HIIL-SHARCI: CODSI KA NOQOSHO SAXEEXIDA XEER Lr. 14/2011 iyo DIB UGU CELIN GOLAHA WAKIILADA iyo KA DALBASHO G/GUURTIDA MUDO-KORDHIN DAMBE OO LIX BILOOD AH

Garyaqaan Salidhige
Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxa Dhaqanka, Diinta iyo Sharciga Islaamkuba ay iga mamnuucayaan inaan Caarido, ihaaneeyo ama xaqiro iyo inaan ka xidhiidh furmo oo aan qaadaco maamulka madaxdayda, si macsi la’aan ahna aan u adeeco iyaga. Iyadoo ay caynkaas tahay, ayaa waxa jira dareen damaq badan oo ii diidaya inaan ka aamusnaado ka hadalka dhaliilaha, khaladaadka Maamul-xumo, dhaliilaha Xeerkan Lr, 14/2011 ee dhowaan Baarlamaanka JSL uu si indho la’aan iyo ku Xisaabtan la’aanta Muddooyinka is burinaya ee Xeerarka ay Ansixiyaan ka imanaya iyo KUFSIGA-SHARCI ee madaxda Dawladdu ku kacayso ee keeni kara dhibaatooyinka Nabadgelyo daro iyo in mar kasta la sameeyo MUDDO-KORDHIMO CUSUB.

Waxa Qormadaydan HIILKA-SHARCI oo ah BARAARUJIN aan halkan Canaan Muwaadinimo, Cambaarayn, Tusaalayn iyo Talooyin-Sharci oo kusaabsan Dhaliilaha Xeerku Sheega Lr. 14/2011 aan u marinayaa madaxda kala ah a) M/weynaha; b) Gudida Komishanka Doorashooyinka; c) Labada Shirguddoon iyo Xildhibaanada Baarlamaanka; d) Madaxda Saddexda Xisbi Qaran ee manta jira; iyo e) Madaxda rabta inay furtaan Ururo Siyaasadeed oo cusub, iyadoo xaga hoose ku faahfaahsan xaga hoose aan ku xusay.

Waxa xaqiiqo ah in ay adag tahay in Nin Ku Fadhiya Kursiga M/weynenimo iyo Baarlamaankaba ay ku adag tahay inay aqbalaan dhaliishooda iyo in ay qaataan ka noqoshada Xeer khaldan oo ay Saxeexeen oo aan Qiimo-Tixgelin-Sharci (Legal Validity), waayo waa Madax aan hore u arag cid u hiilisa oo tidhaahda waad khaldan tihiin iyo Maxkamad indhaha kaga soo dhufata (baabiisa) oo dib ugu soo celisa wax Sharci/Xeer ku sheeg ah oo ay soo mal-maluuqeen. Waxa kale oo xaqiiqo ah in Madax ay kamaqan tahay xuquuqahoodii madaxtinimo, aanay ilaalinayn xuquuqaha cid kale (Muwaadiniinta), sidaasna ay tahay in madaxdaas loo hiiliyo oo loo doono xuquuqahaas ka maqan.

 

TALOOYIN SHARCI OO HORDHAC AH OO M/WEYNAHA KUSOCOTA

Mudane M/weyne anigoo ah Muwaadin Garyaqaan ah (Lawyer) gudanayana waajibaadkayga, Danaynaayana Sharaftaada, Ta Qaranka, Ta Sharciga iyo isla markaana ka hortegaaya inaanay adiga iyo Labada Gole Baarlamaanba AANAY CUMAAMADU KA DHICIN sababaha khaladaadkooda hoosta ku qoran awgeed, ayaa waxan halkan ugu horayn aan kuugu soo gudbinayaa Talooyin-Sharci oo hordhac ah, oo lagu Khasban yahay Aqbalidooda, laakiin adiga aan kaa codsanayo in aad iga aqbashid, waana sidan:-

 (1) In aad ka Joogsatid oo ka Noqoqotid Saxeexdida Xeerka Nidaamka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Lr. 14/2011 ee labada Gole Baarlamaan ay Wax ka bedelka iyo Kaabidda dhowaan Ku sameeyeen, waayo Saxeexidaada Xeerkaasi waa sida ‘RIDDAYN WARAN KUGU SOO NOQONAYA’ sababaha hoosta ku qoran awgeed oo KHASBAYA IN MUDDO-KORDHIN DAMBE LASAMEEYO, oo ay ka mid tahay Xeerkani Lr. 14/2011 oo u baahan in uu helo ugu yaraan Toban Bilood (Ten Months) oo ka horaysa qabsoomidda Doorashada Deegaanada, isla markaana lid ku noqonaya Mudo-Kordhtii hore 07/09/201ee G/Guurtidu ku Xaddiday in Muddo Hal-Sano iyo Badh gudaheed ah ay ku qabsoonto Doorashada G/Deegaanada Dalka, oo maanta ay ka hadhsan tahay muddo Lix Bilood iyo dhawr Maalmood kuna eg 05/03/2011, oo ah muddooyin is burinaya;

 (2) In si waafaqsan Qodobada 77(5) iyo 78(3) ee Dastuurka JSL aad Xeerkaasi Lr. 14/2011 Dib ugu Celisid Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka oo aad u soo jeedisid in Wax Ka Bedelid dambe ay ku soo sameeyaan Xeerkaas, si Xeerkaasi u ahaado mid Xalin kara dhibaatooyinka iyo Mushaakilka hore Ummaddu ay kala kulmeen Qaybsanaanta iyo Si-Xun u Ficiltanka Xisbinimo (Partisan) (ee xiliyadii 1960-kii; 1969-kii iyo tobankii sano ee ka dambeeye 2000-kii) iyo Dhibaatooyinka Shalay (hore) iyo  Maantaba ka dhextaagan Xisbiyada dhexdooda, sida tan manta Xisbiga UCID dhexdiisa ka taagan ee la isku haysto Xisbiga Ninbaa leh + Qabiil iyo Hebel ma laha keligii oo waa lada leeyahay’ iyo Xisbiyada kale ee la xidhiidha wada Lahaanshaha mulki ahaaneed ee Xisbiyada (Ownership of the Polical parties) iwm;

(3) In Guddida Komishanka Doorashooyinka aad Ku Amartid in muddo 15-cisho gudahood ah ay ku soo diyaariyaan Sharcigii Dhismaha Hay’adda KDQ (Establishment Regulation of the NEC Organisation) kuuguna soo gudbiyaan oo golaha Wasiiradu u Gudbiyo G/wakiilada, si ay u noqoto Hay’ad Qaran oo ku dhisan Sharci si waafaqsan Qodobada 55(5) iyo 122 ee Dastuurka JSL iyo Xeerarkii kale ee Hay’addaasi ay ku shaqayn lahayd (sida kuwa Maaliyadda, Shaqaalaha iyo iwm), oo leh Jiritaan, Astaan iyo Shakhsiyad Qaanuuneed (Legal Personality) (a) Ujeedooyin (Objectives), Awoodo, Waajibaad, Hawl-Shaqo (Functions), Qaabdhismeed (Structres), Waaxyo (Departments) iwm. Si looga hor tago dhibaatada lagala kulmo KDQ iyo in cid Shisheeye ah (sida Interpeace iwm) ay Raciyad u noqdaan iyo in aanay dib dambe aanay ugu shaqaynin Rabitaanka iyo Dareedana waxa ay ku sheegaan Deeqbixiyeyaasha, oo ah wax Sharcigu ka soo hor jeedo;

 (4) In Golaha Guurtida aad u gudbisid Qoraal aad kaga dalbaysid in Muddo-Kordhin dambe ay sameeyaan oo dhan Lix Bilood (Six Months) si ay u suurta gasho in in Xeerkaasi Lr. 14/2011 uu u helo muddo ku filan shaqayntiisa iyo inay Qabsoonto Doorshada G/Deeganada Dalku;

(5) In M/weyne Qolooyinka aad ku sheegtaan Deeqbixiyeyaasha aad ka dalbatid in Gacanta Dawladda ay ku soo wareejiyaan Deeqda Dalkani uu leeyahay, ee aad sheegaysaan inay hayaan;

(6) In Dawladdu aanay Cayimin qabasho Doorasho iyadoo aanay gacanteeda ku jirin dhaqaalihii iyo Qalabkii ay ku qabsoomi lahayd, isla markaana laga hor tago in aanay dib u dhicin Dhibaatooyinkii iyo IHAANOOYINKII Madaxnimo iyo Qaran ee hore loogala kulmay dhibtada ah ku Go’aan qaadasho Dhaqaale Shisheeyo oo Gacantaada aan ku jira. Waana Guumaysiga Cusub oo Dhaqaale oo Dalku uu dib u galo. Waana Talaabo ka soo horjeedda ujeedada dadka dalkani adiga ay kuu doorteen, ama loogu baahdo in Madaxweyne dalalku ay samaystaan. WA BILLAAHI TAWFIIQ.

ASBAABAHA KHASBAYA (Keenaya) SAMAYN MUDDO-KORDHIN DAMBE

Muddo Kordhimaha Xili-Xileedyada doorasho ee Goleyaasha Qaranku waxay tahay Xanuun daashaday bulshadan. Waa arin mar walba QIIL iyo MARMARSIIYO looga dhigto inay jiraan DURUUFO, Duruufahaasina ay yihiin mar kasta kuwo madaxda kala duwan ee xilka haysaa ay abuuraan. Waa Duruufo ka dhasha Qaddarin la’aan Sharci; Xilkasnimo la’aan; Masuuliyad daro; iyo Ku Xisaabtamid la’aan Masuuliyad Dawladnimo ee Madaxda dalka. Sidaasna Sharcigu uu yahay mid diidan oo aan Ogolayn in cidina Khaladaadkeeda iyo Duruufo dayac Masuuliyadeed oo ay abuurtay in si Maslaxad iyaga u ah aanay uga Faa’iidaysan Karin.

Iska hor Imaanshaha Muddooyinka Labada Xeer/Go’aan

Iska hor Imaanshaha Muddooyinka Labada Xeer/Go’aan eek ala ah 1) Go’aankii Muddo Kordhinta ee ugu Dambeeyey ee 07/09/2010 iyo 2) Muddooyinka Xeerkan Lr. 14/2011, labadan ayaa waxay yihiin kuwo is burinaya, waana sidan Faahfaahintoodu:-

(1) Mudada Go’aankii Muddo Kordhinta ee ugu Dambeeyey ee 07/09/2010

Go’aanka ka soo baxay Golaha Guurtida ee Sumaddiisu tahay Ref: GG/JSL/Kal-Fadhi Aan Caadi Ahayn/Go’aan 02/092010 ee Dated on: Sept. 07/2010. Ujeedadiisuna tahay GO’AANKA MUDDO KORDHINTA GOLEYAASHA DEEGAANADA, WAKIILADA & GUURTIDA oo ay ku go’aamiyeen saddexdan Arimood ee kala ah:-

1) In Doorashada Goleyaasha deegaanada lagu qabto muddo Hal Sano iyo Badh (One Year and Six Months) oo ka bilaabmaysa 07/09/2010 kuna eg 05/03/2011;

2) In G/Wakiilada mudada xilka loo Kordhiyo muddo Laba Sano iyo Sideed Bilood ah (Two Years and Eight Months) oo ka bilabmaysa dhamaadka mudada xilka hore ee ahna 30/09/2010 kuna eg 30/05/2013;

3) In G/Guurtida mudada xilka loo kordhiyo muddo Saddex Sanadood iyo Sideed Bilood (Three Years and Eight Months) oo ah Hal sano ka dib G/Wakiilada, kana bilabmaysa 30/09/2010 kuna eg 30/05/2014.

Haddaba, Go’aankaas hore ee Muddo Kortinta ahaa waxaa kuwada Saxeexnaa labada Gudoomiye ku xigeen ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Fure iyo Siciid Jaamac Cali iyo Xoghayaha Guud ee Golahaas C/laahi Ibraahim Habane.

(2) Mudada XEERKA Lr. 14/2011

DHALIISHA XEERKA LR: 14/2011 ee Xaga Fiiro La’aata Muddyinka, ayaa Qodobada Xeerkani waxay yihiin kuwo sidan u dhigan:-

 Qodobka 3aad (3, iyo 4) ee Xeer Lr. 14/2011 waxay ka hadlayaan in M/weynaha looga baahan yahay inuu soo Magacabo gudida Diiwaangelinta Ururada/Axsaabta; iyo in Magacaabidda gudida kadib kalabadh iyo hal (41+1) ku Ogolaado G/Wakiiladu. Hawshaasi oo inagu qaadan karta ugu yaraan Hal bil (One Month).

 Qodobka 4aad (1) ee Xeer Lr. 14/2011 wuxuu jidaynayaa in Laba Bilood (Two Months) ay ahaato Mudada Qabashada Codsiyada Diiwaangelinta Ururada siyaasadeed.

 Qodobka 5aad (2) ee Xeer Lr. 14/2011 wuxuu jidaynayaa in Lix Bilood (Six Months) ay ahaato Mudada Hawlgalada Ururadu).

 Mudada Sharci ee Xeerkan ay tahay in Dawladdu ku soo saari Faafinta Rasmiga ah si Dadweynuhu ku ogaadaan jiritaanka Xeerkaas oo iyana qaadan karta ugu yaraan Hal bil (One month). In kasta oo qoladan Baarlamaanku ay Xeerkan ka dhigeen mid SIR (Secret) ah oo sida ku cad Qodobka 28aad ee Xeerkaas oo mudada dhaqan galkiisa ay ku inay ka bilaabmayso mara M/weynuhu saxeexo, arintaas oo ka md dhaliilaha jira ee Baarlamaanku ayleeyihiin ee xaga xeer dejineed. Taasina ay kuu muujinayso in M/weyne wax aan Ahaynba aanay arkayn!!!? Goluhu ma fahamsana Muhimadda Faafinta Rasmiga ah; Ma Fahansana Sababta Sharcigu u Madaxweynaha u siiyey Saxeexa Xeerarka; Ma Fahansana Fahamka Macnaha Erayga ‘DHAQAN-Gal-Xeereed’ waxaas oo dhami mawduucyo gaara ayaan kaga hadli doonaa.

ISUGEYTA MUDDOOYINKA UU JIDAYNAYO Xeer Lr 14/2011

Markaa isugeynta mudooyinka shaqaynta iyo dhaqan galka Xeerkanai u baahan yahay waxay tahay waa Toban Bilood ugu yaraan in lahelo oo ka horaysa Qabsoomidda Doorashooyinkan G/Deegaanada ee iminka loo diyaargaroobayo oo kala ah Hal Bil + Laba Bilood + Lix Bilood + Hal Bil = Toban Bilood.

Gadaal ayaan ka soo gudbindoonaa Dhaliilaha kale ee XeerKani Lr. 14/2011 uu lee yahay ee ka dhigaysa bilaa Qiimaha Sharci.

ILLAAHAY TAWFIIQDA HA INA WAAFAJIYO. Aamiin, Aaminn.

By: Garyqaan Salli-Dhige