Heshiiskii Khilaafka muddo-kordhinta oo galaafan gaadhay Xisbiga UCID oo burbur ku sigtay

“Xukuumaddani waxay Caydh ka tahay Cadaaladda, hodan-na waxay ku tahay Dulmiga” – CALI GURAYHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inay xisbi ahaan hagar-daamooyin halis galiyey xisbigooda kala kulmeen heshiiskii laga gaadhay khilaafkii muddo-kordhinta ee dhexmaray xisbiyada iyo xukuumadda oo Xisbiga UCID dhex-dhexaadnimo kaga galay laba mowqif oo mucaaradka iyo xukuumaddu ku kala adkaysteen.

Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa oo Golaha Guurtidu u sameeyey muddo-kordhin 22 bilood ah, ayaa ku adkaystay in aan wax isbeddel ah lagu samayn kari muddo-kordhintaas ay Guurtidu sameeyeen madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo ay ku doodaysay inuu yahay go’aan dastuuri ah, halka Xisbiyada mucaaradka ahi ka soo horjeesteen go’aankaas kuna adkaysteen in muddo-kordhinta lagu saleeyo muddo hal sanno ah oo Guddiga doorashooyinku u asteeyeen xilliga loogu diyaar-garoobi karo doorashooyinka oo ku beegan bisha June ee sannadka dambe, arrintaas oo abuurtay khilaaf siyaasadeed oo sababay in beesha caalamka gaar ahaan daneeyayaasha nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay faro-gelin toos ah ku samayso, markii dambe ay xukuumaddu fidiso gogol wada-hadal oo mucaaradka iyo muxaafadka dhexmaray, taas oo markii dambe sababtay in labada dhinacba ka tanaasulaan mowqifyadooda, laysuguna yimaaddo meel-dhexe oo xilliga doorashada loogu muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka, iyada oo masuuliyiinta Xisbiga UCID sheegeen inay suurta-geliyeen dhex-dhexaadnimada lagu xaliyey khilaafkii jiray.

Haddaba, Mujaahid Cali Yuusuf oo shalay war-fidiyeennada la hadlayey, ayaa sheegay inay mucaarad ahaan aqbaleen Dib-u-dhac doorasho oo aan waafaqsanayn Shuruudaha dastuuriga ah ee sababi kara dib-u-dhaceeda iyo Sharciga muddo-kordhinta ee xukuumadda, balse ay Golaha Guurtidu sii hurinayo muran siyaasadeed isaga oo si gaar ah u bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu ku eedeeyey inuu burburinayo heshiiskii lagu xaliyey khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta, kaddib markii Guddoomiye Saleebaan ku adkaystay inaan waxba laga beddeli doonin go’aankoodaas.

Cali Guray oo ka hadlayey saamayn heshiiskaasi ku yeeshay Xisbigooda, waxa uu yidhi, “Heshiiska anaga dedaal badan baa nagaga baxay, aflagaado badan baa nagu gaadhay, anaga UCID ahaan baa xataa ku siganay inaanu ku burburno, anagoo mucaarad ahayn baa haddana ugu yaraan laba goor ergo UCID ahi Madaxweynaha ugu tagtay in dalka laga badbaadiyo khilaaf burbur keena,” ayuu yidhi Cali Guray.

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaad moodaysay in Madaxweynuhu aqbalay in khilaafka lagu soo afjaro wada-hadal, wada hadalkana waxaa gudoominayay oo saddexda xisbi dhexdhexaadinayay Madaxweyne xigeenkiisa, Mucaarad ahaan waxaanu ka tagnay wax faro badan, waxaanu ka tagnay in doorashadu bishan qabsoonto oo sharci ahayd, waxaanu ka tagnay inay sannadka dhammaadkiisa qabsoonto, waxaanu ka tagnay tii Komishanku asteeyay ee ahayd 1-da June 2015-ka, December 2016 ayaanu isla tagnay.”

Cali Guray oo eedaynayey Guddoomiyaha Guurtida, waxa uu yidhi, “Waa Kibir iyo faaq waxa Saleebaan Gaal wadaa.go’aankii aanu halkaas ku gaadhnay waxay ahayd in Madaxweynuhu ka shaqeeyo oo Xal siyaasi ah ku dayo ilayn sharci dhimay oo dastuur dhimaye waxay ahayd in xalkii siyaasiga ahaa ee aanu ku heshiinay in sidii uu u dhaqan galin lahaa Madaxweynuhu ka shaqeeyo.”

Isaga oo Guddoomiyuhu hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Mixnada taagan waa tii Daahir Rayaale Somaliland ka badbaadiyay ee waxaanu Siilaanyo uga fadhinaa inuu maanta Saleebaan Gaal Ka badbaadiyo Somaliland. 26-ka June inta ka horaysaana waa fursad, haddii 26 June ay gaadho iyadoon xal la gaadhin oo ay noqoto in Madaxweynuhu heshiiskii ka baxay taladu UCID kaliya uma taalo ee qaranka oo dhan baa tashaday,”ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.

SOMALILANDPOST.NET