Hilal Al Assad oo lagu dilay dagaalo ka dhacay Siiriya

Siiriya SLPOST) Hilal al Assad oo ay ilmo adeer yihiin Madaxweynaha Siiriya Bashaar Al Assad ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Kasab ee ku taal gobalka Latakiya ee galbeedka wadankaasi Siiriya.

 Hilal-al-Assad-400x300

Gobalka Latakiya ayaa ah gobal ay ku badan yihin Calawiyiinta Siiriya, waana gobalka ay kasoo jeedaan reer Assad.

Dagaalka ka socda magaalada Kasab ayaa bilowday Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in xalay duqeymo ay dagaalyahanada mucaaridka ku dileen Hilal Al Assad oo ahaa Taliyaha ciidamada difaaca Siiriya ee gobalkaasi Latakiya.

Telefishinka dowlada Siiriya ayaa xaqiijiyey dhimashada hogaamiyahan iyo koox kamid ah ciidamadii la socday kadib markii lala helay madaafiic ay soo tuureen kooxaha mucaaridka ah.

Kooxda Ciidamada Islaamka (Jaysh Al Islam) ayaa sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen duqeyntii lagu dilay Hilal Al Assad.

somalilandpost.net

hargeysa/Somaliland