HIIL-SHARCI: KHILAAFKA GOBOLKA SAAXIL Ee Wershadda Sibidhka Iyo Bixinta HAAMAHA Shidaalka – By Salidhige

Garyaqaan Salidhige
Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-dhige) ahna Garyaqaan mutawac (Voluntary Lawyer) ah ayaa waxaan halkan si kooban aan uga yara hadlayaa isla markaana aan iftiiminaya mawduuc iyo sababata khilaaka ka taagan Dhismaha Warshadda Sibidhka ee Berbera iyo Arimka Maamulidda Haamaha Shidaalka ee Berbera.

KHILAAFKA GOBOLKA SAAXIL Ee Wershadda Sibidhka

Ugu horayn, Khilaafka maanta ka taagan Gobolka Saaxil waa Khilaaf togan (Positive Conflict),  waa khilaaf ina tusinaya baahida bulshadu ay u qabto inay hesho Shuruuc iyo Xeer Nidaamiyeyaal Maamul oo qeexa wada lahaansha iyo kala lahaanshaha hantiyeed, sida deegaanada iyo Khayraadkooda loo kala leeyahay iyo sida loo wada leeyahay, waana lagama maarmaan inaynu helnaa Shuruucdaas, inshaa allaahna dhakhso ayeynu samaysan doonaa, oo haddii dawladu ay diido samayntooda, dhibaataduba way inagu khasbi.

Si waafaqsan Qodobka 12 ee Dastuurka JSL Dhulka iyo Dalka JSL waa Hanti Guud oo la wada leeyahay. Sidoo kalena waa Hanti la kala leeyahay. Haddaba, wada lahaanshaha iyo Kala lahaanshaha Hantiyeed waxa nidaamiya waa Sharciga. Maqnaanshaha iyo Qaddarin la’aanta Shuruucda dalka u taalana waxay sababaysaa in dadku ay isku dhacaan, isla markaana Bulshadu ay dhibaato kala kulanto.

Dawladda ayaa ka masuul ah Hantida guud ee dalka, laa taa macnaheedu ma aha indho la’aan iyo qarjajac ay wax ku maamulato. Dawladdu waxay wax ku yeelataa waa Shuruuc iyo Nidaam, laakiin ma aha Af (Hadal Afeed), xoog-xoog, iyo indho la’aan. Dawladda waxa looga baahan yahay inay diyaariso oo ay samayso Shuruucdii iyo Nidaankii loo mari lahaa ee ay ku yeelan lahayd iyadu, dadkuna wax ku kala yeelan lahaayeen. Laakiin ma aha in Dawladdu ay Haykal ARGAGIXISO ah iyo Shaadh Hagardaamo oo marba nin soo xidho. Dawladnimo waa Karam iyo Burji umadeed.

Khilaafkan Gobolka Saaxil ee ku saabsan arinka dhismaha Warshad labaad oo Sibidhka ahna, waa khalad ka yimid laba Madaxweyne oo u dhibaataysan Qol Mugdi ah oo Shaydaanku ka dhex dhistay Qasriga Madaxtooyada, qolkaas oo anigu aan ugu magac daray Qolka Mugdiga ah ee Wasakhaysan (A Dirty Darkroom), labadaas Madaxweyne oo kala ah 1) Madaxdweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud SIILAANYO, laba Madaxweyneba waxay dhinacyada khilaaka u kala qoreen laba warqadood oo khaldan oo ku yimid sidan:-

(1) M/weyne Daahir Rayaale Khalad buu ku bixiyey Lahaanshaha Warshada sibidhka oo Qolada Ganacsatada ah ee Ciise Muuse oo waxa la sheegaayey in qadar lacag ah oo gaadhaysa $ 100,000 USD ay ganacsatadaasi siiyeen xiligaas M/weynaha;

(2) Sidoo kalena Madaxweyne SIILAANYO khalad buu ku bixiyey lahaansha iyo ogolaanshaha dhismaha Warshad cusub oo tii hore laga garab furto, oo Qolada huwanta ah ee DAHABSHIIL horjoogaha uu ka yahay, waxaana la sheegayaa in DAHABSHIIL uu siiyey madaxweynaha lacag fara badan oo xiligii Ololaha ah, taasi oo si gashii uu u soo ceshado loo siiyey.

Haddaba, xaalku si kastaba ha ahaatee DAHABSHIILNA maha Habarjeclo oo wa nin ganacsade danley ah, Qoladaas kalena ma aha CIISE MUUSE ee waa niman ganacsato danley  ah, meeshaasna ma taalo wax loogu yeedho Habarjeclenimo iyo Ciise Muusenimo iyo Qabiilnimotoona, Dadkaasina waa niman Qawlaysato ah oo si khaldan u adeegsanaya JEEBKOODA iyo qaddar lacageed ee WASAKHA-DUNIYAHA ah ee illaahay (SWT) uu siiyey, kuwaasoo ku wasakhaynaaya kuna jaaha wareerinaaya Bulshada iyo Madaxweyneyaasha dalka. Waxa loo baahan yahay in Bulshada dan yarta ahi ay hesho Shuruuc iyo Xeernidaamiyayaal difaaca xuquuqaha dan yarta ee aan hadloon karin, isla markaana dadka ka qabta xadgudubka ay wadaan dadka jeebka awooda weyn sida Ganacsatadaas iyo Dawladdaba ee xooga isbiday.

Waayo, Sharciga asal ahaanba waxa laga samaystaa waa cidda awooda badan ee xadgudbaysa si loogu dabro, waxana Sharciga loo sameeyaa in lagu difaaco xuquuqaha iyo cidda tabarta daran.

