Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Sharci-darro ku tilmaamay Heshiis ay Axsaabta Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu si wada-jir ah si wada-jir ah ugu dhawaaqeen

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa duray, isla markaana sharci-darro iyo siyaasad-xumo ku tilmaamay qodobbada heshiis ay Axaddii toddobaadkan Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku kala saxeexdeen Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo dhigaya in dawlad ku-meel-gaadha oo wadaag ah la sameeyo haddii ay doorashada Madaxtooyadu ka dib-dhacdo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.

Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Golihii dhexe ee hore ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed iyo Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay Caasimadda Hargeya, waxay ku sheegeen inay KULMIYE iyo Xukuumaddu diyaar u yihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan sannadka dambe, isla markaana aanay sharci ahayn dawlad wadaag ah iyo mid ku-meel-gaadh ah toona, iyagoo daba-socda heshiiska Mucaaridka dhex-maray.