Hogaanka Boko Xaaraam oo Beeniyay Inuu Dhintay

 

Hargyesa(SLpost)-Hogaamiyaha Boko Xaraam Abubakar Shekhau oo cad deggan ku hadlayay ayaa been cad ku tilmaamay wararka sheegaya in uu dhintay, naafo noqday ama uu xanuunsan yahay.

Waxa uu sheegay inuu noolyahay, oo uu dhimanayo marka uu waqtigiisa kasoo dhammaado xagga Alle.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha Chad, Idriss Deby wuxuu sheegay in mintidiintu ay magacaabeen hogaamiye cusub, taasoo keentay in la is weydiiyo in Mr. Shekau uu dhintay.

Codka lasoo duubay oo 8 daqiiqo ahaa ayaa Abubakar Shekhau oo ku hadlayay luuqada Hausa, waxa uu si jeesjees ah usoo qaatay hadal dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, oo ahaa in saddex bilood gudahooda lagu baabi’in doono ururka Boko Xaraam.

In kasta oo uu socdo dadaal heer gobol ah oo lagula dagaallamayo Boko Xaraam, ayaa haddana ururkaasi waxa uu wadaa weerarrada argagaxa leh ee uu ka fulinayo Nigeria iyo weliba dalalka deriska la ah.