HCTV Wuxu u adeega Cadawga, Somaliland Habaar lagu kari waa

Somaliland waa qaran qaan gaadha oo labaatan jirsadey, caruur iyo ciroolaba waxay gaad ka hayaan qarankan hana qaadey ee qeyrkii dhaafey.
Waxa jirtey wakhti somaliland lahayd awood kooban oo ah jabahadii dibu xoreydanta geyiga Somaliland ee SNM rabi  intii naftooda ku waayey haw naxariisto  inta noolan cisi iyo sharaf haku maneystee  wakhtigaas waxay ahayd jabhad kooban oo saldhigeedu yahay diridhaba ethopia waxay soo martey safar dheer.
umaddanu waxay qaranimadeeda kala soo baxdey aflibaax maanta oo aynu joogno waxay mareysa meel aan loo baqan karin. cadawgu wuxu adeegsada mid maan gaaba oo oo gudaha jooga oo kashaqeeya hadimada qarankan rabi balayada baal mariyey ee tawxiidka calankiisa ku xardhanyahay. cadawaga muuqda waxa indho libaax u leh ciidamada Sooma jeestayaasha ee ay hogaanka u hayaan ragii hooga iyo halaaga ka waraabiyey dawladii faqash ee afweyne afka ciida u darey.
HCTV waa tv ummadu ay dhabadna gacanta sartey oo somaliland magceeda hoos u dhigey ka xamarna cirkaa geeyey.
waxad yaabeysa wiil dhaliyara oo madaxda qaranka ee hadii aney jiri lahayn faqash aabihi iyo isaga gawrici lahayd oo madaxda qaranka wax ka sheegaya si fudud oo aan masuuliyd ku jirina u af lagaadeynaya. waxaynu xasuusanahay wareysiyadii cayda iyo xumaanta iyo isku dirka ummada walaalaha ee dhiiga iyo diintu mideysey kala dilayey ee buur madaw iyo daba dhilifka cadawga laga sii daayo. waxaynu dhawaan ka daawaney warbixin macmala oo jeebka ay kala soo baxeen oo ay ku sheegin in madaxweynahay qarankanu fashilmey ummadana been u sheegey aynu is weydiinee  ma gole qaranba? ma xamarbey usheegayan yey wax usheegayaan?waxad yaabeysa marka ay warkooda ugu muhiiimsan ka dhigtaan cay ay mikrifoonka la hoos ordeen wax matare laaluushki dawaladii hore waayey oo horu marka qarankanu uu dhibayo. markaas ayaad is weydiineysa Tolow miyaan la barin saxaafada, waxa kasii daran marka aad aragto iyagoo ka hadlaya xoriyatal qawl waxanay bulshadu is weydiineysa tolow xoriyada ay doonayaan ma in si cad loo oglaado baabinta qarankanbaa? Dhaliisha xukuumadan waxaynu u sameysaney Xisbiyo qaran oo u haysta ogolaansho in ay tilmaaman dawalda hadii ay u arkaan in ay xilkeedi kasooo bixi weydeyna awood sharci xaga baarlamanka u adeegsadaan. hadaba hadii aaney jirin xisibi ay afkooda ku hadalaan yey ku metelan waxay sheegayan?  jawaabtu waa isku soo wada duuboo HCTV waxay u adeegan Cadawaga, qarankanuna wuxu cadawgiisa u leeyahay indho qudhaanjo. somaliland habaar lagu kari waaye ha karamo seegina…………..

ALLAH MAHAD ISKA LEH DHAMANTEED

AHMED SULIEMAN NOUR

GERMANY.