Hoggaamiyaha Al-shabaab oo gargaarka loo fidinayo Abaaraha Soomaaliya ku tilmaamay mid siyaasadaysan

Hoggaamiyaha Alshabaab
Hoggaamiyaha Alshabaab

Muqdisho (SLpost) – Hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abu-Zubeyr) oo magaciisa saxda ahi yahay Axmed Cabdi Godani oo cajalad maqal ah soo gaarsiiyay warbaahinta ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimo iyo dagaallada ay kula jiraan ciidamada DKMG ah iyo AMISOM.

Hoggaamiyaha maleeyashida Al-shabaab wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-gargaaraan si aanay ugu baahan shisheeye, isagoo xusay in gaalada aanay kaalmeeynin dad muslimiin ah, balse ay doonayaan inay ku iibsadaan ama ay ku gumeystaan waxa ay bixinayaan.

“Waa inaan ogaanno inay jiraan dowlado, ururro iyo hay’ado ka ganacsada dhibka ummadaha ku dhaca, qaylo-dhaantooduna aanay ahayn mid ay uga damqanayaan dhibaatada dadka ku dhacday, balse ay tahay inay dhaqaale ku urursadaan, una adeegsadaan dilka ummaddaas iyo inay ku taakuleeyaan ciidamada shisheeye,” ayuu yiri Axmed Godane.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay si looga gaashaanto abaaraha in dhulalka oomanaha ah laga qodo ceelal lana dhiirigeliyo oo ay u jeedsadaan wax-soo-saarka beeraha, isagoo ugu baaqay dadka gobollada ay Al-shabaab ka taliso, ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibadda inay arintaas fuliyaan.

Dhanka kale, Axmed Godane waxa uu ka hadlay dagaallada ay kula jiraan DKMG ah iyo AMISOM, isagoo sheegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo ay rajeynayaan inay iyagu ku guuleysataan.

“Wejiga cusub ee dagaalka ay mujaahidiintu bilaabeen waxay rajeynayaan inuu ku dhammaado guul, shacabkana waxaanu ugu baaqaynaa inay qayb ka qaataan si looga guuleysato cadowga,” ayuu hoggaamiyuhu ku sheegay cajaladda uu soo diray.

Waxa uu shacbiga ku booriyay inay jihaatamaan isagoo sheegay in haddii ay jihaadka ka fariistaan ay dunida ku noolaan doonaan dulli, aakhirana ay la kulmi doonaan cadaab Alle oo daran.

Somalilandpost.net

Muqdisho Office

Nuuriye10@yahoo.com