HARGEYSA:Hoggaanka Kulmiye oo si rasmi ah u muddeeyey qabsoomidda Shirweynaha Xisbigaas oo Dib u dhac ku yimi

Hargeysa(SLpost):-guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu dib u dhacay shirweynihii xisbiga Kulmiye oo ku beegnaa inuu qabsoomo 25/12/2013.

Guddoomiyaha gudda qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud  iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday dib u dhaca ku yimid qabsoomida shirweynaha xisbiga Kulmiye, oo ay haatan ka hadhsan tahay oo kaliya  saacado koobani.

Ugu horayn gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye Axmed Cali Maxamuud oo ka hadlaya dib u dhaca ku yimid shirweynaha xisbiga ayaa waxa uu yidhi ” saaka waxaanu furanay shirkii guddida qaban qaabada, qabsoomidii shirweynaha oo mudadiisii hoosta naga soo gashay darteed waxaanu go,aan ku gaadhnay  in 21/1/2014  uu qabsoomo shirweynihii xisbiga Kulmiye. ayuu yidhi gudoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynah xisbiga Kulmiye.

 kulmiye

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna  la hadlay warbaahinta  ayaa guddida uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen qabsoomida shirweynaha xisbiga waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu mahad naqayaa guddida qaban qaabada shirweynaha oo ilaa shalay dedaalaysay oo isku yimid samaystayna  qorshayaashii ay ku shaqayn lahaayeen iyo guddoomiyayaashoodii, waynu daahnay waana qasab inaynu dib u dhacno shirka intaas leeg miisaanka leh sababo badan awgeed”.

 

 Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa u guddida qaban qaabada uga mahad celiyey wakhtiga ay u qabteen inuu qabsoomo shirweynaha xisbiga Kulmiye  waxaanu yidhi ” waxaan aan  idiinka mahad naqayaa inaad keenteen wakhti ku haboon 21/01/2014  waana mudo dhaw marka la eego hawsha idiin taala oo ah hawl badan sida kalana way  dheer tahay oo waa mudo dheer hase yeeshee  waxaanu idinku raacaynaa tiisa, waxa inoo go,aan ah inaynu  shirka xisbiga qabano wakhtigaas,  qaban qaabada shirkuna idinka ayey idinku dhacaysaa waxaanan jecelnahay inay  cid waliba gacan idinku siiso  sidii aad u gudan  lahayd waajibaadka idin saran, waana shir weyn oo ay iskugu imanayaan dad badan, waanan idiin ducanaynaa dadka reer Kulmiye-na  ee walaacsanaana waxaan leeyahay hawshii way dhamaatay”. Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

Hargaysa