Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo Socdaal Taariikhi ah ku tagay Koonfurta Kuuriya iyo Taariikh Cusub oo u bilaabantay laba waddan

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-Un ayaa ballanqaaday Taariikh cusub oo ku saabsan xidhiidhka dalkiisa kala dhaxeeya Waddanka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-Un ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Woqooyiga oo abid cagta saara dhulka Kuuriyada Koonfureed tan iyo sanadkii 1953, xilligaasi oo uu dhammaaday dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray labada dal.

kuuriyada3Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-Un iyo dhiggiisa Koonfurta Moon Jae-in ayaa ku kulmay gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaa oo ay gacanta isku salaameen.

Kim Jong-Un ayaa markii uu ka tallaabay xarriiqa kala qeybiya labada dal, waxa uu sheegay in la gaadhay billowga nabad dhex marta labada dal.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa yimi bilo uun kaddib hanjabaadihii dhanka dagaalka ah ee ka imaanayay dhanka Wqooyiga.

Kulanka ka hor, waxaa lagu sii heshiiyay waxyaabaha ay tahay in ay labadani hoggaamiye ka wadahadlaan, balse dadka falanqeeya arrimaha gacanka Kuuriya ayaa waxa ay shaki gelinayaan daacadnimada debecsanaanta ay muujineyso xukuumadda Pyongyang.

 

Maxaa muhiim ka dhigaya kulankan?

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay oo dhex mara hogaamiyeyaasha labadani dal muddo ka badan toban sano ayaa loo arkaa tallaaba loo qaaday dhanka nabadda, gaar ahaanna gacanka Kuuriya.

Waxa uuna sidoo kale noqonayaa kii ugu horreeyay oo Kim Jong-un uu ka qeybgalo.

Kulankan ayaa sidoo kale rajo wanaasgan u ah nabad ka dhalata gacanka Kuuriya, maadaama qodobada laga wada hadlayo ay yihiin kuwa khuseeya tignoolajiyadda hubka Niyuukleerka, xayiraadaha kala geeyay qoysaska labada dhinac ku kala nool iyo in fursad la siiyo sidii loo gaari lahaa iskaashi dhaqaale.

kuuriyada2Kim oo hadal ka jeediyay tuulo ku taala xudduudda labada dal oo uu kula kulmay dhigiisa Koonfurta ayaa waxa uu sheegay in maanta ay dhigayaan taariikh cusub oo horseedi doonto nabad, barwaaqo iyo xiriir wanaag dhex mara labada Kuuriya.

“Tariikh cusub ayaa hadda inoo billaabanaysa,” ayuu ku qoray buugga martida ee caadiyan martidu ay saxiixdo marka ay meel booqanayaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalku uu miro dhal ku dhammaan doono oo la gaari doono xal nabadeed, ka hor shir usbuucyada soo socda la qorsheynayo in ay wada yeeshaan Kim Jong-Un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

 

Maxaa laga yidhi arrinta hubka Niyuukleerka?

Wadahadalka ayaa laga yaabaa in diiradda lagu saaro sidii heshiis looga gaari lahaa barnaamijka Niyuukleerka Kuuriyada Woqooyi, kaa oo tobankii sano ee la soo dhaafay xawli ku socday.

Xukuumadda Seoul waxa ay sheegtay in ay adkaan doonto in xukuumadda Pyongyang heshiis lagala gaaro joojinta hubkeeda Niyuukleerka.

Kim Jong-Un waxa uu usbuucii hore shaaciyay in uu hakinayo tijaabada hubkiisa Niyuukleerka.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa labaduba aad u soo dhaweeyay tallaabadaasi, balse cilmibaarayaal u dhashay dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in goobta lagu tijaabiyo Niyuukleerka Kuuriyada Woqooyi aanan hadda la isticmaali karin maadaama uu dhagax weyn ku dhumay goobtaasi, xilligii ugu dambeeyay ee ay Pyongyang tijaabisay hubkeeda Niyuukleerka.

Marka laga soo taga arrinta la xiriirta hubka Niyuukleerka, hoggaamiyeyaasha labadani waddan waxaa la filayaa in ka wadahadlaan sidii rasmiyan loo dhameyn lahaa dagaalkii labada dal dhex maray 1950 ilaa 1953 iyo arrimaha la xiriira dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

 

Sidee ayaa heerkan lagu soo gaadhay?

