Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Gacanta Carbeed oo weerar diyaaraded lagu dilay

Qaahira, (SLpost)- Hoggaamiye sare oo ka tirsan Urur-weynaha Al-Qaacida isla markaana Maraykanka uga diiwaan-gashanaa khatarta ugu weyn ee dalkaasi amaanka gudihiisa baqdinta uga qabo, ayaa maanta la dilay.

Anwar Al-Awlaki oo ururka u qaabilsanaa hawl-gallada ay ka wadaan Gacanka Carbeed isla markaana ah ninka ugu horreeya muwaadiniinta Maraykanka ee CIA-da Maraykanku raadinayso, waxa dilkiisa soo tabiyey saraakiil ka tirsan xukuumadda Yemen.

Waxa loo malaynayaa inuu ku dhintay weerar diyaaradeed, in kasta oo aan la kala caddayn Karin in Ciidamada Maraykanka ama kuwa Yemen ay qaadeen hawl-galka weerarka. In kasta oo saraakiisha Yemen hore u faafiyeenu in Awlaki la dilay dhammaadka sannadkii 2009, balse markii dambe warkaasi beenoobay.

Al-Awlaki ayaa ahaa ninka kaliya ee laga yaqaano Al-Qaacidada Gacanka Carbeed iyo weliba isaga oo ka mid ahaa ragga ugu horreeya ee CIA Maraykanu si weyn baadi-goobka ugu jireen.

Qoraal maanta lagu baahiyey warkan ayay wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Yemen ku sheegtay, “Ninkii Argagaxisada ahaa ee Anwar al-Awlaki iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa hawl-gal lagu dilay.” Haseyeeshee, wasaaraddu wax faah-faahin oo intaas ka badan kamay sheegin geerida al-Awlaki iyo cidda dilkiisa fulisay.

Haseyeeshee, xogo laga helay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka dalkaas ayaa sheegay in subaxnimadii maanta al-Awlaki ku dhintay weerar diyaaradeed oo lagu qaaday laba baabuur oo marayey deegaan ka tirsan gobolka Marib ee Bariga dalkaas oo Ururka Al-Qaacida xoog ku leeyahay.

Hoggaamiyahan dhimashadiisa la shaaciyey oo si wanaagsan ugu hadli jiray luqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga, waxa la sheegay inuu dhiirrigelin jiray weerarrada lagu qaadayo Maraykanka, waxaana loo arkayey in hindisi kara ama la qaadan karayey fekerkiisa ku aaddan weerarrada Al-Qaacida ku qaaddo dalalka reer Galbeedka.

Waxa la rumaysnaa inuu isku qarinayo deegaanno ku yaala dalka Yemen, waxaanay Maraykanku u arkayeen khatarta ugu weyn ee wax yeeli karta amaanta gudaha dalkaas, maxaa yeelay waxa uu ku dhashay gobolka New Mexico ee Maraykanka isaga oo markii dambena imam ka noqday Masjid ku yaala gobolka Virginia ka hor intii aanu dalka Maraykanka uga haajirin Bariga Dhexe.

Saraakiisha Maraykan ayaa sheegaya in al-Awlaki uu kaalin muhiim ah ku lahaa isla markaana caawiyey isku-dayga weerarkii uu fulinayey wiilkii da’da yaraa ee u dhashay dalka Nigeria, Umar Farouk Abdul Mutallab, kaas oo isku dayey inuu qarxiyo diyaarad isaga gooshaysay qaaradaha Yurub iyo America taas oo bishii Decemebr 25, 2009 fadhiisatay garoon ku yaala magaalada Detroit ee Maraykanka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net