Hogaanka UCID Oo Qaadacay Heshiis Guddoomiyahoodu La Gaadhay Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, (SLpost)- Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee  UCID, Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbigaas ayaa gaashaanka ku dhuftay heshiis uu guddoomiyahoodu la gaadhay xisbiga talada haya ee KULMIYE, kaasoo la xidhiidha in muddada xukuumadda loo kordhinayo ay noqonayso sannad iyo badh, isla markaana maanta ay si wada-jir ah Faysal Cali Waraabe iyo Muuse u gudbiyeen golaha guurtida, halka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu qaadacay. “Wax wada-tashi ah oo xisbigu ka yeeshay iyo meel uu Gudoomiye Faysal xisbiga kala hadlay ma jiro, mana aha wax aanu aqbalayno” Sidaa waxa yidhi musharax Jamaal oo sheegay in aan lagala tashan, isla markaana aanu ogolayn arrinkaas.UCID

Waxa uu intaas ku daray musharaxa UCID oo yidhi. “Anigu halkan Maraykan ayaan joogaa, cid igala hadashay iyo cid igu soo wargalisay ma jirto arinkan, mida kale aniga iyo Cabdirashiid Xasan Mataan waxaanu nahay musharixiin arrintani toos u saamaynayso, mana jirto wax la naga ogeysiiyey..”

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xgeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa war-saxaafaddeed uu kasoo saxeexan oo kasoo baxay xafiiska xisbigaas ku sheegay inaanu xisbigoodu waxba ka bedelin mawqifkiisii ku wajahnaa qabashada doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiillada ee 1-da bisha June 2016-ka.

Waxaanu u qornaa war-saxaafaddeedkaasi sidan:-   “Sidii hore ay isula ogolaadeen komishanka doorashada iyo sedexda xisbi qaran madaxwaynaha iyo qaadhaan bixiyayaashuna ay kula waafaqeen oo aanu u aragno inuu yahay wakhtiga ugu horeeya ee suurtogalka ah, xisbi ahaan waxba iskamay kaaya bedelin.

Wada tashigii ay guddida guurtida ka socotay ay sida gaar gaarka ah ula yeelatay xisbiyada qaranka, mawqifka xisbiga ucid waxa si cad oo aan madmadow lahayn u qeexay gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe, isaga oo weliba si faahfaahsan uga xog waramay duruufaha adag ee ku xeeran iyo aragtida dhinaca bulashada caalamka.

hadaba doodihii iyo shir doceedyadii ay yeesheen xisbiyada qaranku maaha in si qaldan loo tarjunto oo loo fasiro in xisbiga ucid uu ka noqday heshiiska loo wada dhan yahay ee taariikhda qabashada labada doorasho ee 1da bisha june 2016. ujeedada ugu muhiimsanyd ee keentay kulamadan dambe waxay ahayd markii ay xisbiyadda qaranku is tusuyeen in xubno guurtida ahi ay wadaan muddo kordhin ka badan laba sanadood. si taa loo hor joogsado waxay ugu dambaystii sedexda xisbi ku heshiiyeen in si muddo kordhinta guurtidii wadaa aanay u noqon mid dabo furan oo noqon karta intay doonto loo asteeyo xad aanay dhaafi karin oo ah muddo shan bilood iyo badh oo sedexda xisbiba isla ogolaadeen

hase yeeshee waxa nasiib darro ah in gudoomiyaha xisbiga waddani aanu saxeexin wixii lagu heshiiyay ee qof ahaan iyo xisbi ahaanba uu qaybta ka ahaa, iyada oo ilaa hadda aanaan xisbi ahaan gaaranayn sababta gudoomiye c/raxmaan ciro uu uga baxay heshiiskaa, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wixii ka yimaada baritoole golaha guurtidana uu gudoomiyaha waddani masuul ka yahay,maadaama uu ka baxay heshiiskii iyo go,aankii dabarka u ahaan lahaa guurtidda hamuunta u qabta mudo kordhinta sharci-darada ah.”
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta wada-qabteen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi inay saddexda xisbi ku heshiiyeen, isagoo tilmaamay in heshiiskoodaas ay keentay duruufo ay ogaadeen oo sababaya in sannadka ay komishanku soo jeediyeen, lagu daro lix bilood, si loo dhamaystiro xeerarka doorashooyinka qaarkood oo qabyo ah iyo hanaanka saamiga qaybsiga kuraasta wakiillada oo uu xusay inay tahay arrin adag oo u baahan waqti., waxaana ka mid ahaa hadalkiisii. “Waxaanu baryahan ka shaqeynaynay si aanaan guurtida ugu sii wada dayn majarafaha oo aanu meel dhexe isugu nimaadno oo aanu duruufaha eegno, markaa waxaanu isla garanay in doorashada la qabto bisha November 15-keeda, ee sannadka 2016, isla markaana aanu soo jeedintayada u gudbino guurtida , markii aanu isla eegnay xilligii komishanku cayimay, waxaanu aragnay inay jiraan duruufo kale oo aanay iyagu ogayn, kuwaasoo uu ka mid yahay xeerarkii oo aan samaysnayn, saami qaybsiga oo ah arrin nagu adag oo ay tahay in distoorka dib loo eego, sidaasaanu isla garanay oo arrintana guurtida aanu kusoo celino saddexdayada xisbi iyo xukuumadduba waanu u dhamayn.”

Hadalladan iska soo horjeeda ee masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa u muuqda kala daadsanaan iyo wada-tashi la’aan ka jirta dhexdooda, isla markaana horseedi karta khilaaf ka dhex qarxa xisbiga guddihiisa.

Somalilandpost.net