Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Aragtiyo Is-khilaafsan ka bixiyey Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo dhiggiisa Somalia ku dhexmaray Djibouti

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey heshiiska lixda qodob ka kooban ee ay kala saxeexdeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Axaddii Shir ay labada dhinac ku wadahadleen ugu soo gebo-gaboobay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirkaas oo uu marti-geliyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan oo Sabtidii Jabuuti tegay ku kulmeen, kagana wadahadleen arrimo badan, ka dib markii shirkoodu gelinkii dambe ee Sabtidii bilaabmay illaa Axaddiina socday qodobbada ay isla gaadheen mid ka mid ah waxaa saluug ka muujiyey Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ka dalbaday Xukuumaddu inay Golayaasha Baarlamaanka iyo Shacabka Somaliland-ba u fasirto nuxurka rasmiga ah ee qodobkaas oo dhigaya in lagu dhiirrado arrimaha Masiiriga ah ee Somaliland.

HALKAN KA DAAWO