Hoggaanka Kulmiye oo Sharraxay Qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku wareejinayo Guddoomiyenimada Xisbiga

Hargesysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa faahfaahiyey Dariiqa Sharci ee loo marayo in Madaxweynaha Somaliland oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu Xilka Guddoomiye-nimo u wareejin doono.

Axmed Cabdi Dheer oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa in Guddoomiye-nimada Xisbiga hab qabiil loola kala wareegayo.

“Xisbiga KULMIYE Guddoomiye-nimadiisa la iskuma wareejiyo, reerana iskuma wareejiyaan, Muuse-na laguma wareejin, hebel kalena lagu wareejin maayo, Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday in Maalinta doorashadu dhacdo in lagu wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga, markaa dariiq bay leedahay, markaa reerana iskuma wareejin, hebelna kuma wareejin hebel, Annaga ayaa gacanta u taagnay, imikana Gacantii ayuun baa la sugayaa”.

“Ninkii isa soo sharraxa ayuun baa codka la siinayaa, Qof kastaana Xaq buu u leeyahay, laakiin wax ay reeru isku wareejinayaan ama Guddoomiyuhu uu Guddoomiye kale ku wareejinayaa ma jirto,”Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo go’aan ay xisbiyada Mucaaradku si wada-jir ah u soo saareen shalay, kaas oo labada xisbi ku soo magacaabeen laba xubnood oo u meteli doona Guddiga Doorashooyinka.

“Muddo badan ayaynu sugaynay in Saddexda xisbi wax isla afgartaan, waana dariiq dheer oo ay Somaliland soo martay in wax kasta lagu dhameeyo Wada-hadal, wallow ay sannadkan naga yara xumaatay oo dhex-gal la nagu sameeyay Arrintaa aanu Maanta ka heshiinay, hadday qaateen Xisbiyadii Mucaaradka ahaa aad iyo aad baanu ugu Hambalyeynaynaa, waanuna soo dhawaynaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net