Hoggaanka Dalka Hanashadiisu Hab loo maray leedahay (Qayb.2-aad)

Eng Hussein Adan Egeh1.    HORDHAC:

Ummadda karaamada leh ee Jam. Somaliland waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito ee dan ummadeed iyo Maslaxad Qaran wadaa uu noqdo mid garan kara culayska uu leeyahay Xilka uu bulshada u hayo, isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo. Ummadda Qiimaha leh ee Jam. Somaliland waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo dulqaataha, addeecaha danta Qaranka iyo u adeegaha ummadda ee Maanta.

Shicibka Xalaasha ah ee  Jam. Somaliland waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito ee dan ummadeed iyo Maslaxad Qaran wadaa uu la yimaaddo:

1.    Aragti iyo fikir mucaaridnimo oo ku salaysan wax dhisid iyo  toosinta wixii dhalliil ah ee jira, balse aan ahayn wax dumin;
2.    Aragti iyo fikir mucaaridnimo oo aan ahayn wax-iska-dheh iyo wax-iska-dhici balse ku salaysan xaqa iyo runta oo loo hiiliyo isla markaana xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga oo la diido;
3.    Aragti iyo fikir mucaaridnimo oo ku salaysan bulshada oo la mideeyo balse aan ahayn bulshada oo fidmo la dhex dhigo oo la iska horkeeno, iyo weliba dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo;
4.    Aragti iyo fikir mucaaridnimo oo ku salaysan isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya isla markaana u horseeda xukuumad ka tayo wacan ta hadda joogta;
5.    Aragti iyo fikir mucaaridnimo oo ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysiga, fidmo iyo xaalad-abuurka;

Isku soo wada duuboo fikir ahaan waxaan is leeyahay arrimahan kor ku xusan ayaa ah kuwa Hoggaamiyaha Berrito u horseedi kara inuu si dhab ah u hiigsado hoggaanka ugu sarreeya talada dalka, isla markaana Xisbigiisa u suurto gelin kara inuu si dhab ah ula tar-tamo Xisbul Xaakimka iyo Xukuumadda hadda talada haysa.

Quluub Wadajirtaa Qaran lagu Dhisaa

Isbedellada Dhaqan-Dhaqaale ama Siyaasadeed iyo Amni ee waqtigan casriga ah ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo daafaha kale ee dunidaba, waxa lagama maarmaan ah inaanad marnaba ka maqnaan Madal ama Gole magacaagu yaallo, ama lagu gorfaynayo arrimo si toos ah iyo si dadbanba saamayn ugu yeelan kara danaha iyo maslaxadaha dalkaaga. Cidda aad is-haysaan miiska ay fadhiyaan waa inaad dhinaca kale ka soo fadhiisataa oo idinkoo siman aad sheegataa wixii aad gar iyo dawba u leedahay. Cid mar walba ku ducaysata inaad ka maqnaato, haddii aad u rumayso wax kasta oo uu goobtaa kaga hadlo waa u meel mar!!

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay si quman oo qoto dheer u fahantay ka faa’iidaysashada fursadaha cusub ee ka abuurmay isbedellada siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ee dunida ka socda. Taasoo Qaranka Jam. Somaliland u keentay xidhiidh iskaashi iyo wax wada qabsi oo caalami ah; ha noqoto xagga dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, gaashaandhigga, horumarka aqoonta iyo teknoolojiyadda, ka hortagga colaadaha iyo kobcinta nabadda, daryeelka xuquuqda aadamaha, iwm.

Haddii aynu nahay Jam. Somaliland, dalka Soomaaliya waxa ina dhexyaalla wax aynu ka wada hadli karno balse aan iyaga haba yaraatee muhiim u ahayn, taasoo ah Qadiyadda Gooni Isu-taagga Jam. Somaliland. Haddaba haddii aynu inagu qadiyaddeena bulshada caalamka ka iibin weyno oo meel walba u mari weyno, ma waxaynu filaynaa in dad aan jiritaankaagaba ogolayni ay fagaarayaasha caalamka inooga hadli doonaan, ama ay wanaagba inaga sheegi doonaan, oo ay odhanna doonaan reer Somaliland baa maqane xaqooda ha loo dhigo?! Xaaasha!!! Ha u fadhiyin taa!!

Ummad ahaan waxa  waajib inagu ah inaynu si buuxda u taagerno oo aynu garab istaagno tallaabo kasta oo ay Xukuumaddu qaado oo lagu baadi goobayo ictiraafka iyo gooni isu-taagga Qaranka Somaliland, iyadoo aanu marnaba gor-gortan geli karin madaxbannaanida iyo gooni-isutaagga Qaranka Jam.Somaliland, lagana duulayo shuruucda iyo xeerarka ku qoran Distoorka Qaranka Jam. Somaliland. Weynu ku qasbanahay inaynu Soomaaliya la hadalno goob kasta iyo goor kastaba! Waayo innagaa dan leh!!

3.    Gabagabo:

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL, kasbashada kalsoonida shacbiguna waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada wax-qabad ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo.

Xukuumadda waxa la gudboon inay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay shacbiga JSL si miisaan iyo mugba leh ugu gudbin lahayd in horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumaddu ku tallaabsato ayna cidina gaar u lahayn balse iyagu (shacbiga) ay yihiin kuwa leh ee u aayi doona horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha.

Waxa jira Kooxo iyo Siyaasiyiin iyagu wata dano gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga, kuwaasoo aan haba yaraatee garanaynin jihada ay bulshada u wadaan iyo waxay ka gadayaan midnaba. Siyaasiyiintan iyo Kooxahani maaha kuwo hore loo hubiyey dal-jacaylkooda, dareenkooda-waddanimo, u-damqashada shacbiga iyo sida ay danta-guud-u-daryeelayaan midnaba. Kooxahani waxay dedaal adag ugu jiraan in guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato  shacbiga ugu macneeyaan guul-darro iyo dib-u-dhac ragaadiyay danihii Qaranku lahaa.

 

Haddaba, Xukuumaddu ha ka feejignaato AAFADA ay Kooxahani shacbiga dhexdiisa kula wareegayaan. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waxa looga baahan yahay inay si dhab ah uga hawl-gasho inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin.  Waa lagama-maarmaan in la difaaco hurumarka, hiigsiga iyo himilada ay ummaddu JSL leedahay.

Guntii iyo gebagabadii, hanka iyo hamuumta Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya laguma hanan karo cay, aflagaado iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Tubta ay haatan hayaan Xisbiyada Mucaaridku ee JSL maaha mid marnaba u horseedaysa inay ku gaadhaan hadafka iyo yoolka-kursi-doon ee ay leeyihiin.

Xisbiyada Qaran ee Mucaaridkana waxaan leeyahay: “Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya hanashadiisu hab loo maray leedahay ee Ninkii Kursiga Maaganow, Waddada Xilka loo Mariyo, Masraxa Kaalay Doorashada

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|