Ganacsatada dalku waxay xaq u leeyihiin inay Dawladooda ay ka helaan Shuruucdii iyo Xeerakii iyaga dhexdooda kala qaban lahayd, sidoo kalena ka qaban lahayd dadka kale ee ka jeebka roon ee Dusha lagaga keenayo ee ah sida Tusaale: Shirkadii TOTAL, Al-Jaabiri, ee Qawlaysatada iyo bililiqo doonka iwm. Waayo Ganacsatada dalku iyada ayaa uga xaq leh Ganacsatada Shisheeye ee Dusha lagaga soo tuurayo.

Sidoo klae Ganacsatada yar yare e deegaamamada dalku iyaga ayaa uga xaq badan ganacsatada kale ee u dhashay deegamada kale ee dusha laga soo tuurayo, ee arimaha la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka deegaamadooda iyo dalkoodaba.

Dulmiga illaahay baanacay, Illaahy (SWT) waxa uu xadiis al-qudus ku yidhi “Anigu Dulmiga Waa ka Xarmay Naftay, waxaanan dhexdiina aan ka dhigay xaaraan, ee Ha is Dulmiyana” Sidaas darted waxa loo baahan yahay Sharcigii xad gudubka Ganacsatada ka qaban lahaa Bulshada dan yarta ah ee guud ahaa JSL gaar ahaana reer Saaxil.

Dahabshiil iyo Nimanka ganacsadata yar yar ee Ciise Muuseba waxay xaq u leeyihiin inay dalkooda iyo deegaanadoodaba ay ka ganacsadaan oo ay ka shaqaystaan, laakiin waxa shardi ah in la helo Qolooyinka hirdamaya ee sida Muuse Dalab, Dahabshiil, Qolada wadaada ah, Ina Dable, Farxaan Liibaan iyo niman badan oo caynkaas ah Sharcigii ka qaban lahaa Bulshada iyagana kala qaban lahaa ayaa loo baahan yahay in samaysto, oo Dawladda looga baahan yahay.

Waxa xaqiiqo ah in Qabiilnimadii, Dawladnimadii, Xisbinimadii iyo Ururnimadiiba waxa laga dhigtay gabood xadgudub oo marba ay Shakhsyaad tiro yar oo qawlaysato ah ay six un u adeegsanayaan. Halkii ay ka ahaan lahaayeen Gobood guud oo lawada hadhsado isla markaana si guud dadka ugu adeega.

Waxaan ugu baaqayaa in dhinacyada rabashaha iyo xaalad abuurka ka wada gobolka Saaxil ee kala ah Dahabshiil iyo Nimanka ganacsadata yar yar ee Ciise Muuseba;

(1) In ay joojiyaan xadgudubka iyo xaalad abuurka ay halkaas ka wadaan;

(2) In ay dadka iyo dalkaba kala fadhiistaan Waraaqaha Sharci darada ah ee sifaha khaldan ay uga soo saxeexdeen madaxweyneyaasha;

(3) In ay sugaan una samraan inta dalkani uu Yeelanayo Shuruuc iyo Xeer Nidaamiyeyaal Maamul oo wax kala hagta.

Bixinta HAAMAHA Shidaalka BERBERA

Waxaan ugu baaqayaa Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha waxaan leeyahay ‘SIDI SIDAADA MOOYEE DHUL DHACAAGA HUBSO’, waxa la og yahay iyadoo jawaab bulshadu ay ka sugayso aan laga warbixin 1) Dhibaatadii iyo khasaarihii hantiyeed ee ka dhashay HESHIISKII khaldanaa Shirkaddii TOTAL; 2) Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Ganacsiguba iyaga oo aan ka warbixinin halka ay ku dambaysay lacagtii Malaayiinta Doolar ahayd ee Shirkadda ay ka lunsatay Bulshada dan yarta ah ee Soomaaliland iyo natiijadii gudigii madaxweyne Siilaanyo uu u saaray inay la soo xisaabtanto Shirkadda TOTAL ayuu maanta Wasiirka Ganacsigu Joornaalada uu ku soo qoray Naadada iyo waqti u qabashada tartan loo galo ciddii la wareegi lahayd Maamulka iyo masuuliyadda Haamaha Shidaalka Berbera!! Sidee bay ku dhacaysaa taasi iyadoo la helin hantidii ummadda ee la lunsaday?!! Dalku miyaanu ahayn hanti lawada leeyahay?!! Dadku ma inay waalan yihiin baa loo haystaa?!! Miyaanay Shalay ahayn markii Madaxweyne Siilaanyo uu laalay Heshiis ku ku sheegii hore ee xaaranta ahaa Madaxweynihii isaga xilka uga horeeyey uu la galay Shirkad ku sheegtaas TOTAL?!! Madaxweynenimadu iyo Wasiirnimadu ma waraaqo la iska soo qorqoraa?!! Dawladdu miyaanay maamulan karin Haamamha Shidaalka ee Berbera?!!

Haddii xaalku yahay in si khaldan oo xaaran ah loo maamulanayo maalka iyo hantida guud ee ummadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisan Ganacsigu Maxay kaga duwan yihiin Madawweyneyaashii hore ee Daahir Rayaale iyo Cigaal iyo Wasiiradii Ganacsiga ee iyaga la shaqayn jiray? Arimahan si balaadhan ayaan uga hadli doonaa haddii Alle idmo, waayo waa arimo si Shakhsi ahaan iyo si Muwaadin ahaanba ii taabanaya iina khusaysa.

WABILLAAHI TAWFIIQ

Garyqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)