Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Mawqifka Xisbiga Waddani ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia ku tilmaamay mid ay ka muuqato Bisayl la’aan Siyaasadeed

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa markii u horreysay ka hadlay kala-daadsanaanta mawqifka Xisbiga Waddani ee ka qayb-galka wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.

Guddoomiye ku-xigeeka 2aad ee Xisbiga Kulmiye ahna xildhaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Md Maxamed X. Yuusuf (Waabeeyo) oo u warramay Somalilandtoday, waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan ged-geddoonka siyaasadda Xukuumadda ee dhanka wada-hadallada Somalia, isaga oo sababta madaxweynuhu uga noqday Taladii Qaran ee ku baaqay in dhinacyda siyaasadda metelayaasha bulshada Somaliland kaga arrinsadaan Shirarka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo ugu horreyn arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Shirkaas London wuxuu yahay mid u gaara Soomaaliya, isla markaana kama dhex muuqdaan danihii Somaliland, waxaa laga arki karaa Website-ka shirkaas loo sameeyay oo Soomaali iyo Ingiriisiba ku qoran, Madaxweynuhu isagoo ay saarantahay xilka hoggaaminta dalku, wuxuu go’aansaday in aanay Somaliland ka qaybgalin, wuuna ku saxsanaa, shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland way ku tagereen. Kan hadda ee Turkiga, runtii mid ka gadisan weeye, isku noocna maha. Waxay hadda Somaliland iyo Soomaaliya u wada hadlayaan sidii laba dal oo siman, iyadoo qolo kastaa soo bandhigayso doodeeda, waana arrin wanagsan oo aan soo dhaweynaayo.”

waabeeyeXildhibaan Waabeeyo oo la weydiiyey waxa ay xukuumaddu ku qancinayso dad qaar oo aaminsan in Dawladda Turkigu aanay dhex-dhexaad ka noqon karin  gar-naqsiga Somaliland iyo Somalia, waxa uu ku jawaabay, “Horta waxaa fiican inaynu fahano, siyaasaddu meel ma fadhido, marba janbi ayay dhigtaa, wax ku qasbaaya inuu waligii ku dhegenaado Turkigu Soomaaliya oo mid ah,  ma ogin, way dhici kartaa inuu danno kale eegto, isbadalka siyaasiga ah dal kasta wuu leeyahay, midbaase jirta inagga waa layna casuumay innagoo sidii dal Madaxbanaan ah, iyagana sidaa si leeg, waynu wada hadlaynaa, maha kii uu horeeyay ee shirar hore oo lamid ah ayaa soo qabsoomay. Markaa in aynu diidno oo nidhaahno ma imanayno, dee mid meesha taala maha. Waxaan markaas leeyahay shirkaas dan weynbaa ugu jirta Somliland, iyadoo dal gaara ah ayay wadahadlayaan Soomaaliya, oo si siman isu horfadhisanayaan. Waana arrin muhiim ah,” ayuu yidhi Md Waabeeyo, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka hadlaya mawqifyada kala geddisan ee Xisbiga Waddani kaga jawaabay aragtidiisa wada-hadallada labada dal, waxa uu yidhi, “Xisbiga WADANI waxaa ka muuqata runtii in aanu isla haysan, inataan ogahay sidaan maqlay, Guddoomiyaha Xisbiga oo ah Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu kamid yahay xubnaha Waftiga ee shirkaas wadahadalka ka qaybgalaaya, meel uu ku diiday ama uu kaga hadhaayo ma maqal, hadana waatan qoladan kale ee Xoghayaha arrimaha dibadda iyo xubnihii kale ee la fadhiyay dhaliilayeen, markaa horta bisayl la’aan xagga siyaasadda ah ayaa ka muuqata, oo aanay isla haysan. Waxaa iyana hore u jirtay markii uu Madaxweynuhu qaadacay sharka London, ee aanay daniba inoogu jirin, waxay shegeen qolada WADANI inay khalad ahayd oo ay ahayd in laga qaybgalo shirkaas.  Hadana  waakuwan Shirkan Turkiga diidan, markaa horta haysku hagaajistaan. Shirkii Somaliland oo dhami diidayna way tageereen, kan oo Somaliland ay ku gar naqsanaysana way diidayaan. Xukuumadu kaligeed ayay shirkaas tagi karaysay, oo masuuliyada iyagaa loo doortay, waxay Xisbiyada u kaxaysanaysaa, ee Golayaasha ula tashatay waa tallo wadaag ay mujinayso, ninka leh markaa taladii waa la koobay dee mala warbadan ayaanu hayn, qolada WADANI markaa waxaan leeyahay wax isku hagaajista.”

