Heshiisyada shirkadaha Shidaalka ka baadhaya Somaliland isla galeen – W/Q: Maxamed Saxar

Waxa aan rabaa in aan halkan ku iftiimiyo shirkadaha shidaalka ka sahaminaya Somaliland iyo sida guracan ee ay wax u maamulayaan iyo sida xukuumadda Somaliland ay ama uga aqoon la’dahay ama si badheedha ay isaga indho tirayso khaladaadka badan ee aan shuruucda caalamiga iyo xeer qarameedka distuurka Jumhuuriyada Somaliland midna ku salaysnayn.

 Oodweyne Block saddexda shirkadood ee ka shaqaynaya sidee bay wax u kala leeyihiin.  Lahaanshuha waa sida liisankan hoose ku qoran:
1. Genel 50%
2. Jacka 30%
3. PetroSoma 20%

Wax qaybsiga kor ku xusan Wasiirka macdantu wuxuu dadka ugu sharaxaa in ay tahay dhulka shirkad kastaaba inta ay baadhayso, Hadaba maqaalka hoos ku qoran, oo ah mid ay Jacka Resources Limited ay soo saartay markii ay Genel Energy ku wareejisay 50% lahaanshaha, si ka duwan sida Wasiirku u sharaxay ayey ku cadaynaysaa.  Waxa jira wax loo yaqaan Farm-Outs iyo Farm-Ins oo ay isticmaalaan shirkadaha shidaalka baadhaa.  Hadaba maxay yihiin Farm-Outs iyo Farm-Ins ?  Labada magac waxa laga soo xigsaday qarnigii 19 caado shaqo oo ka jirtay carriga Maraykan-ka oo loo yaqaanay “Sharecroppers” oo ah Midho-qaybsi ama wax soo saar qaybsi.  Taas oo ahayd qofku in uu beeraha qof kale uga shaqeeyo oo ka bacdina marka la iibiyo waxa soo baxa in la siiyo wax uu ku noolaado.

1. Farm-Outs :- waa is afgarad shirkadi shirkad kale ay liisankeeda wax soo saarka (production Licence) ay qayb (x%) ku yeelato, taas bedelkeeduna uu noqdo in ay shaqaadii qabato waxaana loo yaqaanaa af Ingriisiga “Earning Obligation” iyo in ay lacag bixiso.
Maxaa keena Farm-Outs ka?  Waxa ugu weyn marka shirkadi rabto in ay khatarta kaga imankarta mashruucan ay yarayso (Risk Reduction) ama ay weydo kharash ku filan si ay wajibaadkeeda shaqo u gudato.

2. Farm-Ins:-  Waa marka shirkad aan wax liisan ah ku lahayn aagga la baadhayo ay liisan ka iibsato shirkad liisan haysata.
Maxaa keena Farm-Ins ka?   Waxayaabaha keena waxa ka mid ah
a) Marka shirkadi kharash ku filan haysato laakiin aanay haysan dhul ku filan oo ay wax ka soo saarto. Iyo shirkadda liisanka leh oo kharash yari ku dhacday laakiin dhul balaadhan haysata.
b) Marka ay shirkadi rabto in ay ka takhalusto liisanka sababo ay ka mid yihiin maamulkii sare oo is bedelay, shirkadii oo u aragtay in mashruucani kharash iyo wakhti badan ka qaadanayo, ama shirkadii oo la iibiyey (acquisition).

Hadaba labadaa nooc ee is afgrad markasta waxa khasab ah in Xukuumadda dalkeeda laga shaqaynayaa ay ansixiso (Government Approval).  Sida hoos ku qoran Genel Energy waxa ay bixisay oo ay Jacka Resources siisay $700,000 (oo ah  pro-rata share of back cost) iyo in ay shaqadii oo dhan qabato oo ay tuurta u ridato (Free-Carrying) jacka iyo PetroSoma bedelna ay u hesho 50% . Taasina waa FARM-OUT.  Genel Energy ayaa Kharashka iyo shaqadaba 100% qabaysa.

PetroSoma oo uu Maxamed Yuusuf Leeyahay waxa ay 80% liisankeedii ka iibisay Jacka Resources Limited, Australia.  Tani waxa weeye Farm-In  oo sida kor ku qoran laba mid uun baa PetroSoma la soo gudboonaatay-in ay kharash ku filan wayday iyo in ay khasaare yarayni ku keliftay.

