Hoggaanka Daladda SONYO oo Tacsi u diraya Ehelkii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Sh. Nuux Furre

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarak Ismaaciil Taani, Dhammaan Xubnaha Golaha sare ee SONYO, Dhammaan isuduwayaasha Gobolada iyo Guddoomiyayaasha Ururada dhallinyarada Somaliland Ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed iyo Shaqaalaha Xarunta Dhexe, Wakiilada SONYO ee dalalka Dibadda iyo Xafiiska qaaradda Yurub ee SONYO waxa ay Tacsi u dirayaan Eehelkii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka reer Somaliland Geeridii Ku Timid Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Guurtida Somaliland oo maanta lagu aasay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa ay marxuumka ILAAHAY uga baryayaan in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo innagana Sabir iyo Iimaan inaga siiyo. Aaaamiin ………….. Aaamiiin………….. Aaamiiin