HIDDE-RAAC: Baroor-diiqda Imaam: Xaaji Maxamed Jaamac Dhabarweyne (1)‏

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Muu ahayn nin afka ka sheegta saaxiibtinnimada aabbahay oo igu beer-laxawsada “adoogaa nin fiican buu ahaa”. Nin gartay wax ay garan waayeen dhammaan inta aanu is-xignaa ayuu ahaa! Nin qawlkiisa iyo ficilkiisu mid yihiin ayuu ahaa. Nin ii hagar-baxay oo iigu deeqay aragti ay inta maanta nooli igala masuugeen ayuu ahaan. Nin ogsoon in aan ahay xilqaad ay cummaamadday geeridii aabbihii ama ugu yaraan uu walaalkay Cismaan weli 13 jir yahay oo aan aan masuul ka ahay agoon ayuu ahaa. Nin agoonnimada guri-dambayskayaga garanaya, taasna igu dhawra oo aan wax uu iigu kabo  adduun iyo arrin mooyaane aan waxba iga dooninin buu ahaa. Nin dhiiba hantida oo aan “Ii-dhiib” odhan ayuu ahaa.

 

Hadda ayay maktabadi iga gubatay! Hadda ayuu damal iga engegay! Hadda ayaan agoon ahay! Marka aan ixtiraamka waalidkay u hadlayo, waxa ii sinnaan doona geeriyihi dhacay.

1995kii

Febeweri/2002dii!

20kii Oktoober, 2003,

28kii Nofember, 2007da

22kii Nofember, 2008da iyo tan nabarkeedu shalay igu dhacay!

 

Xaaji Maxamed Jaamac Dhabarweyne ka tama tegin wax ubad ah! Inta aan ogahayna ma uu guursan noloshiisa sababta waan sheegi doonaa! Laakiin waxa uu ka tegay dadnimo, daaddihin, dulqaad, daw-bixin, damiir nool, dedaal, diin suubban, diirnax iyo damqasho.  Alle samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhammaanteen. Beryihii u dambeeyay waxa haleelay xanuunka faaligga qallal oo naafeeyay qaybo ka mid ah awoodihiisa jidheed!

Adeer igama aad dhiman, waad ii nooshahay! Ifka aniga ayaad adeer rumaad ii ahayd, eeggana Nebi Maxamed, Khulafadii afarta ahaa, asxaabtii nebiga, saaxiibkaa rumaad iyo malaayiin ku xijaabtay Islaamnimo iyo sharaf ayaad la joogtaa. Caalamkii nolosha ayaad ka geeddiday oo caalamkii luxudka ayaad u diga-rogatay! Guulle ayaad horjoogtaa, Alle kuma hoojiyo, Raxmaan kuu naxariisay, Rasaaq kuma qadiyo, Qafaar kuu denbidhaaf, Rauuf ka hel tudhaal, Saatirku idin astur. Sagaal iyo sagaashanka magac ee Alle ayaan sacabbada kor ugu taagayaa! Keligii ayaan idiin baryayaa! Alle kuu guuri-xuural cayn raalliya ah, ka cab darkii Fardawsa, la jaar kii ugu sharafta badnaa dadka ifka soo mara!

Cid kasta oo waalid ahi waxa ay leedahay karaamadeeda, haddii ay yihiin macallimiin, culimo, siyaasi, oday, aqoonyahan IWM.. Qormooyinkan oo gole-ka-fuul waxa aan ku soo qaadanayaa maanso magaceedu yahay Hal-xus! Sidii Geeridii dhacday 01dii Oktoober, 2012ka ayuu garab igu bannaan yahay!

Maansadan magaceedu yahay Hal-xus waxa ay baroor-diiq iyo duco u tahay Hal-abuurkii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Cilmi-baadhihii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ee ka baxay guud ahaan Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland isaga oo ahaa halyeey loo aqoonsanaa Abwaanka Qaranka Somaliland, sidoo kalena ahaa Aabbaha/Daah-furaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Laabtaydana ku leh xusuus maguuraan ah, anigoo ka mid ah dadka nasiibka u helay inuu macallin u noqdo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Waa maanso ku hal-qabsanaysa abwaanno iyo qoraayo caan ah sida Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay), Jamaal Cali Xuseen, Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Maxamed Saleebaan Cumar.

 

Waana kuwan meerisyadii maansada Hal-xus:

 

Jamaaloow huq gaariyo

Anigoon lur iyo hawl

Hagardaamo igu dhicin

Hurdadoo an diidiyo

Ilmadayga “hiliq” tidhi

Waxa beeray hibashada

War uu haatuf keenoo

Noorweey halkeer uu

Hudhud soo xambaaroo

Hargeysiyo dhulkii yimi

 

Ifku waa hayaanoo

Wadka lama huraayee

Maantana Hadraawoow

Hal-abuur mug weyn iyo

Waxa baxay horseedkii

Hawraarta maansada

Kala-haadinteediyo

Hal-beeggeeda miisaan

Habigiisu daah-furay

Halyey Maxamed Xaashaa

Xaqi uu haleelee

 

Had la baajin maayee

Weynuhu hoggiisiyo

Kuma hoojo iilkee

Hoodada Niciimiyo

Hooskii Farduusiyo

Hoobaan jannada taal

Hohobtii ha siiyoo

Ha ka dhawro hadimiyo

Hurgumada cadaabkana

 

Weedhsame hubaashii

Intuu hooystay guul baan

Hiyigiyo garaadkiyo

Ka tirmaynin hanaqoo

Suugaanta hodankaa

Inta uu Ha iyo Waw

Gabayada hal-hayskaa

Hagarlaawe tiriyaa

Taariikhda aan hadhin

Ka hillaacaysoon abid

Haadaan ka dhici karin!

 

Geeddoow hanaayiyo

Halasii darraadee

Hubka laysku weeraray

Hal-abuur nabdayniyo

Ergaduu ka hidiyiyo

Dabataxan higaaddii

Heshiisiisay uunkaa

Weligeed hiraysoo

 

Hoggaankoo qalloocdaa

Hirdi baaba’ dhaliyee

Ganayoow hillaaddii

Keli-telisku ku habsaday

Maamulkii habboonaa

Gaarriye hormood noqoy

Hangash iyo bahdeedii

Hootada ku tuuroo

Libta aynu haynniyo

Gobanimo horseedoo

Halgankii wuxuu galay

Door lama hilmaamaan

 

Hanad Maxamed Cumaroow

Bare hawl-karnimo iyo

Hal-samaan ku caanoo

Habka dhigista Eebbuhu

Hibo uu u siiyo

Heersare ku gaadhiyo

Wuxu haa hal-doorkii

Hoobaan duruuseed

Ardaydoo dhan hagar li’i

Habeenkiyo dharaartaba

Si hufnaan leh barayoo

Kuman loo han-weyn yuu

Hal-muceed ku ababshaa

Aqoontiisa hanatoo

Dhaxalkiisi hoobaaq

Kuma hoobanaayee

Hiyigaan ku haynaa

 

Booboow nin hanadaa

Hal-adayg lahaadoo

Hiifaaya beentoo

Bir hadday ka adag tahay

Runta aan hareer marin

Hanka iyo wanaaggana

Hunka laguma doorshee

Wuxuu haa hoggaankii

Deelleeyda huriyee

Madaxdii habaarnayd

“Hakadaay” ku yidhiyoo

Hoseeggay wadeen buu

Hadh cad ugu addimayoo

 

Guddoonkiisu hirashiyo

Hambalyuu mudnaayoo

Ma ahayn nin habawoo

Garta eexa hidiyee

Cadliguu had iyo jeer

U ahaa dhabtii hiil!

 

Hiddihii Suldaan buu

Hilinkiisa raacoo

Haybtiyo qabiilkana

Hadafkuu ka doortoo

Hadhac buu ahaa geed

Dadku wada hadhsanayoo

Haro qaabaddeeduu

Cilmigii harraadkiyo

Hammuuntaba u reebee

 

Waxba yaanay heelladu

Hore iila soconnine

 

Had la baajin maayee

Weynuhu hoggiisiyo

Kuma hoojo iilkee

Hoodada Niciimiyo

Hooskii Farduusiyo

Hoobaan jannada taal

Hohobtii ha siiyoo

Ha ka dhawro hadimiyo

Hurgumada cadaabkana. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

 

 

La soco haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Imaam Udubsoor Kabadheere

Akadamiga Suugaanta, Sooyaalka iyo Cilmi-baadhista

Hargeysa