Hadaba hadii Oodweyne Block xaalkiisu sidaa yahay, Saraar Blocks na waa sidee?  Saraar waxa ku wada jira Genel Energy iyo East Africa Resource Group oo 75% iyo 25% u kala leh sida ay u kala horeeyaan.  Genel intii aanay soo gelin ciyaarta waxa keliya oo saaxada ka muuqday shirkaddii Asante oo kacday.  Hadaba su’aasha ugu weyn ee ay Wasiirka iyo Ibrahim Maxamed Xasan diideen in ay ka jawaabaan waa Genel iyo East Africa Resaources keebaa soo horeeyey? xagee bay se isku guursadeen?  Sida muuqata East Africa Resource ayaa liisankeedii 75% Genel ka iibisay oo la xanbaarsanyahay.  Su’aasha kale waxa weeye kani Farm-Out iyo Farm-In wuu noqon karaa ee haddii uu farm-Out yahay Genel Energy imisay lacag bixisay?  Yaase qaatay?  Farm-In na wuu noqon karaa oo East Africa Resource, oo aynu ognahay cidda leh, in aanay lacag ku filan haysan laakiin ay faa’iido weyn u aragtay in ay hesho saami 25% ah oo aanay wax shaqo iyo kharash ahi iyada kaga bixin.  Shaqada Sahanka, qodista iyo soo saarkaba 100% waxa qabanaysa Genel Energy.

Wasiirka iyo Ibrahim su’aalaha ah East Africa Resource Group Yaa leh?  Yaa ka madax ah? Saldhigeedu waa xaggee waa kuwa ay ugu neceb yihiin?  waxaanay kaga baxaan waa Norweygian.
Hadaba su’aasha reer Somaliland la rabo in ay is weydiiyaan waxa weeye Maxamed Yuusuf (Oodweyne Block) iyo Ibraahin Maxamed Xasan (Block SL-10B iyo SL-13), waa labada nin ee keenay shirkadaha shidaalkee, doorka ay ka ciyaareen iyo natiijada ay gaadheen waa maxay? Maxamed Yuusuf iyo Ibraahin
Labadan nin ee ninna Jinsiyad Ingriisa sito midna mid Norweyjiyan ah sitaa waxa ay ka faa’iidaysteen maamul xumada iyo dawlada tamarta daran iyo musuqmaasuqa ka jira Somaliland.  Shirkadaha shidaalka marka liisanka la siiyo aag kasta (Block) waxa xukuumadda la siiyaa waxa loo yaqaano lacagta is afgaradka (Bonus money) taas oo laba wax loogu tala galay a) in wadanka horumarintiisa la geliyo b) in dadka degaanka la baadhayo iyana qayb horumarintooda ah la siiyo.  Markaa Wasiirka Macdanta isaga ayaa lacagahaas Boonasku ku soo dhaceen oo wasaarada maaliyada laguma shubin.  Maxamed Yuusuf (Oodweyne Block) iyo Ibraahin Maxamed Xasan (Saraar iyo Togdheer) waxa ay ka faa’iideen saami ah 20% Maxamed Yuusuf iyo 25% oo Ibraahin Maxamaed Xasan leeyahay  oo Maxamed Yuusufna wuxuu samaystay shirkadda loo yaqaan PetroSoma Ibrahin Maxamed Xasanna wuxuu samaystay East African Resource Group  oo ilaa iminka aanay jirin meel xarun u ah iyo cidda ka madaxda ah. Xukuumaduna ilaa iminka golaha wakiilada may horkeenin qandaraasyadii lala galay shirkadaha shidaalka.  Xeerka qaranka ee u yaalla Somaliland wuxuu dhigayaa in qandraasyadaa ummadda iyo golayaaasha sharci dejinta la hor keeno.  Waxa kale oo sharciyada caalamka, khaas ahaan kan Maraykanka iyo Midowga Yurubba, ay khasab ka dhigeen in wixii lacag ah ee la isa siiyeyna la sheego.  Wasiirka macdantu, Xuseen Cabdi Ducaale, maxay ku dhacday in dakhliga ama mucaawamada wasaaradiisu ay soo hoyso in naanay ku dhicin wasaarradda maaliyada?  Maxamed Xaashi Cilmi wixii uu isaga casilay wasaarada maliyaadda arrimahaasi sabab ayey u ahayd.
Waxa kale oo jira in waddanku aanu lahayn xeerar iyo siyaasad ku aadan Betroolka iyo Gaasta (National Oil and Gas Policy) taas oo had iyo jeer haday jirto loo adeegsado aasaas na u noqota hagidda siyaasad wanaaga Betroolka iyo Gaasta lagu maamulo.  Iyana waxa jira xeerka sahaminta iyo soo saarka Betroolka (Exploration and Production act) oo wadan kasta samaysto intii aan waxbaba la baadhin.  Taasna Somaliland kama jirto.  Ma jirto wax diraasad ah oo lagu sameeyey sidii looga hortegi laha saameynta ay sahaminta, qoditaanka iyo soo saarida shidaalku yeelanayso dhulka daaqsinka ah, dad iyo xoolaba.  Shirkadda ninka Somaliland uga masuulka ahi markii la weydiiyey diraasadda wuxuu ku jawaabay Ingiriiska ayey taallaa. Su’aashu waxa weeye Diraasadda ma Somaliland baa loogu tala galay mise Ingiriiska.

