Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika Oo U Ballansan Baanashada Banaan-baxyada Burundi

Dara-salam, (SLpost)- Madaxda dalalka bariga Afrika ayaa maanta ku kulmaya caasimadda dalka Tanzania ee Daral-salaam, si ay uga wada hadlaan qalalaasaha siyaasaddeed ee hadheeyay dalka Burundi.maxresdefault

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la filayaa inuu kullanka ka qaybgalo, waxaanay hogaamiyeyaasha kulankaas kazoo xaadirayaan ay inay xal ka gaadhaan soo celinta nabadda ee dalka Burundi.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay dibad-baxyo ka dhacay magaalada Bujumbura, markii madaxweynuhu uu shaaciyay inuu markale u tartamayo xilka madaxtinimada dalkaas, waxaana ku baracakay tobannaan kun oo qof, kuwaasoo waddamada deriska la ah u qaxay.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa illaa iyo hadda diiday baaqyada uga imanaya Mareykanka, Afrika, iyo midowga Yurub, ee ah inaanu isasoo sharixin ama xilliga doorashada dib uu u dhigo.

Maanta waxa uu hor-fadhiisanaya qaar ka mid ah dadkii ku boorinayay inuu ka tanaasulo rabitaankiisa.

Hogaamiyeyaasha ku shiraya Tanzaniya waxay doonayaan inay badbaadiyaan heshiis 15 sano ka hor Daras-salaam lagu saxeexay, kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee Burundi.

Nkurunziza ayaa dalka hogaaminayay 10 sanno, mucaaradka ayaa ku dooddayaa inuu dhamaystay xilligii loogu talo-galay ee dastuurka dalkaasi uu u ogolaanayo. Laakiin waxa uu dhankiisa isku difaacayaa madaxweynuhu in markii ugu horeysay ay doorteen baarlamaanku oo aanay shacabku u codeyn.

Todobaadkii hore, maxkamadda dastuurka ee Burundi ayaa taageertay rabitaanka madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Somalilandpost.net