Hoggaanka UCID (Faysal iyo Jamaal) iyo Dareen-celintooda Shakhsiyadda Xaaji Cabdi – W/Q: Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu ka mid yahay hal-doorka kaalinta mugga leh ka geystay buugga Xaaji Cabdi-Waraabe mid dhaqaale iyo mid marag-furba, 06/Jenewari/2012 ayaan  Hargeysa ku weydiiyay aqoonta ka dhaxaysa Xaaji Cabdi waxaanu ku jawaabay “Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) waa odayga odayada reer Somaliland. Wuxuu taariikhda ku gelayaa doorkii uu nabadda ka soo ciyaaray ee ay Somaliland ku samaysantay.Waa af-tahan iyo tiir ay Somaliland xusi doonto weligii”

Sidoo kale Engineer Faysal Cali-Waraabe, Guddoomiyeha Xisbiga UCID oo ay Xaaji Cabdi soo wada shaqeeyeen aabbihii Caaqil Cali Xuseen oo aan 13/07/2011-ka ku weydiiyay Hargeysa dareen-celin ku saabsan aragtidiisa ku aaddan Xaaji Cabdi ayaa yidhi “Xaaji Cabdi sida aad maqashay aabbahay ayey in badan soo wada shaqeeyeen, waana laba nin oo ilmaadeer saddexaad ah isla markaana habar-waadaag ah.

Xaaji Cabdi  waxa uu ku caan-baxay nin nabadeed, illaa markuu yaraa ee uu iska diidday in u dilo ninkii lagu tuhunsaana in uu aabbihii dilay. Anigu markasta waxaan idhaa anigu waxaan doonaya inaan maro tubta Xaaji Cabdi oo aan mar kastaba la safto nabadda.

Anigu Xaajiga waxaan ka helay gacan markii aan af-hayeenka u ahaa guddidii nabadda ee Soomaliland, wakhtigii adkaa ee dagalladii sookeye 1994-1996. Waana markii u horraysay ee aanu isku dhinac noqonnay illa iyo intaan talada shacbiga cod ku yeeshay laga bilaabo 1979kii.

Xaajiga mabda’iisa labaad waxaa weeye in aan xukummadda lagu diidin wax aan ahayn diinta ka baxa. Waa halkaa meesha aanu aniga iyo isagu markastaba ku kala tagnaa, laga bilaabo tii Siyaad oo uu la socday illaa 1988kii, tii Cigaal iyo  Riyaale oo uu si indha la’aan ah u taageerayey, iyo tan hadda joogta (Xukuumadda Siilaanyo) oo uu leeyahay yaan wax laga sheegin.

Markaa xagga xukuumadda Xaajiga waxaa laga soo wariyey in uu yidhi “anigu kursiga ayaan la saaxib ahay”. Waxaa laga yaabaa in sama-talisnimadu la gashay fikradda, waxbadan oo u ka taliyey oo lagu diiday oo lagu jabayna waa la hayaa.

 

Allaa Mahad Leh”

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair