Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Qormooyinkan aynu ugu magac-darnay Hidde-raac, waxa ay bar bilaw u yihiin qoraallo door ah oo faaqidaya suugaanta kale geddisan ee uu curiyay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid hal-abuurrada iyo qoraayada dhallinyarada ah ee Somaliland, oo tiriryay maansooyin ka hadlaya dhinacyo kala geddisan oo nolosha ah.

Gabaygan aqooni waa ilays ee ugu horreeya taxanaha hidde-raac:hilin-sooyaalka iyo hawraarta Siciid Maxamuud Gahayr, waxa uu hal-abuurku kaga waramayaa aqoonta qiimaheeda iyo qaayaheeda badan , iyo sida ay lagama maarmaan u thay barashadeedu , waxa kale oo uu ku tibaaxayaa jahliga iyo edadafkiisa, taas oo uu ka eegayo horumarka cilmigu, isaga oo cuskanaya aayado quraan ah iyo axaadiis shariif ah,

 waxaanu yidhi.

Afku wuxuu tibaaxaa xogtii, uurku kaydsado’e

Intihoodka shaygaad rabtaad, eray ku qeexdaaye

Uunyahaw abbartaydan daya, ararna soo dhaafa

Jahli waa abaar baahsan iyo, omosyo jiilaale

Mugdigay asxaab wada yihiin, ehel wadaagaane

Ambabaxa dad wuu kala taga,a aabbo iyo wiile

Eddadaa fariintay dirtiyo, deexo odayadeedba

Haddii aan awooddaadu karin, dhuuxa ubucdooda

Iin weeye xaajiyo sirtii, aad asturahaysay

Ood ummdada gaadhsiisidoo, lana ogaadaaye

Akhriskoo laguu fiiriyaa, waa indho la’aane

Waxa horumar aasaasa oo, qaran adkaysiiya

Asaaggood waxaa dhaafin kara, kana awaaraynba

Aqoontiyo darkeedoon, kolnaba laga ilduufayne

Anfaceedu waa tuulan yahay, aayaheeduba e

Waa edadaf tii biinaysee, oodda kaa rogiye

Ilays weeye kuu laacayiyo, nalal iftiin wayne

Waa ilo xareed soo rogoo, oon ka ciidama e

Waa iliilad maan caawisoon, kana istaagayne

Waa ayro geeloo dhashoo, abid irmaanaane

Iniin weeye biqilkeed gob yahay, ubaxna soo saarta

Anshaxaaga waa tii bishee, toosin edebtaaye

Irrid weeye laga galo samaa, awdda xumayaale

Ammaaniyo wanaag yeelo buu, yahay odhaahdeede

Eexdiyo waxay diidaysaa, iin qabiil dhalo’e

Ehelkeedu waa hayb wanaag lagu asteeyaaye

Arligooda waa qaar waxtara, oo abaal guda e

Dhaqaaluhu markii uu itaal, iyo awood beelo

Sicirbaraku goortuu unkamo, ee ibtilo yeedho

Hurgumada waxaa aasi kara, ruux aqoon u lahe

Aafaadka cudurkii hadduu, aagag ka dillaaco

Allaheen gadaashii digtoor, yaan u orodnaaye

Aqal dhisida aalado casriya, laydhka agabkiisa

Injineerka doorkiisu waa, lama illaawaane

Arrimaha shareecada haddii, loo ilbixinaayo

Culimada afkooduu Raxmaan, nagu ilhaanshaaye

Itaaliya hadduu joogo iyo, Ayrishkiyo Kuuba

Iiraan haddii uu ka dago, dhulal Imaaraada

Ingiriisi ruuxii bartaan, abid qaloonayne

Alxamduda haddii aanad baran, alif illaa nuunka

Inkastood aroortiyo habeen, oogtid faralkaaga

Salaaddaan marnaba kaa ansixin, oon aqbala noqone

Eebbada sideedii marbaad, aar ku gudataaye

Ooy cadawga oofaha jartaa, kaa arjumaysaaye

Aminta iyo goortuu Jabbaan, amar ku taagleeyay

Aasiya kolkii uu ku fiday, aagaggaas bariga

Beeral waaki Axad weeraree, eeday kibirkiiye

Waxa adhaxda laba qaar ka dhigay, oofna ka wareemay

Atamada yuraaniyam raggii, soo adeegsadaye

Dabadeed abaabulid saxiyo,  himilo aadoo dhan

Uurkoodi goortuu tashaday, idil ahaantoodba

Ee ay ilaaqdii lasheen, erayadii beena

Ee ubax tacliimeed mar kale, olole loo qaaday

Nagasaak dib baa loo alkumay, lana ahaysiiye

Intay fooq alluubeena waad, la ashqaraartaaye

Inaguna haddaan guul asala, uurka kala guuxi

Illinkaas inaan wada marnaa, waa hal eeg marine

Urursada tacliintoo xafida idil ahaantiiba

Shar ninkii amaamudayay baa, eeda goor darane

Ruuxii abqaalaan duruus, eedahayn sabane

Inanka iyo gabadhii la rabo, inuu ilwaad yeesho

Anfac iyo qofkii lala damcuun, aayatiin hiraya

Waa ayga loo foofiyuun, arahda waabariye

Ufada iyo fooruhu wuxuu, samada uugaamo

Onkodkaas dayaamaa wuxuu, naga dul eedaamo

Wakhtiguu ibaa soo furto, ee abshiri hoorto

Doogyada udgoonbaa judhii, soo awaal baxa e

Ardaygii wax lagu soo tabcoo, erayo loo sheego

Eedaadna uu soo samroo,  jiidho oogahana

Bulshadiisa amin buu u noqon, udub dhexaadkiiye

Madaxnimo kolbaa astayn, lana adeecaaye

Agaasime marbaa loo suntaa, aaday heer kore e

Ixtiraam maruunbuu helaa, sharafna ootaaye

Urursada tacliitoo xafida idil ahaantiinba

Islaamnimadu way dhiirisaa, agab tacliimeede

Aayaadku siday qeexayaan, ruux aqoonyahana

Iyo jaahilkaan la is ag dhigin kala ishaar dheere

Illimada waxbarasheed qofkii, ku amaba qaadaaya

Iridaha janneed buu Casiis,  aad yar mariyaaye

Shiinaha haddii lagu ogyahay, waaba  arad dhaw we

Nabigeeni ururshuu na yidhi, hana illaawina e

Cilmi aayar lama koobsadoo, waa  amuur culuse

Eel iyo waxaa loo wajihi, goob argaagaxa e

Anfariir in loo qaabilana, wuu istaahilaye

Siduu yahay alaabada dukaan, iibka gali waaye

Urursada tacliintoo xafida, idil ahaantiinba

Adduunyadu mar bay kaa luntaa, amin la waayaaye

Mawjado afuufaa bad-goosh, kaga asqaysiine

Adhigaagu wuu madhan karaa, wada idloobaaye

Aaqoontaase way kula jirtaa, abid dharaaraaye

Kolkad ugub tay ee aynigaa, ibo bilaabmaayo

Ama aad islaamiyo tihiin, oday da’ liicaaya

Ee aad ulaa raadsataan, socodna iimoobo

Intaan iilka loo guurin wali, aad ifkana joogtid

Ee aad  ku afar qaadaysaan, oogadan dunida

Urursada tacliintoo xafida idil haantiiba

 Khadar Maxamed Faarax Rooble

khadarmfr@gmail.comkhadarmfr@hotmail.com