“Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera, Waa Dabin Loo Dhigayo Xukuumadda Soo Socota” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha  Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay sifo sharciyada baal-maran hehsiis ula gashay shirkadda DP World , islmarkaana aan hay’adda sharci dejinta lagala tashan.

 

44

 

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayay taageerayaal ku soo biiray, waxa kale oo uu sheegay in heshiiskan Xukuumaddu la gashay Shirkada DP World uu yahay mid lagu carqaladaynayo Xukuumadda soo socota waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

 

“Wax qarsoodi ah oo lala gudaayo oo Kilin-kilada lagu heysto  oo aan Xildhibaanadii loo sheegayn oo,  Wasiirradii gacanta  iska taagay oo Nin heshiiska akhriyey aanu ku jirin.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde.

 

 

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu intaas ku daray   “Maxaa lala yaacayaa 6 bilood baa hadhey , waana Dawlada dabo yaaqo ah oo sii socota in ay cid heshiis 30 sanadood ah la gasho xaq ma aha waana xaaran . Heshiiska wareejinta dekada Berbera waa dabin loo dhigaayo Xukuumada soo socota ee KULMIYE ka dambaysa oo ah heshiis 30 sanadood oo aan laga bixi karin. ” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost Hargeysa  .