Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Hargeysaawi, Qaybta 8aad

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa aynu qormadan 8aad ee Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Hargeysaawi ku soo qaadanaynaa tix magaceedu yahay hilin toosan oo curatay  gu’gii 2006-da.

Maansadan Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, wuxuu ku tilmaamayaa habka iyo wadada saxda ah ee lagu gaadhi karo wadamada hore umaray, waxaanay guubaabada ugu badan siinaysaa dhallinyarada oo ah laf dhabarta bulshada.

Meelaha ay maansadu diirada saarayso waxaa ka mid ah samirka iyo wanaagiisa,shaqada iyo midhaheeda,dadaalka iyo aayihiisa ,aqoonta iyo waxtarkeeda,diinta iyo ku dhaqanteeda samaha laga helo,qaadka iyo qabyaalada dhibaatooyinka laga dhaxlo,dhoofka ku hamigiisa in ay ka habboontahay dhulka oo la hawl gashado , lana aamino ciidda hooyo, waxaanu abwaanku maansada ku bilaabay

Had kastaba cidii

Hadlaysee alkuman

Geeribaa hurrane

Dhagax waa halkane

Warka haatuf iyo

Hudhud baa udiran

Heego duulayoo

Taariikh hadhaa

Kala haadisoo

Hayinkiyo ratiga

Haamaha rariyo

Layli kala hufane

Waxay kala huftaa

Hor-fulaha san iyo

Ka habsaanka ahe

Hoggaankii la rabay

Dalka inuu hagoow

Dhallinyahay hufani

Idinkaa hantiyay

Hilbo xooggan iyo

Garaad heeganee

Duqay hawl gabiyo

Mid hadaaqayaba

Hormoodkii bulshada

Hirsan gaynayoow

Halbawluhu qofkii

Aanu dhiiga habin

Halis buu darsee

Horseedkii shacbigu

Waddankuu hurdaa

Ma hayaamayoo

Haradiyo biyaha

Hibaaqiyo nimcada

Hodanimo adduun

Hiigsan maayo oo

Ma haabhaaban karo

Hirarkii saree

Hiimsahiimsihiyo

Nimaan hiirta kicin

Habeen iyo dharaar

Heensayn nafteen

Hodadaamo iyo

Hurgunmaba wajihin

Huluul iyo lur marin

“Hoo” lama yidhaa

Wuxuu hibanayee

Hawadiyo dayaxa

Heegada koreba

Horaa loo dagoo

Dayuuraad hugmuu

Hal-abuur dhisee

Haadkiyo wadada

Hilinkay socdeen

Haddaynaan ku dayan

Talaa hoosaysee

Hakrashada nacoo

Hanaqiinu samir

Haddii uu hadhsado

Libta waa la heli

Dantu way hirgali

Himir waa la guran

Hoggaankii la rabay

Dalka inuu hagoow

Dhallinyahay hufani

Duqay hawlgabiyo

Mid hadaaqayaba

Hormoodkii bulshada

Hirsan gaynayoow

Jahligaa ah holac

Heeryo kugu raroo

Ku habsaynayoo

Gankaa kaa hadhsoo

Harraad kugu ladhee

Aqoon waa hillaac

Hadhac damala oo

Hadh qabow leh oo

Hareeteeda ruux

Ka hirqanaya oo

Wakhtigana huraa

Hantay guul dhabee

Higaaddiyo tacliin

Hanashada cilmiga

Ummaddaan ku hiran

Hammigooda iyo

Himilada qorshuhu

Wuu hungoobayaa

Intaydaan hog galin

Hiyigiina abid

Ha ka saarinee

U hollada aqoon

Haween iyo ragoow

Hanuunka iyo diin

Hadalada Ilaah

Hawraar Rasuul

Haye kii la yimi

Een kala hambayn

Lama hoojiyee

Halisaha ifkaa

La hareer duwaa

 Hibo iyo ladnaan

Hooduu mutaa

Hebednimada iyo

Hooy buu ka galay

Cudurada hiroo

Halasaha faqriga

Kol ma halacsadee

Giniguu hayuu

U hanwayn yahoo

Heemaal qurxoon

Hoobaan Farduus

Qiyaamaha halkii

Haqab-beelka luu

Hanjab li”i nastaa

Hargab iyo gabaw

Gaajiyo harraad

Waa laga hadhshee

Ka horoo dar khayr

Ha hallaabinina

Hoggaankii la rabay

Dalka inuu hagoow

Dhallinyahay hufani

Duqay hawlgabiyo

Mid hadaaqayaba

Hormoodkii bulshada

Hirsan gaynayoow

Haleelada dhashaa

Hadhuub loo cushaa

Wax hanaan leh baa

Qudha lagu habaa

Hammuun looma qabo

Mid huq keenayee

Kuwii hiigay qaad

U hiloobayee

Lacagtaw huree

Hadyad moodayuu

Hanqaaruu dhib iyo

Hiirtaanyo baday

Wuu habaaranyoo

Samo lagama helo

Hurdaduu jaraa

Hadris buu unkaa

Hawo caafimaad

Wuu haraatiyaa

Hanti kaa lunshaa

Dhaqaalaha hirdiyi

Hammi iyo qamuu

Kuu horseedayaa

Shakhsi habayacaa

Ka hadh aan kasine

Wuu hagaagsanyoo

Hambalyaan idhee

Hadraawiba ka giig

Hankiisana ka jar

Hunguraynta jaad

Hantaaq beerayee

Halyaygaasi raac

Ha u heelanaan

Haawadayga xune

Halmaan oo illoow

Hogoshiyo rugtuu

Mayay hoorayaa

Habsan ugu da”aa

Hanti loo raraa

Wax aan hilaw qalmayn

Ha u haadin gacan

Hayb-sooca iyo

Hirashada qabiil

Reer hebelnimaa

Na habsaamisoo

Haadiga Raxmaan

“Ka hadhuu” yidhoo

Hogga loo caddee

Hanadkii Suldaan

Halganbuu u maray

Inan hiifno oo

Waa hoseeg suniyo

Leeb hadoodilmoo

Hubka iyo warmaha

Holacay shiddaa

Lagu hoobanoo

Horor iyo libaax

Intuu laayay halaq

Intay hooysaybaa

Hubaashii ka badan

Hayaankii la waday

Way heeraysaa

Heshiiyoo midnimo

Hal ku wada noqdoo

Qudhun huursan iyo

Huubaha quboo

Ka hakada ardaa

Hirdankiisibaa

Ku hagaasiyee

Hoggaankii la rabay

Dalka inuu hagoow

Dhallinyahay hufani

Duqay hawlgabiyo

Mid hadaaqayaba

Hormoodkii bulshada

Hirsan gaynayoow

Ruux kale hugii

Noqon waa hagoog

Astur lagu heloo

Hohob laalan taad

Hadda haysataa

Ka haboon waxtarid

Hanqal taagistiyo

Inad halacsataan

Hummaageeda Yurub

Wax ka haybad bilan

Haamaddiina iyo

Maankoo hindisa

Hawlgalkii dhulkeen

Hadaafinayayee

Horu marinayee

Heer wacan ka dhigi

Hargaysiyo arligan

Inna wada hurrane

Labka iyo habloow

Halcashada gadaal

Haakah baa xigtee

Hambaabira maruun

Khaddar Maxamed Faarax

khadarmfr@gmail.com