Heshiisyada Somaliland iyo Somaliya Kala Saxeexanayaan Ka hor Inta aaney Shir Wada Yeelan

BileHawl kasta oo lagu dhaqaaqayaa xeer ayay leedahay. Xeerarkaasi waxa dhici karta inu yahay wax la isla yaqaan oo ama dhaqan ku saleysan ama wax qoran oo sharci ah.

Wada hadal kasta oo laba dawladood iyo wax ka badan wada yeelanayaan wax ka sii horeeya wada hadalo gogol xaadh ah oo lagu sii lafa gurayo laguna sii diyaarinayo agendaha iyo xeer hoosaadka wada hadalka. Agendaha ka sakow waxa laga sii wada hadlaa mabaadii’da aasaasiga ah ee wada hadalka danbe salka u ahaan doonta.

Inta dawladood iyo jabhadood ee qadiyadoodu la mid aheyd tan Somaliland, intooduba waxa ay sii wada galeen is faham iyo heshiis gogoldhig u noqdey inay wada hadalo u furmaan. Dawladaha heshiiskan mid la mida wada galey markii ay wada hadlayeen waxa ka mid ahaa Bosniya iyo Yuguslafiya, Itoobiya iyo Ereteriya, Ciraaq iyo Kurdistan, Seerbiya iyo Kosofo, Ingiriiska iyo Ireland-ta woqooyi.

Khubaro la socday dhexdhexaadinta wadamadaas ayaa ku taliyey in Somaliland iyo Somaliya ay marka hore isla afgartaan xeerna ka sameynaystaan waxa ay ka wada hadlayaan, kala saxeexdaana heshiiskan hoosta ku lifaaqan inta aaney shir iskugu iman:

HESHIISKA AY LABADA DHINAC KALA SAXEEXANAYAAN:

1.     In labada dhinac ay shirka la yimaadaan niyad-sami, ixtiraam iyo xushmo dhinacba dhinaca kale tusayo. Dhinacna waa inaanu la iman cadho, cunfi iyo cagajugleyn uu u geysanayo dhinaca kale.

2.      In labada dhinaca ay ku heshiis yihiin iney shirka u siman yihiin oo aan dhinacna dhinaca kale hoos u dhigin ama aanu u waajihin hab nuqsaani ku jirto.

3.      In tirada dadka ka qeybgelaya wada hadalku isleegtahay iyo inaan dhinacna wafdigiisa ku soo darin dad ajinabi ah.

4.      In dadka wada hadalka ka soo qeyb gelaya aaney ku jirin danbiilayaal dagaal, dad naceyb lagu sifeeyo iyo dad laga biqi karo iney carqalad dhaliyaan.

5.      In labada dhinac isu ictiraafaan in mid kastaaba uu wakiil buuxda ka yahay dadka iyo deegaanka uu ka socdo. Khasab maaha iney dawladnimo isu ictiraafaan, balse waxa muhiim ah in dhinac kastaa aqbalo in wafdiga dhinaca kale yahay wakiilka xaqa ah ee ku hadli kara qadiyadda umadda ku dhaqan dhulka ay wakiilka ka yihiin iyo in mustaqbalka wixii arrintaa ku saabsan lagala hadli karo uun hadba maamulka ay umaddu ku soo doorato distoorkeeda u digan.

6.      In labada dhinaca midkoodna aanu wada hadalka ku soo darin dad ka tirsan dhinaca kale, isir ahaan iyo deegaan ahaanba.

7.      In dhinacna aan ku kicin wax borobagaanda ah ama tashuush ah oo uu ku khalkhalinayo dhinaca kale, taasi oo keeni karta iney burburiso niyad samidii oo ay fashisho wada hadalku inu sii socdo.

8.      In laba dhinac midkoodna aanu soo dhiiri gelin, hubeyn ama aanu ogolaan koox, urur ama shaksiyaad iney dhibaato, aflagaado ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah dhinaca kale ka saameeyaan dhulka ay maamulkiisa sheegtaan.

9.      In wixii la isku afgaran waayo dib loo dhigo oo aan la sii adkeyn si fursad loogu helo in wada hadalku sii socod.

10.  In wixii aad u adkaada ee ay u muuqato in labada dhan aaney isku mari karin ay tahay in ay dib uugula noqdaan golayaashooda xeerdejinta, dawladohooda iyo ugu danbeyn dadweynahooda.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Somalia                       Jamhuuriyadda Somaliland

Saxeexa                                                                                                 Saxeexa

Haddii ay Somaliland gasho wada hadal iyada oo aan heshiis gogol xaadh laka saxeexan, waxa hubaal noqon doonta in dhibaato ama khasaare ka soo bixi doon wada hadalka. Wey adagtahay inad gasho garoonka ciyaaraha oo lagu yidhaa ciyaar adiga oon laguu sheegin xeerka iyo sharciga u yaala ciyaarta. Kubadda gacanta in lagu qabto miyaa la ogolyahay? Maxaa lagu sameynayaa qofkay gacanta kaga dhacdo? Madaxa miyaa lagu dhufan karaa? Ciyaartu waa iney leedahay sharci iyo nidaam la isla wada ogyahay oo inta garoonka soo gashey iyo inta daawaneysaaba ay isku si u yaqaanaan. Bal ka warran haddii lagu yidhaa horta garoonka gal ciyaartana bilow, sharcigana waxa an kuu sheegi doonaa inta ay ciyaartu socoto, oo kolba arrinta soo baxda markaasaan go’aamin doonaa. Waa indho la’aan soco! Waa diyaarad duuli bilaa radaar! Waa markab wad bilaa kambas. Sidaa meel ku gaadhi meysid!!!

Bile-Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com