Hoggaamiyaha Urur-diimeedka XISBULLAH oo Xabsiga loo taxaabay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada ammaanka Magaalada Hargeysa, ayaa maanta xabsiga u taxaabay  Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo hoggaamiye u ah urur-diimeed lagu magacaabo Xisbullah oo sannadkii hore Hargeysa lagaga dhawaaqay

Ciidamada Booliska, ayaa la sheegay inay maanta Salaaddii Duhur ka dib ay Sheekha ka qabteen badhtamaha magaalada , iyada oo loo haysto hadalo xiisad abuuray oo uu shalay  ku hadlay mar uu warbaahinta u warramayey.

Sheekh Maxamuud waxa uu ku eedayn u jeediyey xubno Wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsan kuwaas oo uu tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin urur-diimeedyo gobolka ka jira oo halis ku ah ammaanka Somaliland, isaga oo si gaar ah farta ugu goday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle, ayaa la sheegay inuu wakhtigan ku xidhan yahay  xarunta hay’adda dambi-baadhista ee Hargeysa.

Maaha markii u horreysay ee xabsiga loo taxaabo Sheekh Maxamuud Geelle, iyada oo dhowr jeer oo hore loo xidhay arrimo kala duwan. Markii u horreysay ee Xukuumadda Siilaanyo Xabsiga Dhigto Sheekhan, ayaa ahayd bishii November 2012  ka dib markii uu magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Urur-diimeedka Xisbullah oo uu Guddoomiye ka yahay.

Somalilandpost.net/Hargeysa