo uu meesha ka saaro maqaaladahaasi, si buuxdana u qoro, uguna faafiyo shabakadihiisa in qoraalladaasi ahaayeen been-abuur ula-kac ah oo uu ugu talogalay magac-dil shirkadda Dahabshiil, isla markaana waxay ku xukuntay inuu qoro farriin sixitaan ah oo waafaqsan qodobadaasi hore uu habka internetka (email) ugu dirayo dad badan oo uu hore dhawr sanno ka hor la wadaagay eedaymaha been-abuurka ah. Waxa kale oo maxkamaddu ku xukuntay Calasow inuu bixiyo guud ahaan kharashkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay dacwadda intii ay socotay, iyada oo weliba xaddiday ganaax maalinle ah ku waajibaya haddii uu jebiyo ama ka soo bixi waayo arrimaha xukunka maxkamaddu waajibiyey.

Haseyaashee, xukunkaasi oo uu si buuxda uga soo bixi waayey Daahir Calasow dartii, ayaa maxkamadda Racfaanku 3-dii bishan February soo saartay amar si khasab ah uu ugu fulinayo xukunka ninkaasi. Waxaanna saraakiil ka socda maxkamadda iyo ciidammo boolis ahi ugu tageen Calasow guriga uu ka degan yahay Holland oo ay awood u adeegsadaan inuu u fuliyo xukunka ku dhacay.

Waxa kale oo loogu hanjabay in boolisku si joogto ah ugu soo noqon noqon doono ilaa si buuxda u fulinayo xukunka maxkamadda iyo ganaaxa la saaray.

Arrintaasi waxay keentay in markiiba Daahir Calasow uu ku dhaqmo qodobadda maxkamaddu ku heshay, isagoo qoraallo uu ku qirayo in maqaalladii uu shirkadda Dahabshiil ka baahiyey ay been-abuur ahaayeen ku baahiyey bogga ugu sarreeya ee degalladiisa sida Sunatimes, laguna amray inay muddo ku jiraan oo cid waliba aragto, sidoo kale uu farriin (email) uu ku sheegayo inuu wixii uu Dahabshiil ka qoray been ahaayeen u kala diro dad badan.

Afhayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil oo arrintani ka hadlayey, ayaa yidhi, “Daahir Calasow waxa uu caadaystay in badan inuu isku dayo inuu ka been abuurto oo xajiimeeyo ama dhaawac u gaysto magaca iyo sumacadda shirkadda, waanuna soo dhawaynaynaa go’aanka maxkamadda oo caddeeyey in aannaan wax eed ah ku lahayn eedaymihiisa oo ay muuqatay inay been-abuur iyo ceebayn keliya yihiin.”

“Shirkadda Dahabshiil waxay xidhiidh togan oo wanaagsan la leedahay saxaafadda Soomaalida iyo tan caalamkaba, kumana faraxsanin runtii inaanu Calasow iyo qayrkii toonna saxaafadda dacwado maxkamado gaadhaa na dhexmaraan, waxa kelifay isaga oo olole dhagaraysan oo sumcad dil ah joogtaystay, kaas oo waajibiyey in aan af-ku-xooglaha xoog-ku-doonka ahi guulaysan,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Somalilandpost.net