Dad yar ayaa saadaalinayay in horumar noocani ah laga gaari karo arrinta gacanka Kuuriya maadaama Kuuriyada Woqoooyi ay wali sii wadday kobcinta hubkeeda Niyuukleerka iyo tijaabada gantaaladeeda riddada dheer iyo dagaalka dhanka afka ah ee ay gunta u gashay laga soo billaabo sanadkii 2016 ilaa 2017.

Ifafaalada dib u heshiisiinta labadani dal ayaa soo ifbaxday bishii Janaayo ee sanadkan, xilligaasi oo Kim Jong-Un uu muujiyay in uu diyaar u yahay in uu wadahadal la yeesho Kuuriyada Koonfureed.

kuuriyadaBil kaddib, labadani dal waxa ay wada hugadeen hal calan xilli ay furmayeen ciyaaraha Olombikada qaboobaha.

Debecsanaanta diblomaasiyadeed ee uu muujiyay Kim waxay horseeday in xaaladda heerkan la soo gaarsiiyo, waxaana ka sii horreeyay kulan bishii Maarso uu la yeeshay mas’uuliyiin sarsare oo ka yimid dhanka Koonfurta.

Kulankaasi kaddib waxaa soo baxay warka ah in Kim Jong-Un uu sidoo kale la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

 

Sidee ayuu kulanka ku billowday?

Hoggaamiyeyaasha labadani waddan ayaa dhanka Kuuriyada Koonfureed waxaa ku soo dahweeyay ciidamo ku lebisan dharka dhaqanka ee Kuuriyada Koonfureed, kuwaa oo ay ka qaateen salaam sharaf, kaddibna waxa ay gaareen dhismaha Nabadda ee ku yaalla tuulada Panmunjom, oo ah dhismo ku yaalla aag milatariga ka caagan oo u dhaxeeya labadani waddan.

Dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa aad ula dhacay markii ay arkeed labadani nin oo gacmaha is haysta oo marba dhinac uga tallaabaya qadka kala qeybiya labada dal.

Markii hore, Kim Jong-Un ayaa u tallaabay dhanka Koonfurta halkaa oo uu ku salaamay dhigiisa Koonfurta Moon Jae-in. Kaddib waxay isla aadeen dhanka Woqooyiga, ka hor inta aysan ku laaban dhanka Koonfurta iyaga oo gacmaha is haysta.

Marka la eego qaabka ay labadani hoggaamiye u kulmeen, waxaa la dareemi karaa in aan horey loo sii qorsheyn waxyaabaha qaar ee ay sameynayeen sida in marba ay dhinac u tallaabaan.

Qeybtii hore ee kulanka ayaa soo dhammaaday waxana hoggaamiyeyaashani uu midba goonidiisa u aaday qado. Kim waxa uu woqooyiga u aaday qada, isaga oo raacay baabuur kuwa raaxada ah oo aad loo ilaalinayo.

Maanta gelinka dambe ayaa loo ballansan yahay in wadahadalka la sii wado.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale hareeyay kaftan kaddib markii Kim Jong-un uu yiri ” waxaan filayaa in aad ka heli doontaan baastada aan keenay.”

Kim horaan loogama baran kaftan gaar ahaan marka ay timaado arrin u dhaxeysa dalkiisa iyo dalka deriska ah ee Kuuriyada Koonfureed iyo waliba Mareykanka.

 

Muxuu yahay qorshaha maanta?

Wax kasta oo kulankani ku saabsan horey ayaa loo sii qorsheeyay, gaar ahaanna jadwalka wadahadalka iyo xitaa nooca cashada caawa loo ballansan yahay.

Kulan loo ballansan yahay galabta ayaa hoggaamiyeyaashani waxa ay si wada jir ah u tallaali doonaan geed, iyadoo carrada iyo biyaha lagu tallaalayo laga keenayo labada dal. Ujeedadan ayaa ah in la muujiyo astaan nabadeed.

Kulanka ayaa ku soo dhammaanaya hoggaamiyeyaashani oo wadajir u saxiixaya heshiis, waxa ayna wadajir u jeedin doonaan hadal, ka hor inta aysan casho tegin.

Kim waxaa wadahadalka ku wehliya sagaal mas;uul oo kale, waxaana ka mid ah walaashii Kim Yo-jong oo awood iyo saameyn weyn ku leh arrimaha dalkaasi.

XIGASHO: BBCSOMALI