Hoggaanka Sare ee Xisbiga UCID oo hambalyo iyo Duco is-barkan u diray Shacbiga Somaliland iyo Umadda Muslimiinta ah

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga, ayaa shacabka Somaliland iyo umadda Islaamka ah ugu duceeyey Eebbe inuu ka aqbalo gudasha Waajibaadka Soonka iyo cibaadii ay habeen iyo maalin u taagnaayeen bisha Barakaysan ee Ramadan.

Hoggaanka xisbiga UCID waxa uu shacbi-weynaha Somaliland iyo Muslimiinta Adduunka ku bogaadiyey munaasibadda Ciidal-fidriga oo maalinta Berri ah ku beegan.

UCID lONDON (1)Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal Hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga UCID, kaas oo u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay ay Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga awgeed.

Xisbiga UCID isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu illaahay ka baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana   uu naarta innagga xorreeyo.

Waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo. Aamiin Aamiin,” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Xisbigu soo saaray.”

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk