Heshiis Lix Qodob Ka Kooban Oo Lagu Soo Afmeeray Rabshadii Xaafada Daami Hadheeyay

 

Hargeysa(SLpost)- Rabshadii mudooyinkii ugu danbeeyay hadheeyay xaafada Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa heshiis lix qodob ah laga gaadhay, heshiiskaas oo lagu aasaasay laba gudi oo midna amaanka ka shayan doonto midna ay ku midoobi doonaan dhalinyaradii labada kooxdood ahayd ee rabshadaha beelaysani ay ka dhaxeeyeen.

waxaana shirkan uu socday sida lagu soo warmay mudo afar maalmood ah, waxaana ka soo qaybgalay gababadiisii  wasiirku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Daahir Camuud iyo Taliye kuxigeenka Booliska Fooxle.

d6(35) d8(23)

Go’aaanaddii Gudiddu Soo Saartay.

  1.    waxaa xaafada loo sameeyay guddi midaysan oo ka kooban 10 xubnood labada dhinac mid oo Amniga Xaafada Kala Shaqaynaya Bilayska iyo Dhalinyaradda.
  2.    Waxa kaloonu samaynay gudi dhalinyaro oo ay u dhanyihiin Labada Dhinac, waxaanay si buuxda ugu heshiiyeen inay si buuxda amaanka xaafada uga wada shaqeeyaan iyo horumarka xaafada.
  3. in si midaysan labada gudi iyo dhamaan masuuliyiinta xaafadu uga hawlgalilahaayeen sidii rugta bilayska looga dhigi lahaa saldhig weyn xukumadana ula kaashan lahaayeen.
  4. in gudiyada odayaasha iyo gudida dhalinyaraduba ay ugu tafaxaydan lahaayeen sidii dhalinyarada xaafada loogu heli lahaay garoon kubadeed oo xaafadu leedahay.
  5. In Bileyska Lagala Shaqeeyo La Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dhaqamadda Xun Xun.
  6. in sariimada xaafada la hagaajiyo lana horumariyo lana dayactiro lana kaashado dawlada hoose iyo cidii kale wax ka qaban karta horumarkeed.