Waxa kale oo la ogsoonyahay cidda ay danta gaar ahi ugu jirta (Stake holders) ee arrintaa shidaalku ay aad u khusaysaa in ay tahay waa a) Dadka deegaanka iyo muwaadaniinta guud ahaan b)Dowlada dhexe iyo tan gobolada, Golayaasha sharci dejinta c)Shirkada shidaalka.  Hadaba waxaa halkan ka muuqata in Somaliland laba nin ay keeneen shirkadaha shidaalka xukuumaduna ay si qarsoodi ah ula xaajootay iyada oo iska indha tiraysa xuquuqda muwaadinka degaanada ay khusayso iyo xeerka iyo sharciyada u dejisan dalka.

Xukuumaddu dadka deegaanada qaar waxay kula talisay in ay shirkadda la gar naqsadaan oo wixii ay xaq u leeyihiin ee ka maqan kala hadlaan.  Taladan xukuumadu soo jeedisay waxaa kaaga muuqan karta in aanay xukuumadu masuuliyadi ka saarnayn shirkada shidaalka iyo hawsha ay wadaan.  Waxa kale oo aad is weydiin kartaa xukuumadu miyaanay heshiisyo la gaadhin shirkadaha?  Haddii xukuumada dadka deegaanka ay leedahay idinku shirkadaha la xaajooda miyaanay ahayn in ay dadka deegaanku heshiiskaba la saxeexdaan shirkada.
Su’aalaha iyo arrimahaa aan kor ku soo xusay waa astaamaha lagu garto xukuumad a) Taag daran. b) Aan aqoon u lahayn xeerarka caalamiga ah ee lagula macaamilo shirkadaha betroolka iyo macdanaha. c) in ay aayaha iyo xuquuqda muwaadinka ka door biday wixii miiska hoostiisa looga dhiibayo ee jeeb gaara ku dhacaya.  Waad wada ogtihiin in bishii July wasiirka macdanta iyo biyuhu ku dhawaaqay in lacagtii horumarinta ee Shirkadauhu bixiyeen khasnada xukuumada lagu shubay!  Su’aashu waxa weeye intii ka horeysay yaa hayey lacagta? Xaggay taalay?  Ma akoon (Account) gaar ah oo Dahabshiila ayey taallay?

Bishii April 2013 waxa heshiis lagula galay shirkadda DNO oo Norway laga leeyahay waxa la siiyey Block 18 (oo iminka muran ka taaganyahay)  lacagtii Boonaska (Bonus money or upfront payment) iyada meel ay ku danbaysay la garan maayo.  Muwaadiniinta degan aagaasna waxay ka og yihiin iyo wax laga tashaday ma jiraan.  Dadka maamulaya ee madaxda looga dhigayna waa dad la wato oo si gaar ah oo qaraabaysan loo magacabay dadka deegaankuna waxba kuma laha.  Marka aad eegto Wasiirka Macdantu sida uu u maamulayo ama uu u hirgeliyo heshiisyada shirkadaha shidaalka, waxaa kaaga muuqanaysa in aanu aqoon u lahayn habka iyo dariiqada haboon ee loola macaamilo shirkada shidaalka, ama uu sidii isaga dani ugu jirto ee uu uga macaashi lahaa uu wax u qabto.  Waxaanu ogyahay in aan cidi la xisaabtami doonin oo uu kalsooni buuxda ka haysto aqalka madaxtooyada, xulafo xooglena uu ku leeyahay.

Hadaba maanta oo lagu jiro qarnigii 21 weli eex, is cadaadis, xaq duudsi iyo hanti boob ayaa xukuumadda maanta jirta u tafa xaydatay.  Waad wada ogtihiin oo ubixii dalka, waa dhalinyarada’e, tahriib ayaa u noqotay rejeda keliya ee ay qabaan.  Marka la weydiiyo ee la yidhaahdo waar waad ku dhiman tahriibta ee iska joog! badankoodu waxay ku jawaabaan, “oo ma iminkaan nolol haystaa ama aan noolahay”! intooda badinina waa wax ka soo baxay dugsiga sare ama jaamacad.  Horena waa loo sheegay oo waxa la yidhi xafladda sannad laha ah ee xukuumaddu qurba jooga u samaysaa iyana waxa ay dhalinyaro badan ku abuurtay cuqdad tixgelin la’aan ah.  Markaa waxay ku hamiyaan marka ay warbaahinta ka akhriyaan ama TV ay ka daawadaan sidii ay u dhoofi lahaayeen ee marka ay fasax wadanka ku yimaadaan sidaas oo kale xukuumadu u soo dhoweyn lahayd.  Taasina waxay u dhigantaa waalid caruurtiisii halaag ku dhiiri gelinaya. Waxa kale oo iyana jirta kuwa iska jooga ee dhulkooda aamina haddii aanay xidhiidh sare ama qaraabo la lahayn dad sare in aanay ku guulaysan in ay shaqo helaan.

Wa Billaahi Towfiiq.

Maxamed Axmed Saxar