Hogaamiyihii Mucaaradka Koonfurta Suudaan Oo Dalkiisa Ku Laabtay Laba Sano Oo Dagaalo Ah Kadib

koonfurta sudanHargeysa(Slpost)-Hogaamiyaha mucaaradka ee South Sudan, Riek Machar, ayaa dalkiisa kusoo laabtay si uu ula wareego jagada cusub ee ah madaxweyne ku xigeenka.

 

Tani ayaa ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhaqangelin karo heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii December ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.

Afhayeen u hadlay Riek Machar ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hogaamiyaha mucaaradka uu kusoo laabtay dalkiisa.

Mr Machar ayaa hadda ku sugan xarunta mucaaradka ay ku leeyihiin bariga South Sudan, gaar ahaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Itoobiya.

Waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah uu gaaro caasimadda Juba oo ay ugu dambeysay laba sano ka hor.

Beesha Caalamka ayaa xoogga saartay sidii ay labada dhinac u meelmarin lahaayeen heshiiskii ay gaareen bishii August ee lasoo dhaafay.

Todobaadkii lasoo dhaafay, in ka badan 1300 oo ah xooggaga mucaaradka ayaa la geeyay Juba, taaso oo qeyb ka ah qodobada heshiiska.

Askartaasi ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Mr Machar, ka dib markii uu sidaa codsaday.

Waxaa dhowr jeer ooh ore burburay heshiis ay labada dhinac gaareen, sidaa awgeed waxaa la fili karaa in is-aaminaad la’aan ay ka dhex taagnaato dowladda cusub.

Balse shacabka dalkaasi oo ka daalay colaadda ayaa rajeynayaa in dowladda KMG ah ay si wanaagsan u shaqeyso.