Md Waabeeyo oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo warar warbaahinta qaarkeed baahisay oo lagu sheegay in xubno uu isagu ka mid yahay qandaraas lagu siiyey Sugidda Ammaanka Shirkadaha Sahanka Shidaal dalka ka wada, waxa uu yidhi, “Horta arrintaas ugu horeyn wax kajiraa ma jiraan, ciduu Wargaysku ka xigtay iyo xog uu  soo bandhigay iyo xidhiidh uu nala soo sameeyay midna ma jirto. Waxaana yaab ah, dalkan Dawlad ayaa ka jirta, maamusha danaha shacabka iyo khayraadkooda, iyadaa sherkadaha heshiisyo la gasha, annagu Xildhibaano la soo doortay ayaanu nahay, oo sharci dajintii ayaanu joogna, sabab aanu ciidan beeleed u qorano meesha mataal. Dalku ciidan ayuu leeyahay, sabab aanu calooshood u shaqaystaal u qoranaana ma jirto, siduu sheegay Wargaysku ee uu leeyahay sherkadii Puntland ka hawl galijirtay ayay ciidan ka qorteen. Markaa arrintaasi mid jirta maha shaqona kuma lihin, waana been aan loo meel dayin, dadkana waxaa iskaga khaldan, runtii dhaqaalaheena oo kooban, samirkii ayaa inagu yaraaday  oo iyadoo aan waxba la hubsan ayuunbay qofka isaga baxaysaa sanqadh ah, waxbaa la cunayaa iyo waxbaa halkaas maraaya. Midkalena way jirtaa arrimahan shidaal qodista iyo maal gashiga aqoon badan umaynaan lahayn, maraxil badan ayay maraan. Hadda sahamintii iyo baadhistii hore oo dhawr qaybood ah ayaa socota, qodis iyo soo saaristii way danbaysaa. Waxaan shacabka u sheegilahaa, maanta jaanis ayaynu haysanaa, sherkadahaasi lacag badan ayay dalkeena galinayaan. Hadda %10, may galin,  haddii ay markaas nabad gelyo darro arkaan, ama la carqaladeeyo, intaasna way ka noqonaaan, waanay guurayaan. Waxaan markaas ku talinayaa, dal yar ayaynu nahay. Sucuudigu %5 ayuu ku bilaabay inuu lahaado shidaalka, inta kalena sherkadaha ayaa qadan jiray. Maanta %100, isagaa qaata. Waynu dhargaynaa markaase aynu sugno, oo yaynaan innagu dhibaato isu gaysan. Saxaafadeenuna, dee haday doonayso inay mida caalamka oo kale noqoto. Wixii dalka wax taraaya ha qorto, dadkuna wadaniyada haka shaqeeyaan.”

Qaybaha kale ee Waraysiga lala yeeshay Xildhibaanka, ayaa u dhacay sidan:

S: Ugu danbayntii waxaad tahay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye, inkasta oo aad shirkiini qabsateen, hadana waxaa soo baxaayay kahor shirkaas tartan xoogan iyo afkaaraha oo aad ku kala duwanaydeen, adiga (Waabeyo) waxaa la tilmaama inkastoo aad tahay hoggaankii Xisiga, inaad hadana ku badantahay xagga Madaxtooyadda, lakiin aanad ku badnayn xagga Xarunta Xisbiga arrimahaasi ma jiraan.

J: Waxaan ku sheegayaa Kulmiye waa Xisbi muxaafid ah oo xisbul xaakimkii ah, taas oo keenaysa in indhaha oo dhami ku soo jeestaan, wax dhibaato  ahi kama jiraan, iyadoo wax kasta laga qoraayay wadigii ogaa inuu shirkiisi si degan u qabsaday, afkaarahana waa lagu kala aragti duwanaan karaa, haday hoggaanka tahay iyo haddii ay xubnaha Xisbiga tahayba.  Xagga Madaxtooyada, Xisbigoodhan ayaa ku dhaw, Arbaca kasta waanu shirnaa oo Madaxweynaha ayaanu shir la yeelanaa, hadaanu nahay hoggaanka. Markaa anigu Xisbiga Madaxdiisi ayaan kamid ahay, dhibaatana ma jirto, Kulmiyena waxba iskuma hayo, afkaarahase waa lagu kala aragti duwanaan karaa.

S: Warar ayaa shegaayay kahor shirkiini golaha dhexe,  shir aad Madaxtooyada ku yeelateen, in hadalku idinka duulay, Guddoomiye Ku-xigeenka Kobaad ee Xisbiga Muj: Maxamed Kaahin Axmed, arrintaasi miyay jirtay.

J: Maxamed Kaahin Axmed waa Mujaahid weyn, waa nin iga weyn, inankiisi ayaan ahay, ismaba qaban karno, waan ku arkaayay Saxaafadda, oo qaar qorayeen, Wabeeyo iyo Maxamed Kaahin oo is dagaalay, anigu ma ihi dadka habaarka qaba, ee dadka ka waa weyn ee waalidka u ah la dagaalama, markaa hadaad i waydiisay arrintaas, wax jira may ahayn, Maxamed Kaahin saxiib ayaanu nahay waa Mujaahid weyn, waana shakhsi ixtiraam iga mudan.

SOMALILANDPOST.NET